SHEEKADII BOQOOL Q-1

 

Farxad weyn ayaa ka muuqatay wajiyada siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada israa`iil  markii ay ka qaybgaleen dabaaldagii guushii ay ka gaareen dagaalkii Juun 1967 dii, khudbado raynrayn ka muuqato ayaa iskadaba dhacayay, khudbadahaas oo ay ku sheegayeen in aan caad  saarnayn in ciidanka israa`iil uu yahay mid aan la loodin karin iyo in israa`iil kaligeed ay u babac dhigi karto dhamaan carabta oo isbiirsata, siyaasiyiintu waxay halkaas kaga dhawaaqeen in dadka Yuhuudda ah dhamaan iyo qofkasta oo hooyadiis Yuhuudd tahay ay u soo boqoolaan dalka israa`iil meel kasta oo ay aduunka ay ka joogaan, sidaa darteed kumaankun dad ah ayaa u soo  yaacay ayaga oo ku haminaya ayatiin fiican iyo nolol wanaagsan, waxaana dadkaas ka mid ahaa Mario Dizrael, oo ahaa Yahuudi dhalashadiisu tahay Talyaani aabahiisna wuxuu magacaas talyaaniga ah ugu bixiyay in uu bulsho weynta Talyaaniga ku dhex milmo, waayo kacdoon ka dhan ah dadka Yuhuudda ah ee dagan dalka Talyaanigaa ayaa xiligaas jiray. sida ay sheegayso warbixin nololeedka Mario taasi wax uma tarin waayo dadka dagan florance wuxuu marwalba u ahaa Yuhuudd dhalad ah,  waana yasi jireen iskana fogayn jireen xitaa dugsigiisii sare gabar walba waa diiday inay la saaxiibto ama ay xitaa kali ahaantiis gooni ula istaagto. dhamaadkii dagaalkii labaad iyo guuldaradii Talyaanigu la kulmay  waxay keentay in la diido oo ay dhib ku noqotay dadka yahuuda ahi in ay  ku noolaadaan dalka Talyaaniga .

Habeen habeenada ka mid ah waxaa la waayay Mario Dizrael  meel uu jaan iyo cirib dhigay, si kasta oo aabihiis u raadiyay, warar kutiri kuteen ahi waxay sheegeen in kuwa mayalka adagi dileen ,maydkiisana eyda loo tuuray,  taasoo hooyadiis murug weyn ku abuurtay keentayna inuu wadnuhu istaago maalmo dabadeed, aabihiina dhigtay cidlo iyo dadla`aan iyo murugo iyo niyadjab, wuxuuna dhintay hal gu’ ka dib ayadoon wax wara lagahayn Mario.

Hal gu’ ka dib bishii maarso 1968-dii ayaa Mario mudh soo yiri wuxuuna isa soo dhex taagay sayladda kaluunka ee magaalad Naabuli ayada oo rafaad iyo kali ahaansho ka muuqato ,waxayna u muuqatay in maalmihii uu qarsoonaa dhib wey u xambaariyeen oo uu san tabar u lahayn , dhibkasta oo haystay Mario wuxuu isku dayay inuu bilaabo ka ganacsiga nuucyada wanaagsan ee kaluunka, laakiin maafiyadii saylada haysatay waa u ogolaan waayeen inuu kor u kaco sayladana meel fiican ku yeesho, markiise uu ku ekaaday xiriiriyaha ganacsatada iyo dadka wax gadanaya waa ay dhaafeen, run ahaantii inkasta oo uu liitay waxa uu ahaa aamin nadiif ah .

Gu’ intii aysan ka soo wareegin wuxuu lahaa dad ku xiran oo aad u farabadan oo kaluunkiisa maahee mid kale aan rabin gacantiisana uu ku siin jiray , kalyantigaas waxaa ka mid ahaa agaasimaha wakaaladda dib u dajinta yahuuda ee xiligaa Moshe Ben-Zion.

Waxaa la yaab lahaa in intii Ben-Zion ay xariirka lahaayeen Mario uu u haystay inuu yahay Talyaani waayo magaciisa kaliya ayuu yaqaanay, maalin maalmaha ka mid ah ayaga oo sheekaysanaya ayuu ogaaday

magaca qoyska uu ka soo jeedo Mario, asaga oo ay filan waa ka ,muuqato ayuu ku yiri Mario:

“Ma yahuudi baad tahay?”

Markaasuu ugu jawaabay:

“Haa yahuudi baan ahay, maxaad ula ayaabtay?”

“Maxaad halkaan ka samayn?”

Ayuu waydiiyay Ben-zion,  inankii oo la yaab ka muuqdo foolkiis ayaa ugu jawaabay:

“Inaan wax qabsado “.

Ben-zion ayaa si xiisadi ku jirto ku yiri:

“Ma halkan baad wax ka qabsan”?.

Mario oo hadlka ninka layaaban ayaa weydiiyay:

“Xageen kale oo wax ka qabsan lahaa”?

Ben-Zion oo raynrayni ka muuqato ayaa yiri:

“ISRAA’IIL”.

Turjume

Suldaan Cali Ali Ameeriko

Leave a Reply