QIRASHADII JAAJUUSKA INGIRIISKA- QAYBTA 1AAD

 

 

Faafinta Kitaabka Xaqiiqada

Iyo

Cadawtinimada Ingiriiska ee Islaamka u hayo

Waxaa tarjumay Kitaabkan

  1. Siddiq Gumush

BARAARUG

Baadariyaasha, kirishtaanka iyo yahuuda waxay faafiyaan waxa loo yaqaano Talmutu, halka Istanbul Xaqiiqda Kitaabka ay ka faafiyaan Islaamka meesha baadirayaasha aysan heysan wax diin ah waxayna u shaqeeyaan dantooda.

Iyada oo la isticmaalaayo caqli, cilmi, iyo naxariis gaalada waan u isticmaali karnaa si aan wax ugu sheegno.

Si’aan u caawino faafinta, dadka aduunka oo dhan iyo aakhiro waa in aan ka shaqeynaa arintaa taas oo sabab u noqoneyso in ay ku soo biiraan muslimmiinta.

Dadka faa’ido iyo qiimo maleh haddii ay aysan caawinin dadka kale.

Gaalada iyo Yahuuda waxay gacmahooda ku badeleen kitaabyadii loo soo dire ee kala ah Towraat iyo Injiil waxayna ku faanaan in ay ayaga badeleen.

Quraanka kariimkana waa sida uu Ilaah tacaalaa u soo dejiyey.Baadariyaasha iyo naagahooda Kitaabka Xaqiiqada wuxuu noo sheegayaa in aan ka diktoonaano waxa ay qalaan iyo si naxariis leh in aan u akhrino waxa aan Fahmina fahamkooda waa qasab.

_____________________

Ilaah waxa uu xarimey dulmig iyo isticmaalka hudasiga. Qof walba waxa uu sameeyo ayaa lagu abaal marinaa.

Horudhac

Cadawga Islaamka waxaa ugu wayn Yahuuda iyo mushrikiinta sida Allahu Tacaalaa qur’anka kariimka noogu cadeeyay Allahu Tacaalaa waxaa uu kitaabkiisa quraanka kusheegay sidatan:nin layiraahdo Cabdulaahi Binu Saba ee Yahuudiga ahaa ee reer Yamaneedka ahaa waxaa uu ahaa (Mushrikiinta Iyo Yahuuda Ayaa Ugu Cadaawad Badan Mu’miniinta) Maa’ida Aayada/82, Islaamka burburintiisa dhanka gudaha waxaa u istaagay ninkaan waana ninkii ugu horeeyey ee Islaamka fidno ka dhex abuura waxaana uu aas aasay firqada layiraahdo Shiicada taas oo uu ku weeraraayay caaqiidada saxda ah ee (Ahlusunnah wal jamacah).

Firqadani waa ay soo xoogaysanaysay xiliba xiliga kasii danbeeyo waxana hoogaaminayay niman Yahuud ah oo isu ekaysiinayo in ay yihiin culumada Shiicada nimankaa Yahuuda ah dhibaatooyinka ay muslimiinta u gaysteen waxaad uga bogan kartaa kitaabka layiraahdo (Qiyaanada Yahuda) ee ay baahisay maktabada lagu magacaabo maktabatul Saxaabatul Islamiyah, ee kutaala wadanka Kuwait iyo kitaabka layiraahdo (Al Rajul Al Sanam) ee ay baahisay maktabada layirahdo; (Maktabatu Al Bayrud), kadib markii lakor yeelay Nabi Ciise Calayhi Salaam waxaa wax laga badalay kitaabkii Injiil Masiixiyiinta badankoodu waxay noqdeen (Mushrikiin) qaybo kalana waxa ay noqdeen (Kaafiriin) maxaa yeelay waxa ay beeniyeen risaaladii Nabi Muxamed Calayhi salaatu Wassalaam.

Qaybta Mushrikiinta noqotay iyo qaybta Kaafiriinta noqotay waxaa la isku yiraahdaa ahlu Kitab, markii uu Islaamku soo shaacbaxay waxaa gilgishay oo dumay awooddii baadiriyiinta qarniyadii dhexe, si Islamka loo burburiyo waxa ay aas aaseen ururo lamagac baxay Mubashirin, waqtigaasi Ingiriisku waxaa uu ahaa dawladii ugu horeysay ee aas aasta wasaarad loogu magacdaro (Wasaarada Gumaysiga), waxa ay Islamka ku weerareen hagar daamooyin Yahuudnima ah, awood siyaasadeed iyo mid milatari oo aan laqiyaasi karin mid ka mid ah kumanaan jaajuusiin ah kuwaas oo loo diray wadamadii Islamka oo ay soo dirtay (Wasaradii Gumaysiga) ee dalka Ingiriiska oo la oranjiray Hamfari kaasoo bilaabay Muxamed Cabdi Wahab ee reer Najdiga ahaa kaas oo kunoolaa magalada Basra sanadkii 1125 Hijiryada oo kubeegan 1713 Miiladiga.

Hagar daamooyinkiisii waxa ay ku qaadatay sanadyo badan waxaa uu aas aasay firqada layiraahdo (Al Wahabiyah), Hanfari waxaa uu ahaa jaajuus Ingiriis ah waxaa uu ku qasbay wasaradii gumaysiga ee dalka Ingiriiska tilaabooyin jaajuusnimo ah oo ku wajahan wadamada islamka sida Masar, Ciraq, Xijaaz, Iran iyo Istanbul, oo ahayd xaruntii khilaafada Islaamka.

Burburinta Islaamka iyo u adeegidda masiixiiyinta cadawga Islaamku si walba oo ay isugu dayaan tirtirida Isalaamka awood uma aysan yeelan in ay damiyaan nuurka Allahu Tacaalaa gabi ahaanba maxaa yeelay illaahay baa quraankiisa ku cadeeyay in uu diinkiisa ilaalinayo sidaas darteed gaaladu ma awoodaan inay badalaan quraanka karimka ama ay damiyaan nuurkiisa, waligood muslimiintuna afar iyo toban qarni waxay kusocdeen wadadii quraanka kariimka ah ee nuurka lahayd waxayna ku hormareen dhanka siyaasadda, ganacsiga, warshadaha, cilmiga iyo dhaqanka wanaagsan waxayna samaysteen dowlad wayn kadib afganbigii faransiiska sanadkii 1204 hijiryada oo kubeegan sanadka 1789 miiladiga, markii ay arkeen dhalin yadara reer yurub waxay kala kulmeen hoogamiyashooda kanisadaha been abuur dulmi iyo fasaad ayna arkeen diintii Masxiiyada inaysan ahayn mid sax ah wayna isaga baxeen diintii Masiixiga waxayna qaateen diinta Islamka mar walbo oo ay Masiixiyada kafogaadaana waxay ku hormaraayeen aqoonta iyo tignolijiyada caalamiga ah, maxaa yeelay Masiixiyadu waxay car qaladaynaysay wadada horumarka ee musliminta.

Muslimiintii baratay kutubtii khaldanayd ee Masiixiyida lahayd ee ay qoreen baadirinitii reer yurub ee ay ku kadsomay dacaayadii Ingiriisku uu Islaamka kasameeyay waxay noqdeen kuwa diinta kabaxay oo kajaahil ah diinta Islaamka, mar walba oo Islaamka kafogaadan waxay kadib dhacayeen aqoonta maxaa yeelay Islaamku waxaa uu amrayaa horumar iyo shaqo, go’aanka siyaasadeed ee dawlada Ingiriska waxa uu ahaa inay isku balaariyaan caalamka oo dhan si uu ula baxo khayradkooda dabiiciga ah gaar ahaan Hindiya, Afrika iyo in ay dadka kunool wadamadaas ugu shaqaystaan sida xoolaha hantida dadkasna ay ula wareegan oo ay u dhoofsadaan wadankooda, dhanka kale muslimiintu waxay dadka ugu yeerayeen cadaalad, isjacayl iyo iskaashi waxayna is hortaagayeen dulimiga iyo cadaaladarida iyo dacaayada beenta ah ee Ingiriiska, hadaba kitaabkeenaan waxaan u diyaarinay saddex qaybod:

Qaybta Koowaad: Qaybtan waxay noo cadaynaysaa shirqooladii iyo dacaayadihii liitay ee ay diyaarisay Yahuuda uuna dhaqan galiyay Ingiriiska si ay Islaamka uga takhalusaan waxayna ka koban tahay todobada qeybood.

Qaybta Labaad: Qorshayaashii ay ka dhaqan galinayeen wadamada Islaamka ayna ku burburinayeen labadii quwadood ee Islaamka ee kala ahaa Khilaafadii Cusmaaniyiinta iyo dawladii wadanka Hindiya, taariikhdaasna waxaad si faahfaahsan uga bogan kartaan kitaabka layiraahdo (Xaqiiqatul Yahuud) ee ay faafisay maktabatul Asxaabatul Islamiyah ee dalka Kuwait oo ciwankedu yahay Bopox 22821 Waxana qoray kitaabkaas nin layiraahdo Fu’aad Sayid Cabdiraxman Alrufaciyah kitaabkaasna waxaa uu kusaabsan yahay weeraradii ay Yahuudu kuhayeen diimaha muddo dhan 2000 sano iyo sida ay Islaamku udumiyeen waxaana kitaabkaan kusoo bandhigi doonaa cadaymo qoraal ah kuwaasoo ka badbaadinaayo dadka wax magaratada ah ee ku dhacay shirqool kii wahaabiyada.

Qaybta sadexaad: Qaybtaan waa warkii oo kooban waxayna sugaysaa diinta Islaamka in ay tahay diinta xaqqa ah. j

La soco……..

Tan iyo hada ma hayo magaca qofkii kitaabkaan u rogay afka soomaaliga, balse ajar vallaha ka siiyo

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/

 

 

Leave a Reply