Sidoo kale wuxuu xadiisku cadaynayaa in ( Gaalada) doonaya in ay islaamka burburiyaan ayagoo xujaysanaya in aysan asxaabtu is asturi jirin in taysan aayadda xijaabku soo dagin oo ay caa’isho madax qaawanaan jirta, xijaagkuna uu yahay way ay sameeyeen culimada madaahibta oo xagjir ah, warkoodas in uu yahay been. madaahibta afartaa way isku khilaafee qeexidda cawrada ragga iyo dumarka ee aan lafiirinkarin ama aan laqaawinkarin,
qofkasta oo muslim ah waxaa laga rabaa in uu is asturo si waafaqsan madhabkiisa ayagoo cuskanaya axaadiista nabiga ee ku soo aroortay kitaabka (ashicatu lamacaat) ee oranaysa (nin yuunan fiirin nin kale cawradii naagana yaynan fiirin cawrada naag kale) (caliyow fiiro haraacsiin fiiro kale tanhori adigaa leh tandanbase malihid) (caliyow bawdadaada habanayn hana fiirin qofkale bawdadiis mid nool ama mid dhintay) (allaah hanaclado qofka isqaawiya iyo midka fiiriyaba), cawradda laisku waafaqsanhay dhanka raga waa inta u dhaxaysa xudunta iyo jilbaha cawrada dumarka lajooga ragga ajnabigaana jirkooda oo dhan waxaan ka ahayn wajiga iyo calaacalaha tintooduan waa cawro waana xaaram in lafiiriyo xataa ishtiha la’aan,
rasuulku wuxuu yiri (qofkii isku ekeeya qoom ayaguu ka midyahay) xadiiskaan wuxuu tusaalaynayaa in dadka isku ekaynaya dhanka dhaqanka labiska cadawga islaamka in ay kamidyihiin, taas haku cibraqaato qofak raacraacayay caadada gaalada ee u bixinaya fanka-qurxan fanaaniina u baxshay dadka ku hawlan, waxaa ku qornayd (Kıımıya Sacaadaad) “in ay gabdhuhu ubaxaan banaanka ayagoo madax, gacmo, iyo lugo qaaban oo wata dhar ku dhagan oo isqurxiyay isna carfiyay waa xaaraam, waxaana danbiga la wadaagayay iyo cadaabka cid walba oo u ogalaatay sidaas ku baxaan haday tahay aabe, hooyo, nin, walaal, waana lawada cadaabayaa,
hadayse tooba keenaa oo ay wanaag sameeyaan Allahu Tacaalaa wuu u dhaafayaa Allahu Tacaalaa wuu jecel yahay dadka u tooba keenah. qofkasta oo muslim ah waxaa ku haboon in uu ogaado in qawlkiisi iyo ficilkiisu uu waafaqsanyahay shareecada islaamka iyo in kale, hadii usan aqoona waa in uu waydiiyaa kana bartaa culimada ahlusunna ama uu akhriyaan kutubtooda, waayoo hadii uusan camalku waafaqsanayn shariicada qofku kama badbaadayo in uu ku dhaco danbi. Xibanaha ay waajibka tahay in lagu asturo salaada iyo dibadeedaba waxaa layiraahdaa (maxalu cawro) qofkii dhaha shareecadu malaha wax cawro layiraahdo wuu gaaloobayaa sida ay madaahibtu isku raaceen,
bawdaduna cawro kuna aha madhabka xanbaliga. Haweentu dahmaanteed waa cawro waxaan wajiga iyo gacmaha ka ahayn “calaacalaha” sidaas bayna afarta madhab isku raaceen, marka in ay is qaawiyaan oo ay ku horheesaan ragga hortooda waa danbi wayn yaysanba gaalnimo noqon hadaysan xalaalsan, qofkaan ogaya waa in uu bartaa oo tooba keena oo is asturaa.
Imaamadii wanaag sanaa.
Nabiga waxa lagu aasay meel udhaw qabria hooyadii, Abuubakar iyo Cumar waxa lagu aasay Baqiic, Cusmaan lama yaqaano mesha uu qabrigiisu ku yaalo, Xuseen madaxiisu waxa uu ku aasan yahay Xanaanee, jirkiisa kalane lama yaqaano meesha uu ku aasan yahay sidaas oo kale waa in lagu sameeyaa qubaaraha kale ee ay qadariyaan muslimiintu.
- Xabaalaha baqiicna waa in laburburiyaa oo dhulka lala simaa nabiga ehelkiisa waa in laduraa oona lashaki galiyaa ku nasab sheegashada ay nabigu ku nasab sheeganayaan waa in loo xiraa dadka aan ahayn ehelka nabiga cimaamado madoow iyo cimaamado cagaaran sidii ay isugu ekaadaan ayaga iyo ahlu baydka nabiga sidaasna ay noga shakiyaan ayna umala xumeeyaan ahlubaydka nabiga nasabkooda.
Sidoo kale waa in laga siibaa cimaamadaha raga diinta madaxyadooda iyo Asharafta si uu ulumo nasabka ahlu baydka nabiga, raga diintuna Kamahelayaan dadka wax ixtiraam ah.44
[44] Wuxuu yiri caalimkii waynaa Sayıd Cabdul Xakıım Al-Arwaasıı oraah uu ku qoray (Al-Asxaabul Kıraam ) oo uu ku alifay İstanbuul “ kabadha Rasuulkeena (Calayhi Salaatu Wasalaam) ee Fadımatu Zahraa iyo Faraceedu ilaa iyo qiyaamo ayagaa ahlu bayda waana waajib maxabadoodu caasiyaalba ha ahaadeene jacaylkooda iyo kaalmahooda qalbiga, jirka iyo maalkaba iyo ixtraamkooda, ilaalinta xuquuqdooda waxay sababaan kaatimo iyo iimaan in lagu dhinto,
waxaa kuooli jirtay magaalada Xamaa ee dalka Suurıya maxkamad u gaar ah asharaafta xiligii cabaasiyiintana waxay ku taalay Masar, waxaa loogu naynaasaa faraca Sayıd Xasan (Sharııf) faaraca Sayıd Xusena (Sayıd), waxaana cimaamadda cad gaar ku ahaa Asharaafta, Cimaamadda cagaaranna Saadaadka, adoonta ay asharaaftu xoraysay waxay u dhigmeen dhanka maraga halkii qof labo markhaati xaakimka hortiisa, xilgii Suldaan Cabdul Majııd Khaan ayaa Rashııd Baashaagıı Maasooniga ahaa uu kansalay maxkamadahaas asgoo amar kaqaatay Ingırııska, xilgaas wixii ka dan beeyay lama kalasaari Karin ashraafta iyo dadka sheeganaya ee been abuurkaa waxana ku faafeen dadkii ben abuurka ahaa caalamkoo dhan, waxaa ku qoran kitaabka (Fataawıı alxadıısıya) xilgii hore waxaa ladhihi jiray Ahlu-Baydka Asharaaf, tusaale ahaa ‘ Al-Shariif Al-Cabaasii’ ‘Al-Shariif Al-zaynilii’
Madaxdii Fadımıyıınta lama oranay asharaf wixii sayid xasan iyo xuseen ku abtirsada waa la’oranayay, wuxuu faray suldaakii Masar ee Turkiga ahaa Ashraf Shacbaan Bın Xuseen sanadkii (773 H 1371 M) in ay xirtaan Sadaadka cimaamad cagaaran si lookala saaro ayaga iyo Asharaafta sidaas baana caado noqotay laakiin malaha saamayn sharci) waxaad faahfaahinta baabkaan ka helikartaa (Mır’aatulkaa’ınaat), (Al-Mawahıb Al-Ladunıyah) iyo Sharaxa Zarqaani Fasalka Sadexaas Maqsadka todobaad.
- Waa in labur buriyaa meelaha ay qadariyaan shiicadalaguna tuhmaa in ay taha bidco xun iyo baadinimo mana aysan jirin xiligii nabiga.
- waa in loo sheegaa laguna qasbaa in ay mus limiintuay yihiin kuwo xor ah qofkastana in uu xor uyahay in uu sameen karo waxa uu rabo aysan waa jib ahayn in la is amro wanaaga lana iska reebo xumaanta iyo in aysan baranin arkaanta Islaamka waana in laga dhaadhiciyaa (in nabi Ciise Calayhı Salaam uu haystay diin gooniya nabi Muusana uu haystay diin gooni ah), wanaaga in la is amro layskana reebo xumaanta waxa ay gaar ku tahay madax iyo salaadiinta aysan dadka oo idil u banaanyn.
[Islaamka in la barto dadkana la baro waa qasab, waana shaqada ugu horeyso ee qofka muslimka ah].
- waa in loo diido in ay muslimiintu tarmaan iyada ooloo xadidayo dhalmada isla markaana aan loo ogolaan in uu ninku uusan guursan karin wax ka badan hal naag ah iyo in lagu adkeeyo guurka sida in uusan xaq ulahayn ninka carabka ahi in uu guursado gabar Iranah iyo sidaa lidkeed, sidoo kale waa inuusan guursan gabar Carabiyad ah.
- Waxaa waajiba in aan la ogolaanin faafidda Islaamka,waa in la faafiyaa oraahda dhahaysa in uu Islaamku uu khaas ku yahay carabta sidaa darteed Allahu Tacaalaa qur’aanka waxa uu ku yiri: (Quraanku Sharaf buu u yahay adiga iyo qoomkaaga) Zukhruf/44
- Waa in la ciriiriyaa hay’adaha khayriga ah waa inarimahooda la galiyaa gacanta dawladda si uusan qofku xaq ugu yeelan in uu dhiso masaajidyo, iskuulo iyo wixii la mida sida sadaqada jaariyada ah.
- Waa in shaki lagaliyaa lanabadalaa waxna lagu daraaqur’aanka lana faafiyaa musxafyo quraan oo been abuur ah oo wax lagu daray waxna laga dhimay ayadoo ladaliilsanayo nabiguba wuu ku darijiray wuuna kadhimijiray, waa in laga
saaraa aayadaha xaqiraya Yahuuda, Nasaarada iyo gaalada kale, iyo aayadaha ka hadlaya jihaadka iyo macruufka oo la’isfaro45 Qu’raanka waa in loo turjimaa luqadaha kala duwan oo dadka laga celiyaa akhrinta Qu’aaka carabigaa. Sidoo kale waa in laga joojiyaa aadaanka, ducada iyo salaada carabigaa dalalka aan carabta ahayn.waa in axaadiista nabiga lashaki galiyaa oo sida qur’aanka loo khaldaa oo laturjumaan lana duraa.
Aad baan uga helay kitaabkaan waxaana layiraahdaa (sidee baan ku burburinaa islaamka ) waxa uu igu yiri xoghayihii markii aan usoo celiyay kitaabkii aan u muujiyay la yaabka kitaabka “ ogow in arrintan ay ku koobneyn adiga balse ay jiraan ciidama ugaar ah howshan oo kale ciidamada ay diyaarisay wasaaradu ilaa iyo hada oo shaqadan loo diyaariyay waxa ay ka badan yihiin shan kun oo qof waxa ayna ka fikiraysaa in ay kor dhiso tiradooda ayana gaarsiiso (boqol kun) boqol kun.Maalintii ay gaarto tiradaasi boqol kun waa maalinta aan la wareegi doono muslimiinta oo dhan iyo wadamada Islaamka waxaan u burburinaynaa burburin aad u ba’an, kadibna waxa uu raaciyay xoghayihii isaga oo dhahaya
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply