QIRASHADII JAAJUUSKA INGIRIISKA- QAYBTA 6AAD

 

 

 

Dhab ahaantii waxa aan baaritaan ku sameeyay arrintaan si aan u ogaado xaqiiqadeeda maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa aan su’aal ka waydiiyay arrintaan mid ka mida baadariyada ku nool magaalada Landan jawaab aan ku qancana ima siin waxa uu ku hadlay hadal qabyaalad iyo dafiraad ay ku jirto,

sidoo kale waxa aan su’aalo ka waydiiyay shiikh Axmed Afandi mudadii aan joogay wadanka Turkiga jawaab aan ku qancana iima sheegin hase ahaatee awood uma aanan lahayn in aan shiikha si qayaxan wax uga waydiiyo arrintaan maxaa yeelay waxa aan ka cabsanayay in uu ogaado arrintayda ama uu iga shakkiyo,

sikastaba ha ahaatee anigu waan qadarinayaa Muxamed shakina kuma jiro in uu ka mid yahay nabiyada Allahu Tacaalaa ee kutubta lagu sheegay, hase ahaatee anigu waxaan ahay Kiristaan sidaa darteed kuma qanacsani nabinimadiisa.

Sikastaba ha ahaatee waxaa dhab ah in nabi Muxammed Calayhi Salaam ka sareeyo nin kasta oo caqli iyo garaadba leh Ahlu sunnuhu waxa ay leeyihiin: muslimiintu waxaa ay maslaxad u arkeen in khilaafada uu qabto abuu Bakar kadibna Cumar kadibna Cusmaan kadibna Calina uu noqdo ninka 4aad, sidaa darteed ahlu sunnuhu waxa ay jabiyeen amarkii rasuulka maxaa yeelay waxa ay madax ka dhigteen Abuu Bakar, Cumar iyo Cusmaan Cali oo jooga, sidaas ayay isku khilaafsanyihiin Shiicada iyo Sunnigu, balse khilaafku waa mid dabiici ah oo dhex yaala dhammaan diimahaKiristaankuna sidaan oo kale ayuu isku khilaafsan yahay.

Cali waa dhintay Cumarna waa uu dhintay sidaa darteed muslimiinta waxaa waajib ku ah in ay ka tashadaan aayahooda kana gudbaan khilaafaadka oo ay midoobaan4 mar ayaa waxa aan u sheegay madaxdayda wasaaradda qayb ka mid ah khilaafka u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada waxa aan ku iri: hadii ay fahmi lahaayeen hormarka nolasha iyo midnimadu wanaaga ay lee dahay waxa ay tahay wa ay ka tanaasuli lahaayeen dhammaan khilaafaadka u dhexeeya madixii wasaaradda ayaa iyiri jooji erayadaas.

Waxaa waajib kugu ah in aad kordhisid khilaafkooda ee ma’ahan in aad isku daydid midaynta muslimiinta, munaasabada tan qudheeda ayaa xoghayuhu waxaa uu yiri:

In laga hadlo arinta khilaafada waxay ka mid tahay usuusha Shiicada, marka wax dan ah kamalaha suniyiintu. wiilka Ingiriisku wuxuu isku khalday cilmiga diinta iyo kan dunawiga,Muslimiintuna sida uu asaguba yiri waxay ogaadeen waxyaabo badan ayagoo raacaya caqliga iyo tijaabooyinka dhanka sayniska iyo tiknoolajiyada iyo xisaabta, dismaha & caafimaadka waxayna ka sameeyeen horumar dhan walba ah.

kirishtankuse waxay yiraahdeen in caqliga iyo tijaabooyinka loo cuskado dhanka sayniska iyo cilmi barista waa danbi diini ah. tusaala ahaa caalimkii falaga ee talyaaniga ahaa lana oran jiray Giliilyoo markii uu kaqaatay culimadi islaamka in dhulku yahay sida kubada uuna wareego, wuxuu isku dayay in uu ugudbiyo kirishtaanka waxay baadariyaasii ku qaadeen weerar adag waana laxiray ilaa uu ka laabtay aragtidii,

sidaas awged waxay marwalba badaleen Masiixigu diintii si ay ula jaanqaado caqligooda. laakiin muslimku wuu kalasaaray wixii aduun ah waxaa aasaas u ah caqliga iyo tijaabooyinka cilmigaa wixii diin ahna waxaan saldhig u ah qur’aanka kariimkaa iyo axaadiista nabigeena (Calayhı Salaatu Wassalaam). oo wax saamayn ah iskuma yeelanayaan.

kulamadii aan la qaatay mid ka mida Hanfariyoow waxa aad ogaataa doodaha iyo khilaafaadka in uu yahay mid dabiici ah binu aadamka dhexdiisa laga soo bilaabo markii uu Allahu Tacaalaa abuuray haabiil iyo Qaabiil waana uu baaqi ahaandoonaa inta uu Masiix ka soo laabanayo xagga cirka waxa uu khilaafku ka dhex jiraa xagga midabka,qabiilada, gobolada iyo diimaha.

Ujeedooyinka socdaalkaagu waxa weeye sidii aad usoo ogaan lahayd khilaafyada u dhexeeya muslimiinta.

Wasaaraddu waxa ay ii xilsaartay sidii aan uheli lahaa xogta rasmiga ah ee ku saabsan khilaafaadka muslimiinta, hadii ay kuu suurta gasho in aad ka abuurto muslimiinta dhexdooda khilaaf waxaad noqondoontaa ninka ugu sarreeya ee u shaqeeya wadanka Biritan.

Inagu waxa aynu nahay dad Ingiriis ah mana noo suurtoobayso in aan ku noo laano nolol barwaaqo ah in aan dawladaha caalamka iyo gumaystayaasha kale qalalaase iyo khilaaf ka dhex abuurno mooyaane,sidoo kale ma noo suurta galayso in aan bur burino dawlada Cusmaaniyiinta in aan madaxdooda iska horkeeno mooyaane hadii kale sideebay ugu suura galaysaa ummad yari in ay qabsato ummad badan sidaa darteed waa in aad ku dadaashid sidii aad u heli lahayd godkii aad ka gali lahayd arrinta khilaaf abuuridda waxa aad ogaataa labada maamul ee kala Cusmaaniyiinta iyo Faarisiinta in ay awoodoodii wiiqantay, waa in aad abaabushaa kacdoonno ka dhan ah madaxda labaad maamul haddii aad khilaaf ka abuurto awoodoodan aad kala furfurto waxaa noo suura galaysa in aan u tirtirno si fudud.

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/

Leave a Reply