shacabkuna waxa uu ahaa kuwa raacsan culimadooda xitaa madaxwaynuhu waxaa uu ahaa mid kadanbeeyo culumada. Hadaba muslimiintu waxay u qaybsameen laba qaybood oo kala ah Sunni iyo Shiica, sunigu inta badan kama madax dhigan jirin culimadooda maxaa yeelay culimadoodo waxay ku mashquulsanayen darasaaynta diinta Islamka sidaa darteed madaxtinimada waxay kadhaxaysay madaxweynaha iyo muftiga islaamka,
shiicaduna waxay kamadax dhigan jireen culimadooda oo kaliya madax weynahooduna waxaa uu ahaa mid magac uyeel ah, dhab ahaantii waxaanu qabanay shirar fara badan hasa ahaatee mar waliba kuma aanan guulaysan ujeedooyinkeena, waxaa ay ahayd war bixinta nooga imaanayso sirdoonkeena iyo shaqalaheena mid aanan nafarax galin, shirkasto oo aan qabano wax natiijo ah kama anan gaaraynin hase ahaatee kama aanan quusan in aan ku adkaysanayno hadafkeena sidii aan u meel marin lahayn,
waxan qabanay shir uu kasoo qayb galeen wasiirada iyo baadariyaasha kuwooda ugu waawayn waxaa kaloo kasoo qayb galay aqoon yahaniin waxana ka koobnayn labaatan qof, shirkaasi waxaa uu nagu qaatay muddo kabadan saddex sacadood waxaana soo gabagabaynay anagoo wax guul ah oo lataaban karo aanan kagaarin,
hase ahaate baadariyiintii baadari kamid ah ayaa waxa uu yiri ha walwalina! Masiixiyadu xukunka waxa ay lawareegi doontaa saddex boqol oo sano kadib, saddex boqol ee sano gudahooda waxaa dhici doono barakac boob iyo dilal markaas waxaa laga yaabaa in Ciise uu soo eego oo uu noogu deeqo baabi’inta gaalada {Muslimka} oo kasifeeyo xarumahooda.
Saddex boqol oo sano kadib Allaha kadhigee waxaa waajib inagu ah in aan isku hubayno iimaan qote dheer iyo dulqaad waa inaan adeegsanaa dhamaan wadooyinka lagu gaari karo lawareegista maamulka iyo fidinta Masiixiyada, ummada Islaamka dhexdooda haba nagu qaadato qarniyaal fara badan maxaa yeelay aabo yaashu waxa ay beeraan wiilal.
waxaa shir lagu qabtay xarunta wasaarada gumaysiga waxaa kasoo qayb galay wakiilo ka kala socda Faransiiska, Ruushka iyo Ingiriiska sidoo kale waxaa kasoo qayb galay diblumaasiyiin iyo baadariyasha diinta, shirkaas waxaa lagu soo bandhigay dhibaatooyinka Islaamka dhexyaalo waxa kale oo lagu soo bandhigay qorshayaalkii lagu burburin lahaa Islaamka iyo sida looga siibi lahaa caqiidadooda islaamiga ah loogana celin lahaa horumarka iimaaniga ah si uu uga laabto wadanka Isbayn islaanimada.
qarniyal kadib markay muslimiinta qabsadeen hase ahaate guulihii shirkaas kasoo baxay ma gaarsiisanayn heerkii larabay anigana waxaan qoraayay had iyo jeer qodobadii shirka lagu falan qaynaayay waxaana ku qoraayay kitaabka layiraahdo (Malakuutul Masiix).
Si kastaba ha ahaatee waxaa aad u adkayd in si dhaqso leh xididada an uga siibno geed wayn oo ay xididadiisu u dhadhaceen dhulka hoostiisa hase yeeshee Islaamka waxaa waajib ku ah inuu dhibaatooyinka u dhabar adeego. maxaa yeelay Masiixiyadu uma imaanin ilaa inay fiddo mooyee taasina waa mid uu ugu yaboohay Ciise, Muxamedna Calayhi Salaam waxaa taageeraayey mar xalad adag oo kajirtay bariga iyo galbeedka marxaladdaa adag hadii ay dhamaato waxaa raacaya oo ku dhamaanaya halaaga (halaaguna waxa uu uga jeedaa Islaamka),
nasiib wanaag arintii waxa ay noqotay mid isbadeshay, iskudaygeeduna waxa uu noqdey mid guulaystey waxaana hoos u dhacay muslimiinta waxaana kor u kacay awoodii Masiixiyada waqtigiina waa uu soo dhawaaday waxaana ku faraxsanahay in aan soo ceshano wixii aan waysaneen qarniyo aad ufara badan taas oo ah in aan aas aasno dowlad aad u xoog badan dowladaas oo ah dawlad Ingiriiska oo ay hoggaanka u hayaan halgamayaasha wasaarada gumaysiga. j
FasaLKa LaBaad
Wasaarda gumaysigu ayaa waxa ay iidirtay sanadkii Hijriga marka uu ahaa 1122 Hijriga oo ku beegan 1710 Miilaadiga wadamada Masar, ciraaq, Xijaas iyo Istanbuul si’aan uga soo uruuriyo xog dhamaystiran oo ku saabsan sidii loo burburin lahaa muslimiinta sidoo kale wasaarada waxa ay igu dartay sagaal qof oo firfircoon si ay ula wareegaan xukuumada qeybaheeda kala duwan iyo dhulka muslimiinta,wasaaradu waxay noogu deeqdey hanti nagu filan, warbixin laga maarmaan ah, khariirado,
magacyada madaxweenayaasha, culimada iyo kaaba qabiilada, mana aanan hilmaamin xoghayihii wasaarada markii uu nagu sagootiyay isaga oo ku hadlaya afka Masiix waxa uu yiri (guushiinu waxa ay u soo noqonaysaa mustaqbalka wadamadiina sidaa daraateed ku dadaala in aad guul ka gaartaan qorshihiina).
Badda ayaan ku safray aniga oo u sii jeeda xarumihii Islaamka ujeedadeeydu waxa ay ahayd in aan barto luuqada Turkiga oo aan ugu hadlo si wanaagsan, horay waxa aan usoo bartay inta aan ku sugnaa magaalda Londan sedex luuqadood oo kala ah (Turkiga, Carabiga iyo luuqada Faarisiga) hasa ahaatee waxa muhiim ah qofku in uu ku hadlikaro wadanka uu ku noolyahay luuqada looga hadlo sidaa darteed waxa aan isku taxalujiyay in aan u barto luuqadaha si qoto dheer si’aan la iga shakin inkasta oo dhankaas aanan ka qabin waxa walaac ah,
maxaa yeelay musliimiintu waxay ahaayeen kuwo saamixitaan badan oo qalbigoodu yahay nadiif malahooduna uu yahay mid wanaagsan sida uu nabigoodu Calayhi Salaam uu baray akhlaaqda wanaagsan shakigoodu ma’ahan shakigeena oo kale, dhanka kale xukuumada Turkigu ma aysan ahayn mid hanata ururada si ay u ogaato sirdoonadeena iyo shaqaalaheena.
Safar dheer kadib waxa aan gaaray magaalada Istaanbuul waxaan bilaabay in aan aado masaajidka oo ah meesha ay muslimiinta ku kulmaan kuna cibaadaystaan waxa aan layaabay qaab dhismeedyada nadaafadooda iyo cibaadadooda waxa aan is kula sheekeystay maxaan ula dagaalamaynaa dadkaan maxaan uga shaqeyneynaa burburintooda iyo dabargoynta barwaaqada ay ku jiraan? Arrintaan ma waxa na amray Masiix?
Hase yeeshee si degdeg ah ayaan ugu laabtay fikirkaan iyo islasheekeysiga sheydhaanka waxaan qaatay go’aankii aan ku socday halkaas waxa aan kula kulmay caalim da’wayn oo magaciisu yahay Axmed Afandi waxa uu ahaa nin aad uwanaagsan oo qalbi furan oo khayrka jecel mana arag nin lamid ah ragga diinta sheegta ee baadariyaasha ninkaas waxa uu ahaa mid isku ekeysiiya nabi Muxamed Calayhi Salaatu Wassalaam aad buu uwayneyn jiray markasta oo uu igu soo hadalqaado ama uu iga sheekeenaya nabi Muxamed indhihiisa ayaa ilmo ka shubmi jireen,
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply