QIRASHADII JAAJUUSKA INGIRIISKA- QAYBTA 2AAD

 

 

 

 

FasaLKa KOOWaad

Hamfari waxaa uu yiri dawlada Ingiriiska waxaa ay ahayd dawlad wayn oo ay calankeedu qoraxdu ka dhicin, hase ahaatee dawladeenu marka loo eego dawladaha ay gumaysanayso waxaa ay lamid noqonaysaa mid yar sida dawladihii Hindiya Shiinaha iyo Bariga Dhexe si kastaba ha ahaatee wadamada aan gumaysanayno siyaasad ahaan baan ku haysanaa waxa ayna gacanta ugu jiraan dadkii lahaa oona maamulaya sidaa darteed waxaa lagama maarmaan inoo ah inaan ka fakirno laba arimood oo waa wayn:

  1. Wadamada gacanta inoogu jira in aysan gacanteenakabixin.
  2. Intii aan ku jirin gacanteena inaan soogalino gacanteena, waxayna dhistay wasaradii gumaysiga iyo hay’ad ugaar ah muhiimadaas ama shaqadaas. Aniguna Hamfari ahaan waxaan ahaa nin ay aad wasaaradu ugu kalsoontahay waxayna madax iiga dhigtay shirkad loodiray bariga Hindiya, shirkadaas oo u muuqata shirkad ganacsi hase ahaatee xaqiiqadeedu ay tahay sidaan ku gaari lahayn qabsashada dhulal ka Hindiya ee fog, xukuumada Biriten waxay ku kalsoonayd in ay u sahlan tahay qabsashada dalka Hindiya sababtoo ah waxaa ku dhaqan qoomiyado kala duwan waxayna kala haystaan diimo kala duwan waxayna ku kala hadlaan luuqado kala duwan dadkaas oo aan isku dan ahayn sidoo kale waxay ku kalsoonayd xukumadeenu qabsashada wadanka Shiinaha sababtoo ah labada diimood ee laga haysto dalka Shiinaha ee kala ah (diinta Buudiga iyo Konfushiyusiyah), ma ahayn laba diimood oo awood badan leh hase ahaatee waxaa mudan in maskaxda lagu hayo suuro galnimada kacdoon wadaniyadeed inay sameeyaan dadka kunool dalkaas,

sidaa darteed wax cabsi ah kama aysan qabin dawlada Biriten labadaasi wadan mana aynan ilowsanayn inay horumar gaari karaan mustaqbal ka sidaas daraateed waxaan kudadaalnay sidaan u kala qaybin lahayn uguna baahin lahayn jahli, faqri iyo cudurada faafa wadamadooda, waxaanu ahayn kuwa aan kala kulmin wax caqabad ah meel marinta hadafyadeena anagoo isku ekaysiinayno inaan gacan siinayno wadamada Islamka.

Waxaan heshiis lagalnay ninka xanuunsan1 inagoo karaadinayno faa’iido waxaana kula heshiinay inuu furo macaahid hoostagta wasaarada gumaysiga, xubnaha aqoonyahanada ee wasaarada gumaysiga waxaa ay soo saaren in ninkan xanuunsan awoodiisa iyo barnaamijkiisu ay burburayso wax kayar hal qarni waxaa kale oo aan heshiis hoose aan lagalnay dawlada Iran inay noo furto dugsiyo wax barasho oo hoostago wasaarada gumaysiga.

waxaa kale oo aan beernay rag dawli ah oo aan kadhignay rag jaajuusiin ah laalushka, maamul xumada iyo mashquulka madaxdii Islaamka ayaa waxay noqotey mid nusqaamisey horumarinta culuumta Islaamka, madaxdii waxay ku mashquuleen lacayaarida gabdho qurux badan waxay hilmaameen shaqooyinkoodii,

arintaasi waxay horseeday burbur jiritaankii laba wadan (Hindiya iyo Shiinaha), laakiin anagu maanan ahayn kuwa ku kalsoon natiijadaas dhawr arimood dartood:

1- Awooda Islaamka oo ku dhex jirta quluubta caruurtooda, maxaa yeelay ninka ah hoogaamiyaha muslimka waxuu awood uleeyahay inuu soo jiito dadka muslimiinta ah, maxaa yeelay Islaamku waxaa uu muslimiinta ujoogaa booska ay Masiixiyadu ujoogto baadariyaashu.

Muslimiinta shiicada ee wadanka Iran waxay ahaayeen kuwa qatar badan leh sababtoo ah waxay u arkayeen qofkaan shiici ahayn inuu yahay gaal mushrik ah waxaa la waydiiyay

 

[1]       Waxaa laga wadaa Imbaraadooriyaddii Cusmaaniyadda

mid ayaga kamid ah maxaad kasugayseen Masiixiyada? waxaa uu kujawaabay nabiga Islaamku waxaa uu ahaa mid xigmad badan waxaa uu doonay inuu uqoorgaliyo gaal walbo wareeg cadaadis ah xaga akhlaaqda si uu u dareemo cariiri, si ay umuuqato sabab uu ugu hanuuno wadada Alle iyo diinta saxiixa ah.

Waxaa lawaydiyay najaasada uu kusheegay qofka aan shiiciga ahayn waxa ay tahay waxa u yiri najaasadu waa mid qarsoon ee ma ahan mid muuqato najaasadu waxay kulminaysaa (Suniga Iyo Gaalka) waxaa lawaydiiyay maxaa kadhigay Suniga iyo Masiixiga najaaso iyagoo rumaysan Allaah iyo Maalinta Akhiro?

Waxaa uu yiri laba arin midka ugu horeeya waxay beeninaysaa Nabi Maxamed2 Arinka labaaadna waxay masiixiga utirinayaan anbiyadii Allahu Tacaalaa wax aan u qalmin sida ay kusheegeen nabi Ciise inuu ahaa mid cabbo qamriga iyo inuu ahaa mid lanacaladay maxaa yeelay waxaa lasuray tiir,

waxaana uu yiri si layaab leh masiixiyiintu ma aaminsana waxa aad leedahay, waxaa uu yiri adiga ma ogid in kitaabkan muqadas uu yahay aktooda ka dibna wuu aamusay anigana waxaan ku kalsoonaa ninkaan inuu ka been sheegaayay arinta danbe haba kabeensheegee midda hore mana doonayn inaan hadalka kudheereeyo ninka maxaa yeelay waxaan kabaqayay inuu kacararo aktayda maxaa yeelay aniga waxaan u qaab ekaa  nin muslim ah mar walbo

 

[2]       Dadka Nabigeena (calayhı salaatu wassalaam) ku tuhmaya beenta waa Shiicada &Kirishtanka, caqiidadooda & erayadooda & Ficiladooda Foosha xunna waxaa lagu cadeeya looguna jawaabay kutubta culimada Ahlusunna, sida. kitaabka (Sawaaciqul Muxraqa ) waxaa alifay Axmed Ibnu Xajar oo ku dhinta maka sanadkii (974h) (1566m). kitaabka (Tuxfatu Ithnaa cashariyah) waxaa alifay Cabdilcasiis oo ku dhintay dalhi sanadii 1239h (1824m). kitaabka (Alnaahiya) waxaa alifay Cabdulcasiis Alfarhaarwi oo dhintay sanadkii (1239h) (1824m). kitaabka (Ta’yiidu Ahli Sunna ) waxaa alifay Al’imaan Alrabaani Axmed Al-faaruuqi oo ku dhinta magaalada Sarhanda oo kamid ah Hindi sanadkii (1034h) (1624m) . kitaabka (Asxaab Alkiraam) waxaa alifay Cabdalxakiim Al-aarwaasi oo ku dhintay Ankara sanadkii (1362h)(1943m). kitaabka (Alxujaj Alqadciyah ) waxaa alifay Cabdullaahi Alsuwaydi oo ku dhintay Baqdaad sandkii (1174h) (1760m). kitaabka (Almilal Wannixal) waxaa alifay Muxamed Alshahristaani oo ku dhintay Baqdaad sanadkii (548h)(1154m) .

 

waxaan kadheeraanayay meelaha qatarta ah.

2-         Islaamku waxaa uu soomaray waqti awood iyo kaladanbayn uulahaa muslimiintuna ay ahaayeen madax waxaa adkaanaysay inaad kutiraahdo dadkaas madaxda Islaamka ah waxaad tihiin adoomo noomana suura galaynin inaan kabeensheegno taariikhda Islaamka si aanan u dareensinin muslimiinta madaxtinimadoodii inay gashay meel adag iyo inay u wareegsatay meel aysan kasoo noqon Karin.

3-         Waxaana ahayn kuwa aad uga walaacsan dowlada Cusmaaniyiinta iyo Iran inay soo celiyaan awoodoodii sidaa darteed ay naga fashilanto qorshaheenii ku wajahnaa qabsashada laba daasi waddan, labadaas xukumadoodna waxay ahaayeen kuwa aad u taagdaran.

4-         Waxaanu ahayn kuwa aad uga walwalsan culiumadaIslaamka gaar ahaan culumada Istanbuul, Azhar, Ciraq iyo Shaam waxay ahaayeen kuwa naga hortaagan ujeedoyinkena waxay culimadaasi shacabka kuhoogaminayeen wadada xaqqa ah ee uu qur’aanku sheegay in janada lagu gaarayo, waxa ay oga digayeen dhal dhalaalka aduunyada ee dhamaanaysa, waxa ay sheegeen in ay yihin kuwa aan ka gaabinayn ujeedooyinkooda diimeed hal tin wax u dhigma oo kale,

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/

Leave a Reply