QIRASHADII JAAJUUSKA INGIRIISKA- QAYBTA 17AAD

 

[39]     Hooyo Safiyo way islaamtay oo waxba kama jiraan oraahda jaasuusku uu leeyahay yahuudbay ahayd, Maariya oo kasoo jeeda Masar waxay ahay adoon uu nabugu suriyaysta wayna islaamta oo Sayid Cumar baa janaaso ku tukaday, hase yeeshee Ahlusunna waxay qabtaa in yahuuda iyo masiixiga dumarkooda laguursan karo, oo sida shiicada ma aaminsana in ay najaaso ay yihiin oo tan qur’aanku sheegay waa dhanka caqiidada ee ma’aha dhanka jasadka.

[40]     In larumeeyo waxay ay nabiyadu kala yimaadeen dhanka alle waxaa la yirahdaa ( iimaan ) waxayna u qaybsamaan labo qaybood: 1- iimaan qalbiga ku eg oo leh lixtiir sida alle, aakhiro, rusul, kutub, malaa’ig iwm, qaybtaas nabiyadii lasoodiray iskuma khilaafsanay yahuda, masiixiyga iyo diimaha samaawigaa oo dhan waa ay ka midaysnaayeen.

2- Islaam (Shariico ) oo ah amarada iyo nahyiga cibaadooyinka iyo axkaanta muuqata, qaybtaan islaamka way ku kaladuwanaayeen nabiyaalku oo midwalba wuxuu waday shareeco ama islaam uu ku nasakhayo kii ka horeeyay ugu danbayntiina waxaa nasakhtay shareecooyinkii hore

Islaamkii uu layimid nabigeena Muxamed (calayhı salaatu wasaal) oo khatima dhamaan nabiyadii iyo shareecooyinkii oo dhan wuuna jirayaa ilaa qiyaamaha, wuxuuna Allahu Tacaalaa ku sheega suuradda Al-Cmran aayadda 19aad, 85aad in yuhuuda iyo nasaarada aan laga aqbalay wax aan islaamka Nabi Muxamed (calayhı salaatu wassalaam) ahay cidii diidana uu cadaabi doono, qofkastana waxaa lafarayay in uu raco islaamka nibiga markaas jira,

maanta cibaadada kaniisaduhu wax ba kama jiraa waayoo waqtigoodii waa la soo dhaafay. shekadan waxaad kaheli karta kitaabka Arabi (Al-anwaar).sidoo kale waxaadna faahfaahin ka heli kartaa kitaabka (Sharxulmawaahıb ) ee uu Qoray Sheekh Zarqaani.

(Yahuuda ka saara Jaziiradda Carabta) iyo xadiiska kale oo oronaya (Labo diimood kuma wada jiri karaan Jaziiradda Carabta) hadii Xadiisku saxiix ahaan lahaa Nabigu ma guursanlahayn Yahuudiyad iyo Nasraaniyad, mana la xaajoon Nabigu Nasaaro iyo reer Najraan.41

  1. Waa in laga leexiyo muslimiinta cibaadadooda lagunashakki galiyo faa’iidadeeda42, in uu Allahu Tacaalaa ka deeqtoon yahay dadka cibaadadooda.Waxaana waajiba in loo diido Xajka iyo in ay kulmaan dhexdooda sida

(salaadaha, jimcooyinka), sidoo kale waa in aad loogu diidaa in ay dhisaan masaajid, qubuuraha, iskoolo iyo in ay cammiraan Kacbada.

  1. Waxaa waajib ah in la shaki galiyo Shiicada siismada aysiinayaan shan meeloodoow meel qaniimada ay siinayaan shaqaalahooda shan meeloodoow meel waxa uu khaas ku yahay Qaniimada ee wax xiriira lama laha ganacsiga, waxaa shan meeloodoow meel loo waajibiyay Nabiga ama Madaxwaynaha sida ay culimadu tilmaameen xoolaha dadka, guryaha, qasriyada iyo beeraha inaysan ubaahnaan in laga bixiyo shan meeloodoow meel.
  2. waxa habboon in la ihaaneeyo xiriirka ka dhexeeyamuslimiinta iyo diintooda Islaamka in lagu soo daro caqiidadooda Bidcooyin iyo in lagu tuhmo islaamku in uu yahay Diin dib u dhac ah iyo Diin fawdo ah sidaa darteed waxaa dib u dhacay wadamadii Islaamka waxaana ku batay dhexdooda dhacca iyo boobka xaaladda [waxa ay ahaayeen in ay aas aaseen dawlado waa wayn mar kasta oo xiriirkoodu daciifo waa ay yaraanayeen].
  3. Waxaa habboon in lakala geeyo aabbaha iyo ubadkiisasi ay caruurto uga baxaan tarbiyada diiniga ah ee aabayaashoodii ku tarbiyeeyeen sidaa darteed waxy ahaan

 

[41]     Dib ugu noqo bogagii kan ka horeeyay ayagaan ku sharaxnay in uusan qabin Nabigu (Calayhi salaatu wasalaam) haween yaduud ah iyo kuwo Nasaara ah toona.

[42]     Cibaadada waxaa loogudanayaa in lafuliyo amarka alle waasax alle umabaahnaee aadanahaa u baahan, ayaguba kaniisadaha bay ka buuxan maxay islaamka ugu horjogaan masaajidda.

doontaa tarbiyadoodu mid ku jirta gacanteena, hadii ay gacanteena soo gashana waxaa ka tir tirmaysaa caqiidadooda iyo in aan ka goyno culimadooda.

  1. Waa in lagu qasbo haweeneydu in ay kasoo baxdo gurigeeda iyadoo xujjo looga dhigayo in xijaabku yahay caadooyinkii Cabaasiyiinta, aysan ahay amar Islaami ah gabi ahaanba,sidaa darteed dadku waxa ay ahaayeen kuwo arka haweenkii Nabiga, dumarkuna waxa ay ka qayb qaadanjireen arrimo kasta.

Kadib markay kasoo baxdo haweyneydu gurigeeda waxa lagama maarmaan ah in ay dhallinyaradu ku kadsoomaan gabdhahaas si uu uga dhaco fasaad dhexdooda.Arrintaasina waa saamayn aad u xeel dheer ee tir tirida Islaamka. Marka ugu horaysa waa in ay ka soo baxaan dumarka aan muslimiinta ahayn cabaayadaha ay ku asturanyihiin si ay ugu daydaan dumarka muslimiinta ah.43

  1. Waxaa waajib ah in la bur buriyo salaadaha lagutukado jameecada iyadoo loo muujinayo in iimaamku uu fasahaaday iyo in la muujiyo xumaantiisa sidii kalena laga dhex abuuro cadaawad iimaamka iyo jameecada.
  2. waxaa waajib ah in qabuuraha la bur buriyo iyadooxujo looga dhigayo in aysan jirin xilligii Nabiga(Calayhi Salaatu Wassalaam )iyo in ay tahay bidco sidoo kale waa in dadka laga leexiyo in ay booqdaan qubuuraha iyadoo lagu shaki galinayo sida tan: qubuurtani in ay ku jiraan Nabiga iyo

 

[43]     Haweenku isma asturi jirin intaysan soo dagin aayadda xijaabka nabigayna uimaan jireen waxna ka baran jireen hadii uu qoys booqdana haweenku way lasoo fariisan jireen nabiga aydoon xijaabnayn, waxaa soo dagtay ayaada xijaabka ee suuradda Axsaab sadex sano ee hijrada kadibna waxaa soo dagtay suuradda Al Nuur waxaan haweenkii lafaray in ay is asturaan waxaan laga reebay in ay raga ajnabigaa lafariistaan iyo in ay lasheekaystaan,

nabiguna wxuu amray in haweenku ay waxay u baahanyihiin ka bartaan xaasaskiisa dahiran, gaaladu waxay dhagrayaan muslimiinta umana sheegayaan in markii danbu aayad ay soo dagtay oo ay dumarku is astureen, waxay ornaysaa xaaskii nabiga ee dahirsanayd.

Umu-Salama waxaan lajoognay xaaskii nabiga ee dahirsanayd Maymuuna waxaa guriga soo garaacay Ibnu-Umımaktuum markaas buu Nabigu (Calayhi salaato Wasalaam) yiri (iska xijaaba) makas baan ku iri ‘soo ma’aha indhool aan nagaranayn oo aan na’arkayn’ waxuu Nabugu (Calayhi Salaatu

 

Wasalaam) ku jawaabay (adinku ma’indhahaad la’dihiin soo ma’arkaysaan) waxaa xadiiskaan wariyay Imaan Axmed Bın XANBAL, TIRMIDI iyo Abuuda’uud, marka ayadoo la tixraacayo xadiiskaan ayay xaaraan tahay raggu in ay fiirshaan dumarka ajnabiga ka ah sidoo kale in dumarku fiirshaan ragga ajnabiga ka ah,

hasayeeshee aimada madaahibta ayagoo fiirinaya axaadiis kale ay waxay yiraahdeen in dumarku ay fiirshaan cawrada ragga waa xaaraan laakiin fiirada jirkooda kale waa karaahiyo, sidaas awgeed maadaama aysan iska ilaalin Karin raga madaxooda iyo waxa lamidka ah ayaa loo rukhseeyay in ay fiiriyaa in ta ka soo hartay xudunta iyo jilbaha inta u dhaxaysa, waxaana xadiiska nabiga lagafahmayaa xaasaskii nabiga iyo asxaabii in ay iska ilaalinayeen rukhsadda oo ay ugu dhaqmayeen diinta si dhab ah.

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/

Leave a Reply