SHEEKO YAABLEH OO JACAYL-MIYAANAD II DAREEMAHAYN Q. 2AAD

 

miyaanad ii dareemahayn

 

Waan ku salamay wll buu igu iri, hadeer waan aqoonsadey inuu isagii yahay, waan ooyey oohin aan joojin kari wayay. Wàan hadli kari waayey codkii baan u badalay si aanu ii fahmin isaguse imaba filayo, anase shakisanoo moodaya inuu i garanaayo. Waxaan ka codsadey inuu igu soo celiyo. Haye buu idhi waan baxadagay. Sxbtey baan wacay wey iga qaban waydey. Dhulkaa i qadi wayey, waan sugi wayay inantii isagii baan ku celiyey, hadal bilow baan is idhi waan wadi kari wayey. Oohintii badneyd baa hadalkii igu xidhay qasab baan iskaga soo saaray.barasho wcn baan ku iri. Been baan u sheegay, magac kalaan u shègtay si àan u hubsado isnamagaciisi oo saddexan buu ii sheegay. Waaba jacaylkaygii aan riyada kula noolaa aragagax baa ii dhammaadey maalintaa wixii igu dhacay.  Qoraal idinkuma sheegi karo

Tariikhdiisa buu iiga shekeeyay sidan buu ilaa hadlayaa. Wll anuu xaas baan soo marey wax caruura iimey dhalin waanu kala tagney maadaama aanan anu markii hore dooran hooyadey baa igu qasabtay ina abtidey ruma ayay ahayd waanu is af-garan wayney imika saddex sano bilaa xaas baan ahaa.

Waxaan dagdag u waydiyey inuu waligii qof jecladay. Haa buu igu yiri waligay mar baan inan jeclaadey inantiise waan waayey addis ababa ayaanu wada joogney. Waxaan iska sawirtay inay inantaasi aniga tahay, waan iska farxay aax qalbiga ii dagay, waan garan waayay si aan wax kale u weydiiyo. Waan ka aamusay. Haye adigana buu igu idhi; waan gariiray saan wax ugu sheegaan garan waayey. Haye ii sheeg buu igu yidhi; haddana, anoo wali amusaan buu si kadisa igu yiri heblaayo waa magaceygii runtaa. Yaab waan naxay yaa u sheegay, waan ku dhigay telkii wuu igu soo celiyey, kamaan qaban dhawr goor buu igu soo celiyey. Mar danbaan ka qabtey.

Sidan buu igu idhi walaal iga raali ahow haddaad iga xanaaqdey, walaal aan kuu waayo sheegte plz hayga cadhoon. Haye baan dagdag ugu iri. Wuxuu ku billaabay, wlll waxaan dagganaa addis dhoof sugaan ahaa, maadaama abtigey qofka na kaxaynaya ahaa waanu ixitiraami jirey, agoona waanu ahayn oo abtigey baa illaa yaraantii gacanta nagu hayay, waxaanu wada socney laba hablood oo uu abtigay dhalay. Markii aan addis ababa nimi buu isna yimi si uu noo soo arko. Abtigay maadaama inantiisu inan qurux badan ahayd wuxuu ka baqay inay nin iska raacdo, hooyaday buu kala tashadey, inuu isku kaya dhiso hooyana wey ku faraxdey markiiba ana lay sheegay anna maadaama aanan wax xidhiidha lahayn waan aqbalay. Ina abtiday annagoo bil is qabna bey hooyadood. Nagala guurtey guri gaara bay kiraysteen. Gurigayagiina waxaa nala soo galay inan iyo hoyadeed inantu boqorad bay ahayd, markiiba waxa igu dhacay jacayl tuuga ah, aad baan u jeclaaday. Habase ahaate suuragal ma ahayn inaan soo bandhigo sababo badan awgood, ta kowaad xaas baan qabay ta kale guriga aanu ku noolayn wuu yaraa oo meel jaanisa oo xataa ereyo caadiya isku weydiina may jirin, hooyaday iyo hooyadeed wey joogaan anu indhaha ka ilaashada inantii aan jeclaa buu khadkeedi u soo baxay wey tagtay waan xanuunsadey xanuun aan ka qadey fikirka jacaylkaygii iga dhooftey. Waxaa wali afkayga ka dhadhama macaanka sabayad ay cisho iyadoo dubaysa aan kula kaftamay gaariyeey sabayadaada udgoonkeeda isoo jiitee wax iga sii laba midh bay isku kay laabtay. Hadayna naftu iga baxayn waan diidi laha inaan cunto danbe ka daba cuno.
Alla macanaydaa oo qofkaad jeceshay wixiisu wanaagsanaa. Alle wll xaalad xun baan galay buu si diciifa u yidhi.

Sheekadii aan ku noqdee ina abtiday baan niyad u waayey waaban xiiseyn wayey, inantii aakhirkii waan ku kala tagney. Imika waa kaligey canada ayaan joogaa waan shaqeeyaa. Maalin dhaweyd baan aroos tagay aroosaddu waxay la magac ahayd inantii aan jeclaa deedna magaceedi oo xuruuf laga sameeyay baa miis lagu sharaxay waan qiirodey jacaylkaygi baan xasuustay. Wiil baan weydiyey halka laga helo xarfahan wuu ii sheegay waan soo iibsadey, imika qolkayga way ku sharaxan yiin qofkastaa i weydiiya. Waan daawadaa habeen kasta waan la hadlaa xarfaha waan dhunkadaa mararka qaar waan ku dul ooyaa ii jawaabaan ku idhaah ilama hadlaan tiro kuma sheegi karo inta qof ee aan weydiyey qof garta waan wayey qalbigeygaase garanaya, intuu qoslay buu hadalkii raciyey; hadda wakhtigaa aan kaaga sheekaynayo 5 sano ayaa laga joogaa.

Waan faraxay, mar qudha, maan hadal intuu sheekada ii waday, cagahaa i kabuudyoodey madama aan si xun iskugu fadhiyey.
Inaaan hadlaan u holladey, haddana waan kari wayay. Waxaan sii hoosa u idhi anoo codkayga baddalaya; haddaa seed aniga ii dhaqeysaa adoo qalbigaaga qof kale ku jiro. Hadallo aan ka naxay buu ii sheegay, sidan buu igu idhi.

Walaal been kuu sheegi maayo, anu inaantaasaan jeclahay, waa sababta àan magaceeda kuugu yeedhay. Duruuf baase igu qasabtay, maadaama aan jeceylkaygi waayay in aan guursado bal inuu in uun aan ilaawo iyo anoo qurbe ku nool oo noloshii kalinimada ahayd wadi kari waayey. Run baan wll ku sheegaya waan qarwaa waan qayliyaa marar badana waaban xanuusadey sababo jacaylkayga la xidhiidha awgood. Ee walaal haddii aad asxaan ii sameyn karayso wll i caawi baan ku odhan lahaa boogaha intey ii bogsanayaan samir igula noolow fadlan haygu odhan naagta iga daa, waayo qalbigeygay raacday waan cadaadaystay waanan ku nafisaa hadalheynteeda. Wuu amuusay waan oyey oohin yaab leh, wuxuu ii raciyey inuu xataa damac sanyahay inuu curadiisa magaca u bixin doono. Wali maan arag qof jacayl heerkaasi gadhey waa arrin jacaylkaygii igu sii baladhisay inaan suuxaan ku dhawaadey, wuxuu yiri wll kaadh baan leeyahay labaad telphone hore baan galiyey kaadhkeygaan aan kaala hadlayo aayaan magac inaantii ku save gareyay isla aniga is garaaca waxaan mooda inay ila hadlayso kama se qabto waan dawaadaa uun heer walba waan gadhey waanse ladanahay hadda quraan badan oo laygu akhriyey darteed alxm.

W/q ismahan adeeca sawjatul ahmednur

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

Leave a Reply