Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu ahaa nin dhalinyara ah aadna uga fiirsada eray walba macnaha uu leeyahay waxba kama sheegi jirin mad-habka Shiicada sida ay inbadan oo ahlu Sunna ah wax uga sheegaan mad-habka Shiicda, culimada ahlu sunnada qeyb kamida waxa ay gaalaysiiyaan Shiicada waxa ayna dhahaan Shiicadu muslim ma’ahan sidoo kale Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu oran jiray afarta madhab oo ahlusunnadu kala raacsanyihiin, Allahu Tacaalaa wax daliil ah uma soo dajin wax daliil ah in mad-hab laraaco
waxa uu is hilmaamsiin jiray in badan oo kamida ayaadka qur’aanka kariimka maadaama aysan jirin axaadiis Nabiga ka hadleysa in laraaco madaahiibtaas, qisada kusaabsan madaahiibta afarta ah waxa ay tahay, ahlu sunuhu hal qarni wax ka badan lagana soo bilaabo geeridii nabigooda waxaa dhex dooda kasoo baxay afar culumo ookala ah abuu Xaniifa, axmed Binu Xambal, Maalik Binu anas iyo Muxamed Binu idriis ee shaaficiga,
madaxdooda qayb kamid ah ayaa waxa ay ku waajib yeeleen in ay garba qabsadaan afartaa mid ka mid ah shiikh kale oo ku ijtihaadi kara qur’aanka iyo sunnada ma jiro dhab ahaantii taa waxa ay noqotay mid walaac ku abuurtay fahamkooda xarrimida ijtihaadka waxa uu awood siinayaa dib u dhaca muslimiinta waxa ka faa’idaystay erayada ahlu sunnada ee khaladka ah si ay ufaafiyaan mad habkooda Shiicada maxaa yeelay markii hore waxa aad ufara badnaa dadka Sunniga ah hadana waa ay is le egyihiin.
Ijtihaadku waxa uu hormariyaa fiqiga Islaamka waxa uu cusboonaysiiyaa fahmida sunnada iyo quraanka hadba zamanka lajoogo Fiqigu waa hub hadii aan si gaar ah loo xadidin, hubkana marba marka kadanbeeyo waa ka casri sanyahay, Fiqiga horana waxa uu ka dhigan yahay hub duugoobay markasta oo ijtihaadka la cusboonaysiiyana waxa hormara Islaamka, dhab ahaantii hadii aad adiguna leedahay hub duug ah cadowgaaguna uu leeyahay hub casri ah waxaa hubaal ah goor ay noqotaba in uu kaa adkaanayo.
Waxan filayaa ahlu sunnuhu waqti dhaw in ay baraarugi doonaan oo ay furi doonaa albaabkii ijtihaadka hadii aan taa lahelin muda yar kadib waxa yaraandona ahlu sunnaha waxana aad u badnaandoona shiicada5 [A’imada afarta ah caqiidadoodu waa mid xagga cibaadadana iskuma khilaafsana taasi waxa ay fududaynaysaa muslimiintu in ay midoobaan balse
[5] Culimada kala soo baxa mas’alooyinka qarsoon Xugunkooda Qur’aanka iyo Axaadiista Waxaa layiraahdaa (Mujtahidiin) waxayna leeyihiin shuruudo lagu faahfaahiyay kutubta waawayn. (Se’adet-i ebediye) iyo (Warbixin fa’ido leh) kitaabyadaas oo la qoray waqti hore. wixii afar boqol oo hijriah ka danbeeyay ma soo bixin nin caalim ah oo buxin kara shuruudaha mujtahidka, waxayse ka shaqaynayaan cadawka islaamku in ay abuuraan dad sheegta mujtahidnimo oo islaamka ka dumiya dhanka gudaha. culimadii mujtahidiinta ahaa ayaa horay way ugu dadaaleen in aya waxkasta oo xukun sharci ah ay ka soo saaraan quraanka iyo xadiiska ilaa qiyaamaha laga gaaraya waxayna ku qoreen kutubta ahlusunna waljamaaca.
Shiicadu waxa ay isku khilaafeen caqiidada waxa ay u kala baxeen laba iyo toban firqo waxa ay noqdeen hubduug ah macluumaadkan waxa kaga bogan kartaa kitaabka layirahdo (al Milal Wanixal) ] waxa uu ahaa ninkii hanka waynaa ee la oran jiray Muxamed Cabdi Wahaab al najdi waxa uu ahaa mid raaraca macnaha qur’anka kariimka iyo sunnada waxa uu ahaa mid iska horkeena ra’yiga culimadii hore, madaahibta afarta ah iyo ra’yiga asxaabta
hadii uu umaleeyo inay aayada qur’aanka si khaldan ay ufahmeen ra’yigooda waxa uu katuuri jiray gadaal waxa uu dhihi jira Rasuulku waxa uu yiri (Waxaan Dhexdiina Uga Tegey Laba Culculus Oo Ah Kitaabka Quraanka Iyo Sunadeyda) mana uu san oran “Waxan idinkaga tagay kitaabka, sunnada, saxaabada iyo a’imada afarta ah’’6
sidaa darted waxa waajib ah in laraaco kitaabka iyo sunnada haba khilaafsanaadee ra’yiga madaahibta, saxaabada iyo culimada.7 Waxa su’aalo isdhaafsaday isaga iyo sheekh caalim ah oo Shiica ah oo magaciisa layirahdo Sheekh Jawadoo ka soo jeedo magaalo layiraahdo Kumi,waxa uu yiri hadii aad aaminsantahay Cali in uu yahay mujtahid maxaa uraaci wayday sida Shiicada oo kale?
Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu yiri Cali waa Cumar oo kale iyo saxaabada, hadalkiisuna xujo manoqonayo ee xujadu waa kitaabka iyo sunnada inkasta oo saxaabada
Muxamed ka Najdi wuxuu oraahdaan ku inkirayaa xaadiista sheekhaysa inlaraaco asxaabta nabiga.
Manta jaahiliinta iyo khaa ininta eek u nool dhaamaan dalalka islaamka waxay xiran yihiin dharka lagu yaqaan culumaa udiinka markasay waxay weerarayaan culumada ahlusuna waxayna amaanayaan wahaabiyada waayo hanti aad u badan ayeey waxay kaqataan boqortooyada sucuudiga meel kastana waxay ka dhiganayaan hub iyo marmarsiiyo erayada muxamed binu cabdil wahaab ee la qurqurxiyey iyagoo ka tagaya aqwaashii asxaabta rasuulka iyo culumadii ahlusuna,
dhabtuse waxy tahay erayada asxaabtaiyo tan culumada afarta madhab in aysan khilaafsaneey quraanka kariimka ah iyo axaadiista sharafta leh waxayna kumaysan darin ee iyada ayey fasireen, wahaabiyada sida ingiriiska o kale ayey muslimiinta ku dhagrayaan been ubuur ay samaysteen.
hadalkooduna uu yahay xujo Nabiguna uu amray in aan raacno kii aan doono
Sheekh Jawad—waxa uu yiri Rasuulku miyuusan Dhihin anigu Waxa Aan Ahay Magaaladii Cilmiga Calina Albaabkii Laga Soo Galayay?
hadaba farqi baa u dhexeeya?
Muxamed waxa uu yiri — Cali hadalkiisu hadii uu xujo yahay muxuu nabiga u oran waayay kitaabka Allahu Tacaalaa, sunnada iyo — Sheekh Jawad waxa uu yiri — haa Nabigu sidaa waa yiri- laakiin Nabigu waxa uu yiri waxan dhexdiina ka gatagay labada culculus oo kala ah Kitaabka iyo Ahlu beytka Calina ahlu beytka ayuu madaxa uyahay .
— Muxamed waa uu inkiray xadiiskaas hase ahaatee Sheekh Alqeymi ayaa xujadii ka heley waxa uuna ku soo oogay adillo lagu qanco.
Muxamed waa aamusay wax jawaab ahna waa uu waayay cabbaar marka uu aamusnaa waxa uu soo aruuriyay bushin (Diidmooyin) waxa uu yiri haduu rasuulku yiri kitaabka Allahu Tacaalaa iyo Ahlu beytka aaway sunnadii rasuulka?
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply