[38] Rasuulkeenu(calayhı salaam) wuxuu yiri (Marwadii raacada shariicada waxay kamidtahay nicmooyinka jannada midii hawadeeda raacdana waa jarar ) shareecadu waxay ku dirqinaysaa aabaha in uu biilaa inantiisa hadii ay gabar ama garoob midkood tahay, hadii uu diidana waa laxirayaa, hadii uu aabuhu dhinto ama faqiiro waxaa laga rabaa hantiilayaalka qaraabadaa in ay bilaan lawaayo qaraabo biisha waan in dawladdu ay biishaa,
baahida dumarka muslimiintaa waxaa dusha islaamku ka saaray ragga sidaas awgeed uma baahana in ay shaqayso gabadha muslimaddaa, sidaas darted waxaa dhaxalka oo dhan qaadan lahaa ragga maadaama ay ayaga saarantahay mas’uuliyadda noolasha oo dhan, hase yeeshee shareecadu marlabaad tixgalin aya siisay dumarka oo waxay tiri haka qaateen dhaxalka ragga barkii,
ninku kuma dirqinkaro xaaskiisa in ay ka shaqayso guriga hawshiisa ama ay qabato shaqo dibadeed, haweentu haday doonayso in ay qabato shaqo ka baxsan gurigeeda uuna u idmo ninkeedu way u banaantay in ay shaqaysato ayadoo asturan ragna aan dhexgalay, waxay shaqaysato ama ay dhaxal u hesho ama meher loosiiyo ama si kale ay u milkiso waa hantideeda cid khasab uga qaadan kartana majirto,
xaraan laguma khasbikaro inay nafteeda ama caruurteeda ay ku biisho waa yoo waxaa lagu leeyahay biilka nafteeda ragg. maantana dalaka Shuucigaa waxay ku dirqinaya dumarka in ay ka shaqeeyaan shaqooyin culculus si ay noolashooda u maareeyaan sida xoolaha oo kale, wadamada kirishtankaa iyo kuwo kale oo islaam ah ayaa maanta ku shaqaysta dumarka ayagoo oranaya waa xur noolashuna waa wadaag taasi waxay kaliftay in uu baaba’o xariirkii qoyska oo maxkamadu ay lahugmaa muranada qoysaska is furaya.
oraahda nabigu way u kalaqaybsantaa sadex qaybood, qaybta koowaad: erayadooda iyo macnahooduba alle agtiisay ka soo dageen waxaana layiraahdaa (Qur’aanka kariibkaa), qayba labaad: waa kuwo erayadooda uu yiri nabigu macnahoodana laga soo dajiyay dhanka alle waxaana la yiraahdaa (Xadiisul qudsi), qauta sadexaa: waa kuwo erayadooda iyo macanohoodaba uu yiri nabegeena (calayhı salaatu wassalaam) waxaana layiraahdaa (Xadiisu Shariif)
tusaale ahaan xadiiskaa uu nabigu yiri (haweentii shariicada raacdaahi waxay ka middtahay nicmooyinka jannada tii nafteeda raacdaana waa shar) xadiiskaa waxaa faah faahiyaya Sheekh Muxyadıın Alcarabı oo ku qoray qayba koowaad ee kitaabkiisa (Al-Musaamaraad ), Jaajuuska inkiriisku se wuu qariyay qaybta hore ee xadiiska, hadayse haweenka caalamku ogaan lahaayeen qiimaha iyo raaxada iyo xiriyadda dhanka milkiyadda iyo Furiika iyo xananada ay diinta islaamku siisay way wada islaami lahaayeen waxayna ka wada shaqayn lahaayeen sidii ay diinta islaamka ugu faafinlahaayeen caalamka oo dhan ,
waanse ka xunnahay ma’aysan gaarin xaqiiqooyinkaan, allahse wuxuu nasiib ugadhiga ciddii barata diinta islaamka wuuna ugu talagalaly dadkoo dhan .
14- Wasakhda iyo qurunku waxay ka dhashaan biyo yarida waa in lagu dadaalaa in laga hor istaago Islaamka biyo badan, dardaarankii ee uu ku qoray kitaabkiisa kuna saabsanaa qodobadii waa waynaa ee uu qariyay waxa ay ahaayeen:
1) In lasoonooleeyo qabyaaladii iyo gobalaaysigii iyo wixii lamida, sidoo kale waxa uu dardaarmay in muslimiinta niydooda lagu soo jeediyo xadaarooyikii hore, geesiyyashii hore iyo shakhsiyaadkii caan baxay ee Islaamka ka horeeyay sida in lasoo nooleeyo taariikhdii faraacinada Masar majuusiyiintii Iraan Baabiliyiintii Ciraaq iyo kuwa kale oo badan oo ku saabsan xadaaradihii hore sida Atila iyo Jengiz [bahalnimadooda] [waxaa jira kitaab laga sameeyey liis hore].
2) In lafaafiyo afartii arrimood oo ay kala ahaayen khamriga, qamaarka, zinnada iyo hilibka doofaarka iyo [in lasameeyo naadiyaal sporti ah si muuqato iyo si qarsoon in loo faafiyo arrimahaas], sidoo kale kitaabka waxa uu dardaarmayaa in lajoogteeyo xiriirka iskaalmeysiga ka dheexeeya Yahuuda, Nasaarada, Majuusiyiinta iyo Saabi’ada ku waasoo ka shaqeynaya arrimahaas, wasaarada gumaysiga waxa ay siisa mushaar aad ufara badan qofkasta oo ka mid ah jawasiistaas oo ka shaqeeya arrintaasi.
Sidaa darted in la sameeyo xisbiyo siyaasadeed iyo naadiyaal isporti ah, xisbiyada siyaasada iyo naadiyaasha ciyaaraha haddii ay akhrin lahaayeen diinta waqti ay isku dagaalaan ma heli lahayn, taasina waxa ay keeneysaa in midkiin uu kan kale ku daabaco jornaalka, Jornaalada waxa ay arimahaas ka helaan lacago badan, qofka lagu arko magaciisa jornalka waxa uu noqonayaa mid geesi ah. Arintaan diinta Islaamka iyo axkaamta way ka soo horjeedaa.
Aadaabta diinta way ka baaba’eysaa qofka sameeyo arintaa, meelahaan lagu sameeyo ciyaaraha, lagdinta waxa ay keeni karaan wax aan ku habooneyn diinta maxaa yeelay waxaa isugu yimaado wiilasha iyo gabdhaha taas oo keeni karto in ay ka dhashaan wax yaabo xun. Arintaan waxa ay bur burineysaa Islaamka.
Waxaan sameyneynaa masaajidyo badan, masajidada waxaan u sameyneynaa si dad wax loogu sheego, waxaan sameyneynaa music Islaami ah, qalab la isticmaalo, heeso Islaami ah iyo radiyo ayaan ku qabaneynaa masaajida. Misaajidyada waxaan u isticmaaleynaa sida dabin oo kale si dadka wax loogu sheego.
dadka aada masaajidka iyo naagaha xijaabaniyo kuwa dawlada u shaqeeyo, jasuusiinta ayaa waxa ay ka qoraan war bixin, naagaha xijaaban si shaqada looga ceyriyo, dadka diinta ay ka muuqato ee dhigta jaamacada ma qaataan kuwa helana waxaa lagu dhiba in ay helaan shahaadadooda.Xogayaha waxa uu si qarsoodi ah ula socdaa arintaan, Nejli Muxamed ma sheegin ama kuma adkeenin arintaan.
Waxyaabihii aan ka qorey waxaan ku wareejiye maxkamada kontan sano ka hor in aan la furin ayaa laygula dardaarmey. [Dhismahaan sida masaajidka manaradiisa oo kale ma’ahan.Mesha shanta waqti lagu tukado maalin walba ayaa loo yaqanaa masaajid.salada kadib iyo ka horba wacdiga waa banaanyahay.Wacdiga waa caqiidada ahlusunada muslimiinta ah, mid ka mid ah ahlusunada muslimiinta ayaa u akhriyey kitaab isaga oo fiirinaayo dadka waxa uu u sheegey in ay xifdiyaan kitaabka.
Kuwa aan madhabka lahayn sida jaasuuska Ingiriiska kuwaas in loo wacdiyo ama lala hadlo ma’ahan.Masaajida in lagula shiro iyo in lagu wacdiyo ma banaano.Waxa walba oo ay sheegaan waxa ay kala soo baxaan kitaabka qu’raanka kariimka iyo sunada].
3) In la joogteeyo shaki galinta arrinta jihaadka iyo in uuahaa jihaadka mid waqtiyeesan uuna dhamaaday waqtigiisii.
4) In laga saro fikrad ah in ay najaaso yihiin gaaladanufuusta Shiicada iyo in loo cadeeyo in uu Allahu Tacaalaa qur’ankiisa ku yiri (Cunnada ahlukitaabka waa idiin xalaal cuntadiinuna waa u xalaal)Almaa’id/5, sidoo kale nabiga xaasaskiisa waxaa ka mid ahayd gabar Yahuudiyad ah magaceeduna yahay (Safiya Binyu Xuyay) iyo xaaskale oo iyaduna Nasaaro ahayd oo lagu magacaabo (Mariya) mana suroobayso in layirhdo nabiga xaasaskiisa ayaa najaaso ah 39
5) waa in ay muslimiintu rumeeyaan erayga Islaamkauusan ku koob nayn diintooda, qur’aanka waxa uu ku magacaabay diimaha oo idil dadka haysta in ay muslimiin yihiin maxaa yeelay Allahu Tacaalaa ayaa qur’aankiisa ku yiri: (allow igu dil islaamnim)Yuusuf/ 101 marka uu qur’aanku ka hadlayo nabi ibraahim iyo nabi ismaaciil waxa uu yiri: (Allahayow anaga iyo caruurteenaba dad muslimiin ah nagadhig) Al-baqra /128. Nabi Yacquub caruurtiisa wuxuu ku yiri (Hadhimanina Adinkoo Muslimiin Ahayn ) Al-baqra/ 132 40
6) Sideebay nooga xarrimayaan Kaniisadaha Nabiga iyoKhulafadu ma aysan duminin Kaniisadaha, balse waa ay xurmeeyeen Allahu Tacaalaa qur’aankiisa waxa uu ku yiri (Allahu Tacaalaa hadii uu san dadka qaarkood qaarka kale ku celin lahayn waaxaa ladumin lahaa dhamaan goobaha cibaadada) Al-xaj/40.
7) Waxaa waajiba in la shakki galiyo xadiiska oranaya
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply