QIRASHADII JAAJUUSKA INGIRIISKA- QAYBTA 7AAD

 

 

FasaLKa aFaraad

Markii aan gaaray magaalada Basra waxaan tagay mid ka mida masaajidada magaalada Basra waxaa masaajidka imaam ka ahaa shiikh sunni ah oo magiciisa la yiraaho Sheekh Cumar,asal ahaana kasoo jeeda carab, waa aan is baranay waana isku bihin bihiyay balse waa uu iga shakiyey markii ugu horaysayba waxa uu bilaabay in uu ogaado meesha aan kasoo jeedo iyo dhammaan ujeedooyinkayga,

waxa aan u malaynayaa shakiga waxa dhaliyay in ay tahay laba waxyaabood oo kala ah lahjadda aan ku hadlayay iyo midabkayga hase ahaatee waa ii suurta gashay in aan ka fakado khatartaan oo waxaan sheegtay in aan ka soo jeedo degmada Igdiir ee wadanka Turkiga maxaa yeelay waxa aan ka mid ahaa ardadii shiikh Amed Afandi ee magaalada Istanbuul.

Waxa aan ahaa farsamo yaqaan u shaqeeya nin layiraaho Khaalid, waxa aan shiikha kula hadli jiray dhawr kalimo oo ah luuqadda Turkiga shiikha ayaan ku baraarujiyay in uu waydiiyo dad meesha joogay mid ka mida luuqadda Turkiga ee aan ku hadlayo in ay tahay mid sax ah iyo in kale

waxa uu ugu jawaabay waa mid sax ah waa aan ku farxay maxaa yeelay waxaan soo jiitay shiikha qalbigiisa hase ahaatee malahaygu waxa uu noqday dhaan daba gaalle maxaa yeelay waxaan ogaaday dhowr maalmood kadib in uu iiga shakisanaa inaan ahay sirdoon loo soo diray isaga oo ka socda waaliga Basra maxaa yeelay waaliga iyo shiikha waxaa ka dhexeeyay khilaaf, sikastaba ha ahaatee dantu waxa ay igu khasabtay in aan ka guuro masaajidka Sheekh Cumar oo aan u guuro magaalo leh meel la jiifto oo hoy u ah dadka socotada ah,

waxa aan ka kiraystay qol ninkii aan qolka ka kiraystay waxa uu ahaa nin doqon ah waxaa uu ii diiday in aan raaxaysto subax waliba xilliga addinka hore uu dhacayo ayuu Albaabka igusoo gar garaaci jiray si’aan u tukado salaada subax waxaa dhib igu ahayd in aan iraaho iga daa albaabka aad igu soo garaacaysid ma tukanayee sidaa darteed waxaa khasab igu noqotay in aan tukado salaada.

Waxaa kale oo igu amray markii aan salaadda tukado in aan qur’aan akhriyo inta ay qorraxdu kasoo baxayso wax aan ku iri: qur’aanka in la akhriyo waajib ma ahane maxaad iigu khasbaysaa waxa uu igu jawaabay ruuxii seexda ka hor inta aysan qorraxdu soo bixin waxa uu dadka reer Khaan u soo jiidayaa baahi iyo macaluul, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan noqotay in aan qaato amarkiisa.

maxaa yeelay waxa uu iigu goodiyaya hadii aan amarkiisa qaadan waayo in aan guriga uga baxo, sidaa darteed waxaa khasab igu noqtay in aan kaco adinka hore salaadana aan tukado salaadda ka dibna aan qur’aanka akhriyo inta qorraxdu ka soo baxayso.

Subaxyada qaarkood muddo hal saac ka badan ayaan qur’aanka akhrinjiray, maalin maalmaha kamida ayaa waxa uu i yiri: ninka la yiraaho (Murshid) oo ah ninka aan guriga ka kiraystay laga bilaabo maalintii aad guriga iga kiraysay waxaan la kulmay dhibaatooyin waxaana u sababaynayaa dhibaatooyinkaa doobnimadaada, doobnimaduna waxa ay kamid tahay wax yaabaha la baasaysto ee ninyohow 2 waxyaalood mid yeel in aad guursatid iyo in aad guriga ii ga baxdo

waxa aan ku iri ma haysto hanti aan ku guursado hadii aan oran lahaa waxa aan ahay ciniin ama bohon waxa aan ka cabsaday in uu i yiraahdo waa lagu tijaabinayaa in aad ciniin tahay iyo in kale sidaa darteed waxa aan ku cududaartay hanti la’aan Murshid waxa uu iigu jawaabay war waxyahow iimaanka yar miyaadan akhrin Allahu Tacaalaa quraankiisa (Hadey Faqiiro Yihiinaallaah Baa Fadligiisa Ku Deeqaya) Surada:Nisa/32,

dhab ahaantii arintaas aad ayay ii wareerisay waxaan ku iri sidee baan u guursadaa maal la’aan iyo hanti la’aan adigu diyaar ma u tahay inaad isiidid maal igu filan mise ma ii heli kartaa gabar aan meher iwaydiinayn Murshid Afandi intuu inyar fakaray buu yiri war ninyahow ma fahmin hadaladaada balse labo arimood mid soo gal bisha Rajab awalkeeda inaad guursatid iyo in aad ka baxdid magaalada oo aad raadsatid meel la seexdo inta aan la gaarin labaatan iyo shan bisha Rajab.

Munaasab ahaan Bilaha Islaamku sidaan bay iskugu xigaan Muxaram, Safar, Rabiicul awal, rabiicul aakhir, Jamaddul awal, Jamadul aakhir, Rajab, Shacbaan, Ramadaan, Shawaal, Dulqacda, Dulxijah, waxayna ka xisaabiyaan xiliyada ay arkaan bisha kama siyaado sodon beri kamana yaraato labaatan iyo sagaal beri, ugu dambayntii waxaan u hogaansamay amaradii Murshid Afandi waxaana shaqo ka helay nin farsamo yaqaan ah waxaana kula heshiiyay in aan ugu shaqeeyo qiimo yar uuna iga qaabilo jiifka iyo cunnada.

Bishii Rajab inta aysan dhamaan ayaan waxa u wareegay ninkii aan shaqada ka helay dukaankiisa, ninkaasi waxa uu ahaa nin wanaagsan waxuuna iiladhaqmi jiray sida ilmihiisa oo kale magaciisa waxa la oranjiray Cabdi Ridaa waxana uu ahaa nin Shiici ah oo asalkiisu yahay Faarisi oo kasoo jeeda Horasaan, mudadii aan ninkaas la joogay waxan fursad u helay in aan barto luuqada Faarisiyida

waxaa isugu imaan jiray galab walba Shiicada cajamiga ah iyaga oo ka wada hadlaya arrimahooda siyaasadeed iyo mida dhaqaale waxa ay si’ aad ah ugu kacsanaayeen madaxdooda sidoo kale waxa ay kasoo horjeedeen maamulkii Istanbuul, hadii uu u yimaada qof aysan garaneen si deg deg ah ayey u joojin jireen sheekada ay hayaan waxa ayna guda gali jireen hadale kale,

aniga magaranayo waxa ay iigu kalsoonaadeen hase ahaatee waxa aan ogaaday in ay iimaleeyeen in aan ahay nin reer Azerbijaanah maadama aan kula hadlayey luuqada Turkiga ah, waxaana meeshaa isku baranay nin dhelen yara ah oo marwaliba dalkaan imaan jiray ninkaas dhalinyarada

Waxa uu ku hadlijiray sadex luuqadood oo kala ah:Carabiga, Turkiga iyo Faarisiga waxa uu uqaab ekaa arday baranaya diinta Islaamka magaciisa waxa la oran jiray Muxamed Cabdi Wahaab waxa uuna ahaa nin aad ujecel in uu meel sare gaaro oo xanaaq badan, waxa uu durijiray kana soo horjeeday dawladii Cusmaaniyiinta,

xukuumada Iraan waxaba kama sheegi jirin waxa ayna saxiibo ahaayeen Cabdi Ridaa oo ah ninka iska leh dukaanka aan ka sheqeeyo waxa ayna ku saxiibeen labadooda waxa ay ka soo horjeedeen waxna ay ka sheegi jireen dawlada Cusmaaniyiinta.

Magarankaro meesha uu ka soo bartay luuqada Faarisiga iyo sida uu u la saaxiibay Cabdi Ridaa oo ah nin Shiici ah isaga oo sheeganayo in uu yahay Ahlu Sunna balse labadaas arimood waxa lalyaabo ma ahayn maxaa yeelay magaalada Basra waxaa wada daganaa Sunni iyo Shiico, markii uu ninka Sunniga ah uu ka horyimaado nika shiicada ah waxaad moodaa in ay walaalo yihiin, mid kale magaalada dadka dagan waxa ay ku hadli jireen luuqada Carabiga iyo Farisiga in badan oo ka mid ahna waxa ay yaqaaneen luuqada Tturkiga,

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/

Leave a Reply