Wiil iyo gabar ayaa reerahoodii isku dareen, ninku wax rabitaan ah uma hayn gabadha iyo wax jacayl ah, wax dareen ah ee uu u qabo ayadana ma jirin, raalli galin waalid ayuu u guursaday, wax badan ayuu isku dayay in uu jeclaado ama ka helo balse isku daygiisii waxba waa ka socon waayeen, gu’yaal ka dib ayuu maalin go’aansaday in uu runta u sheego, waayo beenta iyo dhagarta uu wado ayuu u adkaysan waayay, maalintaas markay qadadii u keentay oo hor dhigtay, ayuu asaga oo qadadii iska indha tiraya ku yiri:
‘‘Arrin muhiim ah ayaan rabaa in aan kaala hadlo”
Ayadii warwar baa galay, asagana laba labayn, balse waa uu ku dhiiraday hadalkii oo yiri:
“Anigu kuma jecli, naag kale ayaan jeclahay, in muddo badan ahna jeclaa, Labadiinana ma awoodo inaan isku hayo, sidaa darteed waan ku qasbanahay in aan ku furo”
Warkii dagganaanta ay u qaadatay ayaa yaab lahaa, oo ayada oo aan xanaaqin asagana dhagar ku eedayn ayay ku tiri:
‘‘Waan ogolahay furriin, balse laba shuruud baan rabaa oo uu ku xiran yahay furiinku”
Hadalkii ayuu ka dhex galay oo yiri:
‘‘Shuruudahaaga dhan waan oggolahay, gurigaan iyo wixii ku jirana waan kugu wareejin, waxii kale oo xaq aad leedahayna waan ku siin”
Hadalkii intay ka dhex gashay ayay ku tiri:
”Shuruudayda koowaad waa in aad furrinka dib u dhigtaa hal bil, inta wiilkeena imtixaanadu u dhamaanayaan si uusan naf ahaan u dhibtoon oo imtixaamka ugu dhicin, tan labaadna waxaan rabaa in bishaas markaad shaqada ka timaadid maalin walba oo aan illkinka kaa furo aad I xambaartid tan iyo qolka jiifka”
Aad ayuu ula yaabay shuruuda ay ku xirtay, waase ka yeelay, diyaarna wuxuu u ahaa in uu wax kasta sameeyo oo uu ku furo si gacaladiisa uu jeccel yahay oo ah gabar la shaqaysa uu u guursado, waana uu oggolaaday shuruudii, bishii oo dhanna markuu shaqada ka yimaado ayuu illinka ka soo xambaaraa ilaa qolka jiika, ayaduna gacmaheeda ayay qoortiisa ku duubtaa si galgacayl leh na u dhun dhukataa ayada oo si macaan u dhoolla cadaynaysa, wiilkooda yar ee 10 jirka ahna markuu saas u arko ayuu ku soo ordaa oo ciyaar iyo qosol la galaa, waqti farxad lehna ay wada qaataan,
Ninkii oo sheekaynaya oo ilmadu ka da’ayso wuxuu yiri:
”Muddo ka dib waxaa I galay dareen dhinaca xaaskayga ah, si dhaqso ah ayaan uga durki jiray agteeda markaan arko si dareenkaan I galay aan madaxayga uga saaro, balse inaan naftayda runta u sheego kama fursan, waxaan dareemayaa waa galgacayl iyo jacayl aan xaaskayga u qabo, waxaan tiris ugu dhaqaaqay maalmihii oo waxaan gocday in ay qun yar u socdaan maalmuhu si aan xaaskayga uga tagin”
”Bishii markay sii dhamaanaysay xaaskaygii waa sii caatowday, foolkeeduna sidii hore maahayn, jirkeedii iyo nafteedi is badal ayaa ku dhacay, aad inaan uga warwaro ayaan bilaabay, is badel ayaa jira waan gartay, waxaan go’aansaday in aan saaxibtayda ila shaqaysa aan runta u sheego waxaana ku iri xaaskayga waan jeclahay, mana ka tagayo, markaasay inta I dharbaaxday igu eedaysay dhagar iyo saqajaanimo oo I cayday, aad ayaan ula yaabay siday iila dhaqantay, waxaana ii cadaatay dadnimada wanaagan ee xaaskayga fiican”
Aad ayaan uga shallaayay hadalkaan xaaskayga aan ku iri balse xilli shalaytin maahayn oo xilliigaas waa I dhaafay oo waxay u haystaa ayadu in aanan jeclayn oo aan naag kale jeclahay, gurigii ayaan ku soo laabtay oo waxaan arkay ayadoo dhulka jiifta, oo daal iyo diif badan ka muuqato, waan dhinac fariistay ooo dhabta saartay aniga oo wal wal badan I hayo.”
Ilmadii ayaa ninkii mar kale ka soo daadatay hadalkiina sii waday oo yiri:
”Gacalisadaydii waxay ii sheegtay in ay qabto cudurka kansarka oo dhaqtaradu u sheegeen in nolosheedii ay hal bil ka hartay, waana ay iga qarisay oo waxay rabaty bishaas nolosheeda ka hartay in ay agtayda joogto oo ku dhamaysto, sidaas ayayna iiga dalbatay inaan furriinka bil dib ugu dhigo, tan kale xambaarida ay iga dal batay waxay uga dan lahayd, in wiilkeenu dareemo in aabe iyo hooyo is jecel yihiin si hadhow markii aan naag kale guursado aan wiilkeena ugu muuqan aabe xun, naftiina waay ka baxaday, xanuun igu kaliya ayay iiga tagtay, adduun wixii ugu qaalisanaa ayaan waayay, wax walba waan khasaaray, rag waa kaas, markuu xaaska fiican seego ayuu qiimaheed ogaadaa oo qoomamayn galaa”.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply