Sheekadan sida la yiri waa sheego run u dhcaday, aniguse ma xaqiijin karo, ninkay ku dhacday oo ka sheekaynayana waatan oo wuxuu yir:
Ka dib jacayl xad dhaaf ah, rabitaan aan kala go’layan oo aan hatiyay tii wadnahaygu rabay, oo nolol guur iyo guri dhisnay, farxad iyo rayn rayn iyo jacayl aan dhammaad lahayn nagu hareeraysan yahay, ayaa maalin xaaskaygu igu tiri:
” Hambalyo gacaliye, uur baan leeyahay, wiil ama gabar nolosheena bila ayaa noo soo socda, tolow magacee u bixin doonaa, sidaan hab kuu siiyo ayaan hab u siin doonaa” qosol farxad ka muuqatana raaciisay,
Ugu danbayn aabe ayaan noqday, immisaan sugayay in aan noqdo aabe, dhallankayga xanbaaro dhabanada ka dhunkado, ilmihii u horreeyayna haday soo socdaan, mahad eeboow adaa leh.
Ubax baan ku hareereery xaaskayga, jacayl iyo galgacayl diirran baan qoor xir ugu dhigay oo huwiyaa gacalisadayda, gacaheedana ku hoos daadiyay mirihii jacaylka, har iyo habeen si galgacayl ku jiro ula ciyaaraa ula kaftamaa.
Bilihina tiris baan ugu dhaqaaqay, toddobo, siddeed, sagaal, waqtigii waa soo dhamaaday, xilligii dhaliduna soo dhawaatay, baryda eebana dibnahayga kama dagayn, ilaahoow xaaskayga iyo ilmahayga ii dhoowr ii nabad keen,
Waxaa la iyiri banaanka ku sug oo ha la galin gacalisadaada qolka dhalmada, waayo uma dulqaadan kartid in aad aragto xunuunka haya markay foolanayso, waxay la mid tahay jirkeeda oo qayb la jarayo, banaanka ayaan ku sugay, illinkiina la soo xiray, qolka umilisada gudihiisa ayay iiga qarsoontay gacalisadaydii iyo ilmihii uurkeeda ku jiray.
Laba saac ayaan illinka ku sugayay, oo wadnuhu il biliqsigiiba laba jeer I garaacayay, ugu danbayn waxaa soo baxay laba kalkaaliso oo indhahooda ilma ka da’ayso, maxaa helay xaaskaygii iyo ilmaahaygii? Ayaan hadal dhafin waayay, hambalyo, gabar aad u qurxoon baa kuu dhlatay, balse hooyadii waan badbaadin weynay, xaaskaagii waa umul raacatay, ayaa midood igu tiri.
Illinkii qolka dhalmada ayaan haraati ku jabiyay oo gudaha isku dhigay,
‘‘Maya, ma dhici karto xaaskaygu waa suuxday uun, ma dhici karto inaan xaaskayga waayo, ayadaa noloshaydii oo dhan ah, kuna soo rafaaday sidii aan u heli lahaa, inay beentahay ayaa dhici karta oo aysan dhiman, waxay ii sheegeen waa been,
Mara cad ayaa saarnayd xabiibtayda, gabadhii yaraydna waa ag taalay”, In kasta oo ay fooshii ku rafaaday haddana foolkeeda dagganaan ayaa ka muuqatay, iyo qurux,
‘‘Gacaliso ha dhiman, aduun la’aantaa wa mugdiye, kaliagay ha iga tagain, waan ku baryaa ila joog, yaa cunugteena ila korinaya, yaa naas u dhigaya, waan ku tuugaa ha iga dhaqaaqin, farxadii noloshayda ayaa tahay, ila hadal, hal eray I dheh, meel nuuxi, I tus inaad nooshahay”,
‘‘Macaanto, sidee iiga tagaysaa, ha igu dhaafin kalaigay korinta gabardheena aan danbiga lahayn, haddaad tagto yaan haystaa oo nolosha ila qaybsanaya? Sow iima ballan qaadin inaan waligeen isla joogayno, oo ilma badan dhalayno, ilaahayoow noloshu dulmi badanaa, nolol cusb ayaa igu soo biirtay, gabardhayda qaaliga ah, gacalisaydiina waan wayay”,
Iima jawaabin xabiibtaydii, dhalamdii bay ku umul raacatay,
Cunugtii yarad ayaan xanbaartay, ilamadu iga qumanaysa ayaa dhabannada I qoysay,
‘‘Aaaaah qaalidayda yareeyd, hooyadaa markay ku dhalaysay dhimatay, dartaa ayay u dhimatay inay ifka ku keento, si aad adigu u noolaato ayaad hooyadaa u weynay, ha illoobin waligaa xasuunoow”,
‘‘Gabadhaydaan jeclahaayeey, maandheey adiga dartaa ayaan gacalisadaydii u waayay, dartaa baa hooyada u dhimatay, si aad u noolaatid adigu, waxaan waayay hooyadaa ee xusuunoow gabadhaydii yarayday”
Xaaskaygaan labada dhaban ka dhunkaday, jannada ilaah ka isku kaaya tusu ku nabadgalyeey, berri ayaa lagu muddeeyey duugista gacalisadayda,
Gabadhii yarayd anoo laabta ku haysta ayaan arkayay dadkii uu ruuxaygii duugaya, oo ciida ku boobaya, ilmadayduna ku gobo’ lahayd dhabanada gabadhayda yar, miskiin, ma oga in hooyadeed dhimtay oo aan anigu korin doono.
Qolkaygaan dhex fariistay oo xaaskaygii u ooyay, yariistaydu waa jiiftay, waxaa soo daaliyay istaagii duugta hooyadeed, markii ay ciida ku dhameyeen ayay astaan sureen qabrigeed.
habeenkii kala bar ayuu gaaray anoo ilmadu iga sooto, oo kali ah, gabdhayda iyo xasuusta xaaskayga maahane, dariishada horteeda ayaan quraan akhris bilaabay, in ilaahay I dajiyo oo kuurbada iga yareeyo,
Si kadis ah ayaa unugtii u ooyday, maxaan ku dhahaa hadda? Haday ayada oo oynaysa hooyaded I weydiiso? Ma waxaan ku leeyahay hooyadaa waa dhimatay, ilam yarse ma ii garanayaa hadalkaas?
Halkii ay jiiftaan ka soo qaaday oo xabadka ku dhagsaday, urursaday carafteeda, meel walba hooyadeed bay uga egtahay, dibnaheeda, sankeeda, indhheeda.
Laabtaan gashatay oo la fariistay, ugana sheekeeyay arrin siday noqon doonto mar hadii hooyadeed dhimatay, waan ogahay inaysan hadalkayga fahmayn, balse waxaan rabay in ay dareento in an garab joogto,
Anoo in illintu igaa soo daadato iska ilaalinay ayaan ku iri:
“Wadnahayga adiga iyo hooyadaa maahane qof kale jacayl uguma jiro, waxaana kuu ballan qaadayaa, in aan mar kale wax jeclaan, hooyadaa ka dib qalbigayga qof yeelayn kara ma jiro, adiga iyo ayada mooyaane, intaas kaliyaan rabaa oo igu filan”.
Wa ay ooyday sidii ay garatay in hooyadeed aysan waligeed soo laabanayn, sidii ay leedahay waa inay soo noqtaa, igu dheh aabe hooyo wey soo noqon, socdaal bay aaday balse waa soo noqn, gabdheedii aysan arag baan ahay, sidee waqtiga iyo qadartu u kala qairayay hooyo iyo ubadkeeda?
Barri ama berri danbe ayay soo laaban, goorme ay soo laaban muhiim maahn, kaliya inay soo laabataa muhiim ah, saas sow maahan aabe, hooyo waa soo noqn, waa soo noqon.
Aaaah yariistaydiiyay……haa wey soo noqon, iga rumayso wey soo noqon,
Is daji oo seexo hadda, beeri halkaan baad ku arki doontaa hooyadaa, oo jacayl dhamaantii kuu sida, markaas ayaad I rumaysan doontaa, waayo anigu ballan laawe mahi.
dhabtayday ku huraday gabadhaydii, ayada oo beentaydii rumaysatay, berri bay I weydiin doontaa, aaway hooyo, aabe, mise ballantii waad daba martay, markaas waxaan ku dhihi doonaa, hooyo waa soo daahday, balse waxay iman hooydaa saadanbe, maandheey., cunugtaydu ma oga in hooyadeed luxudka jiifto.
Saadanbe haday I weydiiso hooyadeed maxaan odhan, sidii caadada ii ahayd baan odhan, berri bay soo noqon, qasab in ay berri soo noqoto..
Laabatayday ku huruday, gacmaheedu dhabanka iga saaran yihiin, dhoola cadaynaysa, foolka gabadhaydu aad buu u qurux badan yahay, indhahaan isku qabsaday anna, labadeeniiba waan seexannay, habeenkuna markhaati ayuu ka ahaa kurbada I haysay.
Aroortii markaan kacay, cunugtaydu weli waa jiiftay, welina doolla cadayntii dibnaheeda wa saarnayd, xalay intii aanan hurdin garaaca wadnaheeda waan dareemayay, qalbigaa isoo ruqay, aaway garaacii wadnuhu? Ma suurta gal baa in gabadhaydii dhimatay?
Gacanteedaan qabtay, sidii baraf ayay u qaboowdahay, xabadkaygaa ku qaatay, hoog iyo halaag baa I helay, gabadhaydii waa dhimatay sidii hooyadeed u dhimatay.
Waagu markuu baryay, dadkii shalay isku yimid ayaa isku yimid maantana, shalay xaaskayga ayay duugayeen, maantana gabadhayda.
Dhamaad
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply