Sheekh Jawad waxa uu yiri sunnada rasuulku waxa ay sharaxa u tahay kitaabka Allahu Tacaalaa rasuulkuna markuu yiri (Kitaabka Allahu Tacaalaa ey Iyo Aala Beydkeyga),waxa uu ula jeedaa kitaabka Allahu Tacaalaa iyo tafsiirkiisa oo sunnada aha Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu yiri ahlu beytka hadalkiisu miyuusan kitaabka tafsiir u ahayn maxay tahay baahida loo qaba in xadiiska lagu fasiro qur’anka kariimka?
Sheekh Jawad waxa uu yiri markii uu geeriyooday rasuulku Calayhi Salaam ayey umadii u baahatay in loo fasiro qur’aanka tafsiir ku haboon xilliga lagu jiro hadba, sidaa darteed ayaa nabiga waxa uu amray in ay ummaddu u noqoto kitaabka iyo ahlu beydka oo ku fasirayo kitaabka hadba wacyiga jira.
Qofka muslimka ah ee arkay wajiga nabiga (Calayhı Salaatu Wassalaam) ee sharafta leh waxaa la yiraahdaa saxaabi markay badan yihiin waxaa layiraahdaa asxaab.
Waxa aan aad ula yaabay su’aalaha ay is dhaafsadeen Shiikha iyo Muxamed Cabdi Wahaab! Waxa aan arkay Muxamed in uu noqday shimbir gacanta lagu qabtay oo kale, baadidii aan raadinayay waxa aan ka dhex helay Muxamed Cabdi Wahaab waayo waxa aan ogaaday in uu iskala weyn yahay culimadii joogtay xilligiisa ra’yigiisuna in uu ka madax banaan yahay afartii khulufo iyo madaahibta afarta ah wixii ay qur’aanka iyo sunnada ka fahmeeen.
Waxa uu aad uxaqiri jiray Saxaabada iyo culimada intaba qodobkaa isaga waxa uu ahaa qodobka kaliya ee iisuurta galiyay in aan gacanta ku dhigo ama aan ugu soo gabado naftiisa.
Waxa aan layaabay ninkaan dhalinyarda ee lagu kadiyay iyo ninkii Turkiga ahaa ee qur’aanka isoo baray kala duwananshaha u dhexeeyo, Shiikhaasi waxa uu ahaa nin aad umatala asxaabtii rasuulka Calayhi Salaam, waxa uu ahaa buur oo kale oo aysan cidna dheefi karin.
Waxa uu heystey mad habka xanafiga ah markii uu doono in uu ka sheekeeyo Shiikhiisa abuu Xaniifaah waa uu soo waysaysan jiray, sidoo kale marka uu doono in uu qaado kitaabka (Bukhaariga) ah waa uu soo weyseysan jiray, kitaabkiisana waa mid ay ahlu sunnuhu aad u qadariyaan hase ahaatee Muxamed Cabdiwahaab waxa uu ahaa mid iska wayneysiiya (Abuu Xaniifa)
oo waxa uu oran jiray Abuu Xaniifa aniga ayaa ka fahan badan, waxa kale oo uu oran jiray kitaabka (Bukhaariga) ah kalabar waa baadil. Waxa loo baahday cadeymahan markii laturjumayay qirashadii [Hamfari oo loo badalayay luuqada Turkiga, waxa aan ahaa bare wax ka dhiga dugsiyada sare mid kamid ah waxaa su’aal hada jaahiliinta aan mad habka lahayn wxay oranayaan sidaas oo kaleoraahdiisa waxay tusaale u tahay in uusan khibrad u lahayn cilmiga xadiiska
wuxuu iwaydiiyay arday waxa uu yiri macalinow qofkii dagaal lagu dilo mashahiid baa? waxaan iri haa, waxa uu yiri nabaiga miyuu inoo sheegay arintaas waxan iri haa waxa uu yiri ruuxii badda ku dhinta ma shahiid baa? waxaan dhahay haa ajarkiisuna waa uu badan yahay waxa uu yiri hadii ay diyaaradi soo dhacdo ruuxii ku dhintaa ma shahiidbaa?
Waxan iri haa waxa uu yiri arintaas nabigeenu ma inoo sheegay waxan iri haa waa uu inoo sheegay waxa uu ardaygii ku yiri si ciyaari ku jirto isaga oo qoslaya macalinow xilligii nabigu noolaa ma diyaarad baa jirtay waxa aan iri wiilkeygiyow nabigeena waxa uu leeyahy, magac magac kasta oo ka mid ah magacyadaas waxa uu ku tusinayaa tilmaamaha nabiga ee wanaagsan mid kamid aha magacyadiisana waxa ka mid ah jawaamicul kalim maxaa yeelay hal erey ayaa waxa uu kuu cadeenayaa waxyaalo badan waxa kamid ah hadaladaasi, (ruuxii meel sare kasoo dhaca waa shahiid).
Dhab ahaantii waa uu ku qancay ardygii, sidoo kale qur’aaka iyo axadiista nabiga waxaa laga helayaa ereyo aad ufara badan oo xambaarsan micnayaal fara badan, waxa layiraahdaa ruuxii aayaadkaas iyo axaadiistaa macna kala soo bixi karin ma jiro nin aad u cilmi badan mooyaane sidaa daraateed ahlu sunnaha waxaa ay ijtihaadka udiideen jaahiliina iyo dadka caamada ah,
tanna loogama jeedo in la joojiyo ijtihaadka si guud ee waxa la waayay caalim oofsaday shuruudii mujtahidka, muddo afar qarni ah laga soo bilaaaba hijiradii nabiga markaas ayaa waxa la xiray albaabkii ijtihaadka si toos ah markii uu qiyaamahu soo dhawaado waxaa soo degi doono Nabi Ciise Calayhi Salaam waxaa soo bixi doono (Mahdigii) markaas ayey ijtihaadi doonaan,
Nabiguna (Calayhı Salaatu Wassalam) waxa uu yiri (umadaydu gadaashaydu waxa ay ukala bixi doontaa todobaatan iyo saddex kooxood dhamaantoodna waa ahlunaar hal mid ah mooyee” waxaa layiri rasuul allaw noo sheeg midaas waxa uu yiri waa “mida kudulsugan waxa aan ku dulsugannahay aniga iyo asxaabteyda) xadiis kale ayaa waxa uu ahaa sidan (asxaabteedu waa xidigaha oo kale koodii aad ku dayataan waad ku hanuunaysaan)
ninkii la oran jiray Cabdulaahi Binu Saba ee Yahuudiga ahaa ayaa waxa uu ka dhex abuuray muslimiinta cadaawad asxaabta rasuulka qeyb kamid ah ayaa waxa uu ku tilmaamay gaalo ra’yigaas waxa ku kadsoomay oo qaatay Shiicada balse ahlu sunnadu waa ay ku diidaydeen oo ay jeclaadeen asxaabta rasuulka iyo sunnada nabiga Calayhi salaatu wassalaam waxa aan ku heshiinay],
aniga iyo Muxamed Cabdi Wahaab in aan sameyno xiriir badan waxa aan mar waliba ku oran jirnay oo aan u cadayn jiray in uu ka fadli badanyahay Cumar iyo Cali hadii uu rasuulku joogi lahaana adiga ayuu khilaafada kuu dooran lahaa iyaga oo jooga waxan ku oran jiray waxaan kaa codsanyaa in aad cusboonaysid Islaamka maxaa yeelay waxa aad tahay caalimka kaliya ee Islaamka gaarsiin kara caalamka waxa aan go’aansaday in aan kala hadlo sidii qur’aanka loogu fasiri lahaa afkaarteena khaaska ah oo laga leexin lahaa fasirka saxaabada,madaahibta iyo mashaa’ikhda.
Qur’aanka ayaa aayad aayad usoo qaadan lahayn waxaan ku dadaalayay sidii aan fahan wareer ugu ridi lahaa isagana waxa uu ahaa mid qaata oraahdeyda waxaa uu ku dadaali jiray sidii uu kalsoonidayda usoo jiidan lahaa, maalin maalmaha kamid ah ayaan waxaa ku iri jihaadku waa jib ma’ahan,waxa uu yiri sideebuusan u ahayn waajib illaahay soo ma oran [Gaalada Lajihaada] Suratu Towba waxaan ku iri hadaba maxaa uu nabigu ula jihaadi waayay munaafiqiinta ayadoo Allahu Tacaalaa yiri
(Nebi Muxamadow Ladagaalan Gaalada Iyo Munaafiqiinta) Suuratu Tawba/73, mida kale kitaabka la yirahdo [al Mawaahib alladuniyah waxa ku qoran nabigu in uu gaalada la jihaaday labaatan iyo todoba jeer waxaan tusay seefihii uu gudagaalami jiray oo yaala madxafka Istanbuul munaafiqiintu waxa ay ahaayeen kuwa isu tusiya in ay yihiin muslimiin nabiga (Calayhi salaatu wassalaam) ayey la tukan jireen maalintii nabigu waa uu garanayey mana uu san oran mid kamid ah munaafaq baa tahay hadii uu ladagaalami lahaa waxaa la oran lahaa] Muxamed Calayhi Salaam waxaa uu laayaa dadka mu’miniinta ah sidaa darteed ayuu carrabka kula jihaaday, jihaadka faralka ah waxa uu ku taam noqonkaraa in naf iyo maalba lagu bixiyo.
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply