Saacad ka dib dhanbaalkaas wuxuu hor yaalay Rafcat oo ahaa ninka ugu sareeya sir doonka Masaarida, markuu dhowr jeer akhriyayna farxad darted ku dhawaaqay:
“Waad samaysay ashraf, si fiican ayaad samaysay”.
Anwar oo markaa ku sugnaa xafiiska taliyaha ayaa weydiiyay.
“Ma jidbaa u baxay?”.
“Haa, waliba si layaqaan”.
Anwar oo neefi ka soo go’day ayaa inta is ku sii daayay kursi meesha yaalay yiri:
“Arrintii aan bilownay miro dhalkeedii ayaa la joogaa”.
Rafcat ayaa ku raaacay asagoo madaxa ruxaya kuna yiri:
“Dulqaad baa nala ka rabay uun, waayo ku beeritaanka nin basaaskeena ah lugu beero cadowga dhexdiisa wax fudud maaha, arrin la yareysan karana maaha, gef kasta oo dhaca si kastaba ha u yaraadee wuxuu burburin karay hawshaan wadnay oo idil, sirdoonkeenuna waxay ku dadaaleen in ay qariyaan dhimashadii MarioDizrael gii dhabta ahaa oo ku dhintay gacanta kooxaha mayalka adag ee talyaaniga bartamihii lixdameeyada,waxayna diyaariyeen Ashraf oo u eg Mario si booska loogu buuxiyo kuna dhex noolaado magaalada napuli, waxaana taa aad u suurta galiyay Ashraf oo aabihii Masri ahaa hooyadiina talyaani oo si fiicanna u yaqaanay afka iyo dhaqanka talyaaniga, dhinaca kale maahayn arrin ay si fudud ku ogaan kareen yahuudu, waayo Mario Dizrael wuxuu ahaa Yahuudka kaliya eek u noolaa Florence asaga iyo cidiisa”.
Anwar oo qoslaya ayaa wuxuu raciyay.
“Waxaaba taa ka daran madaxa wakaaladda dib u dajinta Yuhuudda ayaaba ku dadaalay inuu Isra’iil u diro”.
Rafcat baa si xiiso leh ku yiri
“Kaba darane asagaaba u furay irdaha shaqada haddana waxaa kaalmeyndoona xaaska mid ka mid ah jeneraallada ugu sareeya Isra’iil si basaaskeenu u dhex galo hogaanka sare ee ciidamada isra’iil”.
Ayagoo wada qoslaya ayyu wuxuu ku daray Rafcat:
“Janaraalku waa basaas aan ogayn in uu basaas yahay”.
Weedhaa danbe waxay ahayd mid qiimo badan waayo jeneraalka oo meel sare ka haystay ciidamada Isra’iil ma dareensaneyn marnabana kuma fikirin in waraaqihiisa gaarka ah ee sirta ah ee galaysan ee uu la yimaado gurigiisa in qoraalka ku qorani uu si toosa u gaaro ciidamada sirdoonka ee Qaahira, xataa xaaskiisu wax wara kama hayn mana dareensanayn, niyadeedana kuma jirin in furihii ay siisay gacaliyaheeda Mario uu si qaldan u adeegsado.
Mario oo tababar aad u sareeya ku soo qaatay gacanta sirdoonka Masaarida ayaa saqda dhexe darbiga ka boodi jiray iridda gudahana furaha isaga furi jiray wuxuuna sawirro ka qaadi jiray waraaqaha janaraalka ee sirta ah ee uu la yimaado, wuxuuna ku ridi jiray kalluunka loo dirayo Mersiliya ee dalka Faransiiska, halkaasoo basaas kale ka qaado una diro sirdoonka Masaarida ee jooga Qaahira .
Mario iyo janaraalkaas dartood Qaahira waxay ogaatay warbaxino badan oo ku saabsan hub cusub iyo taangigii u horeeyay ee Israa`iil samayso iyo habka digniinta ee ku rakiban xariiqda Baarleef iyo tobanaan kale oo warbaxino oo faa’iido u leh dalka Masaarida .
Bartamihii 1973-dii markii ay Rachel ku jirtay waqtiyadii ugu fiicnaa uguna farxaada badnaa, Qaahira waxay Mario ka dalabtay in uu soo aado tababar uu ku qaadanayay filo ku taala buuraha Athines ee dalka giriiga, filladaas oo meel go`doon ah ku taala, waxaana tababarkaas loogu tala galay in uu soo ururiyo warbaxinta ugu tirada badan ee uu awoodi karo kuna saabsan arinta xariiqda Baarleef iyo u yeerida loo yeeray ciidamadii kaydka israa’iil taas oo looga dhawaaqay shirkii u danbeeyay ee ay yeesheen saraakiisha sare ee ciidamada Isra`iil.
Mario asaga oo adeegsanaya kana faaiidaysanaya xirirkiisa iyo aqoontiisa Tel aviv gabi ahaan in uu usoo aruuriyo warbixinadaas .
25 bishii September 1973-dii ayaa Mario waxaa amar lagu siiyay in uu ku soo laabto magaalada Roma ,wuxuuna u duulay magaaladaas asaga oo marmarsiyo ka dhiganaya inuu ka furayo qayb cusub oo shirkada ka mid ah dalkiisa hooyo ee Talyaaniga
Bishii oktoobar ayaa gabi ahaanba waxaa la baabi`yay aqoonsigii beenta ahaa ee uu watay Mario, waxaana dib loogu soo celiyay aqoonsigiisii runta ahaa ee Ashraf Al Gayaar, ayada oo la soo siiyay baasabor Masari ah iyo tigid oo uu si farxad leh ku qaabilay, wuxuuna ku soo laabtay magaalada Qaahira lixdii fiidnimo ee 5 tii oktobar 1973-waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Rafcat ninka koowaad ee sirdoonka Masaarida asagoo leh “alxamdulilaahi ilaahii ku nabad keenay
DHAMMAAD
Turjume
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply