balse nasiib wanaag ima uusan waydiin jiriin qofka aan ahay iyo meesha aan kasoo jeedo mar kasta wuxuu iiga jawaabi jiray wixii aan waydiiyo maxaa yeelay aad ayuu ii ixtiraamayay waayo waxa uu ogaaday in aan ahay marti uyimid wadankooda in aan kashaqaysto wadankooda waxaana doortay in aan lanoolaado shiikhaan matalaya nabi Muxamad Calayhi Salaatu Wassalaam.
Tani waxaay xujo u ahayd in aan siijoogo magaalada Istanbuul shiikha ayaan waxaan ku iri waxaan ahay nin dhalin yaro ah aabahay iyo hooyadayna waa ay dhinteen wax walaalo ahna malihi wax hanti ahna igama tagin waxaan go’aansaday in aan shaqaysto qur’aanka iyo culuumta Islaamkana barto waxaan imid xarunta Islaamka si’aan uxasiliyo diinta, shiikhii ayaa si’aad ah iisoo dhaweeyay waxa uuna yiri: waxaa nagu waajib ah inaan ku ixtiraamno dhoowr qodob dartood
1- Waxaad tahay nin muslima muslimiintuna waa walaalo.
2- Waxaad tahay nin marti ah rasuulkuna waxa uu اyiri: (Martida Karaameeya) oo macnaheedu yahay martida karaameeya.
3- Waxaa tahay nin arday ah oo cilmi doon ah Islaamkunawaxa uu doonayaa in la karaameeyo qofka diinta baranaya.
4- Waxaa tahay nin doonaya shaqo xadiis ayaa wuxuu oranayaa (Qofka Shaqeysta Allahu Tacaalaa Waa Jecelyahay), waxa aan aad ula yaabay qodobadaan uu shiikhu ii sheegay waxaan naftayda ku iri war shalaytadaydee diinta Masiixiyddu may lahaato xikmadan oo kale waxaanse aad uga xumaaday diinta Masiixiyaddu inaysan lahayn xikmadaan oo kale hase ahaatee waxaa aan aad ula yaabay wanaaga iyo sharafta uu leeyahay Islaamku iyo sida uu u dayacmay gacmo dad jaahiliin ah shiikhii baa waxa aan ku iri:
waxa aan doonayaa inaad ibartid qur’aanka shiikhii aad buu u soo dhaweeyay arinkaa waxa uu ii bilaabay suuratul Faatixa mar waliba marka uu qur’aanka ibarayo waa uu soo weeso qaadanjiray anigana waxa uu I amri jiray in aan soo weeso qaato waxa aanu ujeesan jirnay dhanka qiblada waxa uu ii fasirijiray qur’aanka macnihiisa mar marka qaarkood waxaa igu adkaan jirtay ku dhawaaqidda erayo ka mida qur’aanka.
sikastaba ha ahaatee qur’aankii waxa aan ku dhameeyey laba sano, waxaa xusuus mudan in laga sheekeyo muslimiintu sida ay u wayso qaatan waxa ay dhaqaan xubnaha qayb kamida mar ka hore waxaay dhaqaan wajiga marka labaadna waxay dhaqaan gacanta midigta ah laga bilaabo faraha ilaa iyo xusulka marka sadexaad waxa ay dhaqaan gacan bidix laga bilaabo faraha ilaa suxulka marka afaraad waxa ay masaxaan madaxa iyo dhagaha marka shanaad waxa ay dhaqaan lugaha.
Waxaan aad uga walwalay muslimiintu sida ay u isticmaalaan cadayga, cadayguna waa laan yar oo ay ku nadiifiyaan afkooda iyo ilkahooda,mar marka qaarna afka ayey dhiig ka keentaa waxaana ku qasbanaaday inan istic maalo cadayga maxaa yeelay waxay aamin sanyihiin suno adag nabigooda Muxamadna Calayhi Salaatu Wassalaam amray, waxa ayna ku sheegaan fadli wayn, dhab ahaantii markaan ku cadaysadaba ilkahaa idhiiga lakiin wax yar kadib wuu i joogsadaa afkaygan wax qurun ah kuma harin balse waxaa aad usoo ura Ingiriiska afkooda.
Mudadii aan joogay Istanbuul waxaan la joogay ama lanoolaa qaadimka masjidka layiraahdo (Masjidul Liqaa) wuxuu ahaa nin dabeecad wanaagsan magaciisana waxaa la yiraahaa Marwaan Afandi wuxuu la magac yahay saxaabadii rasuulka Calayhi salaatu wassalaam, wuxuuna ahaa mid kamida magacyada barakaysan waxaa uuna idhihi jiray haddii wiil laguu dhalo waxaad ku magacawdaa Marwaan maxaa yeelay Marwaan waxa uu ka mid ahaa raggii diinta Islaamka usoo halgamay.
waxaan ahaa mid ku nool khaadimka agtiisa waxa uuna ahaa mid ii soo diyaariya cuntada gaar ahaan maalinta jimcada(ciidda muslimiinta), ma aanan aadayn shaqada maalinka jimcada, maalmaha kalena waxaan aadi jiray shaqada oo ahayd farayaamiiste waxaana shaqayn jiray subixii waxaana uu isiinjiray intaan shaqaystay hal meelood barkii markii loo eego shaqaalahiisa.
Waxa uuna ahaa magaciisu Khaalid waxa uuna ahaa mid akhrista qisooyinka Khaalid Binu Waliid xilliyada uu firaaqada haysto, Khaalid waxa uu ahaa halyaygii muslimiinta xilligii saxaabada, waxaa murjin jirtay xilkaqaadistii Cumar Binu Khadaab uu ku sameeyay Khaalid3 waxa uu ahaa mid dabeecad xun wuxuuna ahaa mid igu kalsoon maxaa yeelay kama horimaan jirin amaradiisa waxa uu ahaa mid yimaada salaada Jimcada maalmaha
[3] In guulo Badan uu gaaro Abuu Cubayda Binu Jarraax oo lagu badalay Khaalid Binu-Waliid waxay tusaalo u tahay in sababta guushu aysan ahay khaalid ee ay tahay kaalmaha Allahu Tacaalaa oo kaliya.
kalane run ahaantii ma hubo inuu tukan jirin, waxaan ahaa mid ka cuna tukaankiisa cuntada ka dibna waxaan ahaa mid aada masaajidka, waxaan joogi jiray masaajidka ilaa waqtiga salaada casar kadib kadibna waxa aan aadi jiray guriga Sheekh Axmed waxaan la joogi jiray mudo laba saacadood ah kana baranjiray qur’aanka,
luuqada Turkiga iyo Carabiga maalin kasta oo Jimca ah waxaan siin jiray lacag maxaa yeelay waxa uu ibari jiray waxbarashada tan ugu fiican waxa uuna ahaa mid aan ka gaabin dadaalkiisa barida uu ibaraayo qur’aanka iyo diinta.
Waxaa kaloo si’aad ah iibari jiray labada luuqadood Carabiga iyo Turkiga markuu ogaaday Sheekh Axmed in aan ahay guur doon waxa uu iga dalbaday inuu igu daro gabdhihiisa mid ka mid ah hasa ahaatee waan ka diiday arintaa maxaa yeelay ma’anan haysanin waxa ay ragu haystaan mana ahayn mid u muujiyay Sheekha arintaas waxa ay ku dhawaatay in uu xiriirkeenu go’o.
waxuuna Sheekhu yiri guurku waa sunno rasuul, rasuulku waxa uu yiri “Sunadeyda Qofkii Kataga Umadeyda Kama Mid Aha” markaas ayaan Sheekha u sheegay cudurkii (beeenta ahaa) wuuna ku qancay Sheekha arinaas waxaana soo laabtay xiriirkii naga dhexeeyaay aniga iyo Sheekha.
Markay ii dhamaaystirantay laba sanadood joogistii aan joogay Istanbuul waxa aan ka codsaday Sheekh Axmed in aan ku laabto wadankeygii hase ahaatee Sheekha iima uusan idmin aritaas maxaad ulaabanaysaa? maxaa yeelay Istanbuul waxa aad ka helaysaa waxay naftu jeceshahay indhahuhuna ay ku macaan sadaan, Allahu Tacaalaana waxa uu Istanbuul iskugu daray diin iyo aduunyaba, magaalda Istanbuul waxa uuna raaciyay Sheekha soo ma aadan oran aabahay iyo hooyaday waa ay dhinteen walaalna malihi ee ka dhigo wadankaaga halkan (Istanbuul).
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply