Inankii ayaa u sheegay inuu halkaan Nabuli ku xasilay diyaarna u ahayn nolol cusub oo waxay noqon doonto aan la ogayn iyo dhul cusub iyo bulsho uusan waxba ka garanay .
Si kasstaba Ben-Zion arinta waa u qurxiyay una faaniyay, wuxuuna u sheegay in noloshiisa Israa`iil ay noqon doonto baraare iyo horumar, halkaana uu ka heli doono shaqo ka wanaagsan tan hada uu hayo, wuxuu u keenay buug xayaysiinaysa Israa`iil, Mario waa ka madax adaygay asagoo marmarsiyo kala gadisan sheegaya, balse Ben-Ziona wuxuu la daba joogay inuu ogolaysiiyo, tan iyo markii danbe warar beena ay is af garanwaa ka dhex abuureen Mario iyo ganacsatadii waaweyneed ee kaluunka taas oo keentay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku aado Isra`iil.
December 1969-kii ayuu Mario  Dizrael ka dagay groonka Ben-Gurion ee magaalada Tel aviv asagoo wata dardaarankii saaxiibkii Moshe Ben-Zion, sitana waraaq ku socota mid kamida ganacsatada waaweyn ee Isra`iil .
Isla markiiba wuxuu shaqo ka helay ganacsadihii saaxiibkii Ben-Zion kala soo hadlay taas oo keentay in noloshiisu sal dhigto, wuxuuna u shaqayn jiray si dadaal badan ku jiro wuxuuna suubsaday xiriir wanaagsan iyo saaxibtinimo qoto dheer oo uu san ka samayn Karin markiisii hore magaalada Nabuli, waxaa ka haray diiftii iyo dhibkii, farxadii iyo qosolkii ayaa u soo noqday ,wanaagiisa iyo hadal macaanidiisa waxaa jeclaaday ganacsatadii, kalyantigii iyo dariskii .
Si dhaqsa ah ayaa Mario u noqday dhalinyarada ugu caansan Tel aviv, ugu xaragada badan, ugu fur furan, Â wuxuuna noqday mid la dhaqankiisa dumarka iyo soo jiidashadooda lagu sheekaysto .
Bilowgii 1971 dii Mario wuxuu furay shirkad lagu qaboojiyo laguna qasacadeeyo kaluunka iyo cunnada badda, intaan bartamahii sanadka lagaarin waxaa wax ka gadanayay siyaasiyiinta iyo jeneraaralada ciidamada ee joogay Tel aviv, wuxuuna u dhaqaalayn jiray si aan ganacsatada kale u dhaqaaleen oo wuxuuna ugu talagali jiray noocyada kaluunka aadka u fiican .
Sida ninkasta oo dhalinyara ah oo magac iyo hantiba leh waxaa u soo durbaantumanayay Mario, tobonnaan wadne oo uu ugu horeeyo wadnaha gabadha la yiraahdo Rachel Freeman oo ahayd xaaska jenaraal ka mid jenaraalda Isra`iil ugu magaca dheer uguna awooda badan, Mario se dhag jalaq uma siin wadnaha Rachel oo asaga dartii u waashay .
In kasta oo dukaanka Mario uu adeega guryaha ugu geyn jiray dad sida dukaamada waaweyn ee kale, hadana Rachel waxay ku adkaysatay in ay timaado dukaanka si ay u doorato adeega ay rabto dabadeedna guriga loogu geeyo, imaantikeedana waxay ku soo beegi jirtay xilliyada uu joogo Mario.
Markasta oo ay dukaanka timaado waxaa indaheedu qaban jireen asaga oo la haasaawaya lana qoslaya gabdhaha kale ee adeega soo doonta, taasina waxay olol hor leh ku abuurtay wadnaha Rachel, danayn la’aanta uu san danaynayn ayada ayaa sii balaarisay rabitaanka ay u qabtay Mario waxayna isku dayday  inay ku dhawaato soona jiidato dareenkiisa, ugu danbayntii garaadkeedu wuxuu tusay tab ay isku muujin karto.
Maalin maalmaha ka mid ah ayay muran dheer la gashay ayada oo xanaaqsan mid ka mida shaqaalaha dukaanka, waxayna ugu hanjabtay in ay dukaanka xirayso ayadoo adeegsanaysa awooda ninkeeda.
Sida ninkasta oo ganacsade ah Mario dhinaceeda ayuu aaday si uu u dajiyo ugana raalli galiyo gafka lagu sameeyay ee ay ka cabanayso, taas oo ahayd siday rabtay, Rachel oo sida dumarka kale xeeldheere ku ahayd arimaha ragga waa dagi diiday kana bixi weyday dukaanka ilaa markii danbe ay lambarada taleefoonnada is weydaarsadaan ayada iyo Mario, waxayna cod dabacsan ugu sheegtay in uu soo waco barqadii marka uu ninkeedu maqan yahay.
Habeennimadaas Mario wuxuu  ku laabtay gurigiisa xilli danbe wuxuuna si taxaddar leh u hubiyay in daaqaduhu dhamaan xiranyihiin daahyaduna sii daysan yihiin, markaas ayuu khaanad ku qarsoon  miiska xafiiska gudihiisa kala soo baxay shandad madoow ooy ku jiraan qalabka wararka lay sugu diro oo aad u heer sareeya wuxuuna diraay dhanbaal.
la soco qaybta xigta
Walaal waan soo dhaweynaynaa qoraalladiina, sheekooyinkiina, buugtiina, waana ku soo bandhigayna website ka akhri.so,
Turjume
Suldaan cali Adam Ameeriko
Leave a Reply