waxa uuna ahaa Sheekha mid igu qasba in aan jooga Istaanbuul waajibka isaarnaa ayaa ahaa mid igu qasba in aan ku laabta wadankayga si’aan ugudbiyo warar ku saabsan caasimada Khilaafada muslimiinta iyo si’aan usoo qaato amarro cusub oo ku saabsan shaqadayda waxa ay noqotay in aan ku nagaado Istanbuul wakhti dheer bilkastana waxaan ugudbin jiray warbixino ku saabsan xaaladayda, horumarkayga wasaarada gumaysiga,
waxa aan xusuustaa maalin aan ugudbiyay su’aal ahayd inuu iga dalbaday saaxiib aan isku meel kashaqayn jirnay (Ragga oo Dabada Loga Tago) oo macnaheedu yahay inay ay isku tagaan laba rag waxa ay wasaaradu iigu soo jawaabtay in aan sameeyo arintaa hadii ay igaarsiinayso danta aan leeyahay maalintii uu isagootinayay Sheekhii ayuu ooyay oo waxaana uu yiri Illaahaybaa kula jira wiilkaygiyaw hadad ku soo laabtid Istanbuul aniga oo dhintay oo aad isoo xasuusato qabrigayga waxaad ku aqrisaa suurada (Faatixada) waxaan ku kulmidoonaa maalinta khiyamah nabiga aktiisa
.laakiin aniga dhab ahaantii waa isaamaysay waxay iisaamaysay saameen aad uwayn waxaana iga qubatay ilmo farabadan, waajibka iga saarnaa wadan kayga ayaa ka wayn wax kasta.
FasaLKa saddexaad
Sagaalkii nin iyo anigaba wasaarada ayaa waxa ay amar nagu siisay in aan dib ugu soo laabano magaalada Landan hasa ahaa tee waxaa soo laabtay lix qofood oo kaliya afartii kalena mid ayaa islaamay waxana uu dagay wadanka Masar sida uu noogu war bixiyo xog hayihii, hase ahaatee waxa uu ka muu jiyay wanaag maxaa yeelay ma uusan fashilin sirtii.
Wasaaradda ayaa inoo yeertay afarta nin si nalooga dhagaysto warbixinno ku saabsan shaqadii naloo diray, waxaa kasoo qaybgalay shirka dhammaan xubnaha wasaaradda iyo dadwayne fara badan, saaxiibaday waxa ay soo gudbiyeen warbixintoodi,anigu waxaan soo gudbiyay warbixintii aan hayay,warbixintayda waxaa aad ula dhacay dadwaynihii kasoo qayb galay shirka hase ahaatee waxaaan galay kaalinta saddexaad, waxaa
kaalimaha kowaad iyo labaad ka galay (Jorge Balkuud Iyo Henry Fanas) shirkii dhab ahaantii wax aan ku guulaystay barashada luuqadda Carabiga, Turkiga kitaabka qur’aanka iyo shareecada Islaamka, hase yeeshee kama dhawrsan in aan soo gudbiyo warbixino ku saabsan taag darrida ka jirta dawladda Cusmaaniyiinta kadib markii uusooo gaba gaboobay shirka oo qaatay muddo lix saacadood ah ayaa waxa aan dib u eegay taag darrida Cusmaaniyiinta,
xoghayaha ayaan waxa aan ku iri ujeeda daydu waxa ay ahayd barashada luuqada qur’aanka iyo shareecada sidaas darteed waqti badan kuma bixin wax kale,balse safarka soo socda ayaan warbixin aad ku qanacdaan idin siindoonaa, xoghayah ayaa waxa uu yiri waxan shaki kajirin in aad guulaysanaysid.
Waxaan kuu rajaynayaa guul waxaad awooda saartaa labo waxyaalood:
1- İn aad heshid meelaha ay muslimiintu ka liitaan si’aanudhexgalno una kala daadino awoodooda waana qodobka kaliya ee aan kaga guulaysankarno cadowgeena.
2- Waa in aad ka shaqaysaa arintaas si toos ah markaad heshana waa in aad awooda saartaa waa in aad muslimiinta dhexdooda cadaawad iyo is nacayb ka dhex abuurtaa markaa ayaan ku kalsoonaan doonaa in aad tahay ninka ugu sareeya shaqaalaheena waxa mudan doontaa billada wasaarada, waxa aad ku soo noqondoontaa magaalada Landan ee aad joogi jirtay lix bil kadib waxa aad guursan doontaa ina adeertay (Mariya Shawaa) waqtigaa waxa aan ahaa 22 jir gabadhuna waxa ay jirtay 23 sano waxa ay ahayd gabar caqli badan, qurux badan, aqoonteedu waxa ay ahayd mid dhexdhexaad ah.
Nolasheedu waxa ay ugu macaan badnayd mudadii gaabneyd ee aan lanoolaa gabadhaas, waa ay uuraysatay, dhab ahaantii waxa aan sugayay martinimo cusub sababtoo ah waxa aan filayay in la idiri doona islamarkiiba wasaarada ayaa waxa ay amar igu siisay in aan aado wadanka Ciraaq dhab ahaantii waan ka xumaaday awaamirtaas waayo waxa aan sugayay in aan arko ilmo aan dhalay hasa ahaatee uma jixin jixin sababta oo ah waxa aan mudnaanta siinayay jiritaanka dalkeyga.
Waxa aan jeclaa inaan ka dhexmuuqdo saaxiibaday kana sareeyo sidaa darteed wax hadal ah kama soo celin amaradii la isiiyay iyada oo ay jirto jacaylka aan u hayo xaaskeyga iyo aniga oo quudareynayo in aan arko ilmo aan dhalay.
Maalintii aan katagayay waan ooyay iyaduna waa ay ooyday waxa ay igu tiri hakadaalin in aad waraaqaha iisoo dirto anigun sidoo kale ayaan kuugu soodiri doonaa kii noloshaydii ahaayoow oraahdaan ayaa qalbigayga aad udhalaalisay kalimadaa darteed marbaan waxaan ku fikiray in aan iska joogo hasa ahaatee waxaan hantiyey naftayda waxaan qaatay go’aan waayo wax walba waxaa igala qaalisanaa badbaadinta dalkayga waxa aan aadey
wasaarada si’aan u ogaado waxa ay iigu yeertay iyo meelaha la iididiri doono, wasaaraddu waxa ay amara igu siisay inaan aado wadanka Ciraaq kastaba ha ahaatee lıx bilood kadib waxa aan aaday wadanka Ciraaq waxa aan tagay magaalada Basra waayo waxaa daganaa qaraabadayda waxaa kale oo deganaa musliim isugu jirta Sunni iyo Shiico oo ka kooban Carab iyo Iiraaniyiin waxaa kale oo dagan qayb yar oo Kirishtaan ah waana markii ugu horaysay oo aan la kulmo Shiico iyo dad Faarisiin ah,
haddii aan ka hadlo farqiga u dhexeeya Shiicada iyo Sunniga, shiicadu waxa ay sheeganaysaa in ay ku abtirsato Cali Binu abii dhaalib radiyallaahu canhu Cali waxa uu xidid la ahaa (nabi Muxamed Calayhi Salaatu Wassalaam waxa uu qabay Faadumo Bintu rasuul radiyallaahu canhaa, dhanka kale waa nabiga ina adeerkiis,rasuulkooda Muxamed ah Calayhi Salaam ayaa sheegay in uu khaliif noqondoono markii uu dhinto kadib waxa uu yiri: (Cali iyo wiilashiisu kow iyo tobanka ah ninba ninka ka danbeeya ayaa khaliifada la wareegi doona), sidaa darteed waxa aan umalaynayaa xaqqu in uu la jiro Shiicada maadaama ay madax kadhigteen Cali iyo labadiisa wiil oo kala ah Xasan iyo Xuseen.
Taariikhda Islaamku waxa ay cadaynaysaa inta aan ka ognahay, Cali in uu ahaa nin leh tilmaamo aad u sareeya oo uu qaali ah oo ku mutaystay madaxtinimada,lamana fududeysan karo nabi Muxamed in uu yiri: (Xasan iyo Xuseen waa laba imaam) arintaasna ahlu sunnuhu ma diidana hase ahaatee waxa aan ka shakiyay hadalkii nabi Muxamed ee ahaa wiilasha uu dhalay Xuseen ee 9ka ah Islaamka ay madax u noqon doonaan waa yaabe sidee buu u ogaaday Muxamed waxyaabo mustaqbal ah oo aan la gaarin maxaa yeelay Muxamed waxa uu dhintay Xuseen oo ah ilmo yar sidee buu ku ogaaday in uu Xuseen dhalidoono 9 wiil waa laga yaabaa in uu ogaado haddii uu ahaan lahaa nabi oo Allahu Tacaalaa ayaa u warami lahaa sida Masiix oo kale balse waxa aan ka shakisanahay nabinimadiisa maxaa yeelay anigu waxa aan ahay kiristaan.
Muslimiintu waxa ay leeyihiin astaamaha lagu garanayo Muxamed Calayhi Salaam in uu nabi yahay waa ay u badan yihiin waxaa ka mid ah qur’aanka kariimka ah hase ahaatee anigu waxaan akhriyay qur’aanka wax nabinimadiisa itusinayana kama helin, balse waxa uusan shakki ku jirin in uu qur’aanku yahay mid waagsan waana mid ka sareeya Towraad iyo Injiil waxaa ku qoran dastuur, maamul, dhaqamo aad u wanaagsan iyo waxyaabo kale.
Anigu waxa aan aad ugu wareersanahay xaaladda Muxamed ruux aan wax akhrinin waxna qorinin sideebuu ula imaan karaa kitaabkaan oo kale dhab ahaantii waa nin aad u dhaqan wanaagsan aad u caqli badan taariikhdana laguma sheegin labadaan sifo nin kulansaday,balse maku filantahay arrintaan in ay caalaamad u noqoto nabinimadiisa?
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply