QIRASHADII JAAJUUSKA INGIRIISKA- QAYBTA 15AAD

 

 

 

 

23)      Muslimiintu waxa ay qadariyaan qur’aanka iyo axaadiisya ku dhaqan kooduna lagu helayo janno iyo ajar wayn, kadiban waxa uu ku dardaarmay kitaabka in lagu badiyo qodobada liita (ka soo horjeeda islaamka) iyo in la qariyo qodobada wanaagsan, in lasheego daliilo muujinayo arintaas, kitaabka waxa uu leeyahay in laga shaqeeyo sidii loo faafin lahaa qodobadan soo socda:

1-         In khilaafyada lala beegsado kooxaha iska soo horjedaiyo in lafaafiyo kutubo lidku ah kooxahaasi lacagna lagu bixiyo is baabi’intooda iyo kala fogaantooda.

2-         In jahligu lagu baaqi yeelo loona diido in ay furtaaniskoolo lana baabi’iyo kutubtii diiniga ahayd dadka in laga soo leexiya iskooladii diinta in ay ilmahooda ay geeyaan sidoo kale waa In culimadooda la duro [wadadaasina waa wadadii uu ingiriisku ku dhibaataynayay islaamka].

3-         4- In ay ahaadaan ku wa baraarugsanayn iyaga oo looqurxinaya jannada iyo in aysan waajib ku ahayn nolasha aduunyada, sidoo kale in loo badiyo xalaqooyinka ku saabsan tasawufka iyo in loo badiyo kutubta amraya in laga saahido aduunyada iyo dhaldhaalkeeda sida ku tubka (Ixyaa Culuumu Diin) Qasaali iyo qasiidada (Almasnawi) oo uu alifay (Mowlaanaa Jalaaludiin alruumii) iyo kutubka (ibnu Carabi)31.

5- In la xoojiyo kalitalisnimada ayada oo loo cadeynayo (in ay yihiin hooskii Allahu Tacaalaa ee dhulka ku sugan) sidoo kale in Abuubakar, Cumar, Cusmaan, Reer Banii Umaya iyo Reer Banii Cabaas dhamaantoodu in xukunka ku heleen xoog iyo seef ayna ku maamuleen kalinimo.

Abuubakar waxa uu xukunka ku qabsaday seeftii Cumar iyo in lagubo guryaha aan hoos imaanin maamulkooda sida gurigii Faaduma Nabi Muxamed32 Cumar in uu xukunka

 

[31]     saahid nimada ay amaaneen kutubta suufiyadu ma’aha in laga tago aduun yada eewa in lagu mamaananin aduunyada raadinteeda macnuhu waxaa waaye kasabka xalasha ah ee loo adeegsado si waafaqsan shareecada waa cibaado sawaab leh.

[32]     Waxaa ku sugun axaadiista nabiga tilmaamo tusaalenaya in abu bakar, cumar,cismaan iyocali alle raali kaga noqdo dhamaantoode ay yihiin dhaamaantood khaliifiintii nabiga balse lama cadaynin waqtiyada ay xilalka qabanayaan iyo say u kala horeeyaan arintaas wuxu nabigu u daayey in ay asxaabtu iyagu doortaan,

 

ijtihaadka asxaabtu ee dhanka doorashada khaliifada wuxuu ahaa dhowr nooc maadama aysan ahayn khilafadu hanti la dhaxlayo oo lasiinayo dadka qaarabada nabiga ah sidaas dartee ayaa abu bakar wuxu ahaa khaliifkii ugu horeyey ee asxaabtu doorato taas o sababo kala duwan asxaabtu u yeeleen sida inuu ahaa ninkii ugu hor islamay dad badana soo islamiyey iyo nabigu inuu kadhigay imam isaagoo nol uuna ku daba tukaday nabigu uuna ahaa qofkii kaliya ee lasoo hajiray

nabiga markii isaga la doortay ayaa rag uu kamid ahaa abu sufyaan ay ku yiraahdeen sayid cali gacantada noo soo tag aan kula bacaytannee hadad doonaysidna waxaanu meel kasta kaga soo buuxinaynaa ciidan fardoolay ah iyo kuwa lug lay ah ma uusan aqbalin arintaas sayid cali wuxuuna yiri (ma waxaad doonaysaan inaad kala furfurtaan muslimiinta inaan soo bixi wayo micnaheedu ma ah inaan doonayo xilee waxaan la qalbi xanuunay waayidii aan wayey nabi muxameed (Calayhı salaatu wassalaam) waana jahwareersanaa)

wuxuu yimid imam cali masaajidka wuxuuna la bayac tamay abu bakar dadka hortooda abu bakar markaas ayuu ku yiri (ma anaana doonayn inaan noqdo khaliif waxana igu qasbay daruufta si aysan fidna ugu dhex dhalan aslaanka ) sayid calina wuxuu yiri( adaa ku haboon khilaafada ) wuxuuna amanay sayid abu bakar sida ku qoran mujaladka labaad ee kitaabka la yiraahdu “al sacaadah al abadiyah “ qeybta labaad leenka labaatan iyo saddexaad ayaa lagu qorey.

sayid cumar wuxuu sayid cali u sagootiyey gurigiisa isagoo sayid cali oranaya( umadan waxaa ugu fadli badan nabi muxamed ka dib (Calayhı salaatu wassalaam) abu bakar iyo cumar dadka ku kadsoomay been abuurka shiicada waxay sabab u noqdeen xalada tagfaraaruqa ee muslimiintu mantay ku sugan yihiin , ingirruskuna wuu buunbuniyaa fidnadaas.

kula weereegay dardaarankii Abuubakar, Cusmaan in uu xukunka kula wareegay Cumar amarkiisa, Cali in uu xukunka ku la wareegay doorasho kacdon, Mucaawiye in uu xukunka kula wareegay seef33 kadibna waxa dhaxlay reer Banii Umaya, kadibna waxaa kalawareegay reer Bani Cabaas, arrintaas oo dhan waxa ay ku tusinaysaa in uu islaamku yahay kaligii talis.

6-         In la joojiya xukunka dilka [qofkii qof dila in aanladilin] xalka kaliya ee joojinkara dilka iyo foodada waa ciqaabta dilka ah in lawaayo amniga wadooyinka iyo in la xoojiyo kuwa guul dareystay lana siiyo hub laguna qasbo in ay wadaan shaqada tuuganimada iyo laaluush qaadashada.

7-         In ay ku sugnaadaan xaaladooda caafimaad daro in lagudhex faafiyo, in uu Allahu Tacaalaa waxkasta uu qadaray aysan faa’ido layhayn in ladaaweeyo, miyuusan Allahu Tacaalaa quraankiisa ku dhihin (Alle waa kan iquudiya oo iwaraabiya hadaan jiradana iroonaynayay oo idilayay kadiban inoolaynayay ) Shucara/79-80-8134.

8-         In ay foodadu baaqi ahaato iyada oo lacadeynaayo inuu islaamka uu yahay diin cibaado uusan laxiiriin arimaha dowlada sidaa darteed malaheen Muxamed iyo khulafada wasiiro, nidaam iyo qawaamiin {sharciyo}35.

9-         In burbirinta dhaqaalaha uu badiyo fasaadka sidaa dartee waa in laburbiriyaa doomaha ganacsiga iyo in lagubo suuq yada sidoo kale waa in laburburiyaa meelaha beeraha

 

[33]     Khilaafada mucaawiye waxay sharciyad ku heshay baycadii imam xasan binu cali.(Hadalkii xaqa ahaa ee gaarsintiisa)kitaabkaan aad akhrineysaan.

[34]     Si uu muslimiinta u khayaanu ingirisku wuxuu aayadaha quraanka iyo axaadistanabiga ku fasirayaa macna khaldan, in lais daaweeyana waa sune alle ayaana caafimaad ku dhex abuuray dawada nabigeenana wuxuu faray in la is daaweeyo caafimaadkase alle ayaa haya wax kastase sabab ayuu u yelay wuxuuna nafaray inaan wax kasta sabatooda raadino wuxuuna rasuulkeenu yiri (Calayhı salaatu wassalaam) (cilmiga raadsigisu muslimkasta waajib buu ku yahay qof kasta oo muslim ah ) wuxu kaloo yiri (qofka shaqaysanaya alle ayaa jecel).

[35]     Cibaadadu ma aha salaada, soonka iyo xajka oo kaliya balse shaqada aduunyadaoo aad u niyeysataa inaad amarka le fulinaysid waxay ka mid tahay cibaadada, shaqa kasta oo bulshada nafci u ah waxay leedahay sawaab.

laga waraabiyo waana in lasumeeyo meelaha ay dadku biyaha kadhaansadaan36.

10-      In lamashquuliyo madaxda iyada oo lagu fidneynayo[dumarka, ciyaarah], khamriga, khamaarka iyo laaluushka, in loolexiyo hantida dowlada danah gaar ah iyo in lajecleysiiyo shaqaalah arintaa.

 

Waxaa kale oo uu ku dardaarmay in lajoogteeyo jawaasiintaa ayna ilaalaso dawlada Ingiriiska.

11-      Sidoo kale waxaa uu kudardaarmay kitaabka in lafaafiyo Ribada maxaa yeelay waxa ay burburisaa dhaqaalaha wadanka waa in lagu diiro galiyaa muslimiinta in ay joojiyaan ku xukunka qur’aanka, waxaa kale uu kadardaarmay in muslimiita lagadhaadhiciyo ribada xaraanta in ay tahay (Ribada Laban Laabka Ah).

Allahu Tacaalaa qur’aankiisa waxa uu ku yiri (Hacunina ribada)Al cimran:130 ribada qaybaheda oo dhan xaaraan ma’aha37.

12-      Sidoo kale waxaa waajib inagu ah in aan jarno xiriirkakadhaxeeyo culumada iyo bulshada inteeda kale iyadoo loomarayo in la tuhmiyo culumada iyo in looxiro qayb kamida shaqaalaheena dharka culumada kadibna aysameeyaan dambiyo waa wayn islamarkaana uu shaki ku beermo dad waynaha sida la hubo ragan shaqaalaha ahi waxa ay galeen (jaamacadii Al Azhar, Istanbuul, Najaf iyo Karbala) waxaan aan furi doonaa iskoolaad iyo macaahid lagu liidayo xiriirka kadhexeeya culumada iyo dadweynaha waxaan ku tarbiyadeen doonaa caruur cadaw ku ah muslimiinta waxaanu u aqrin doonaa caruurta muslimiinta in

 

[36]     Bal fiirsha wax shinimada iyo dulmiga uu u diyaarshay muslimiinta ingiriiskuisagoo iskutilmaama inuu yahay hogaan bulshada rayidka ah ee caalamka kalmada xaquuqul insaankuna aysan ka dhamanin carabkooda.

[37]     Markii wax la amaahsanayo lama cayino waqtiga bixinta hadii lacayino wuxuunoqonayaa ribo loona shardiyo in la bixiyo isla qadarkaas xanafiyada agtooda, sidoo kale hadii wax dheerada lagu darayo waa ribo dambi leh wallow hal dirhamba ha ahaate lakiin beeca lama mudeeyey waxaa haboon in la xadido waqtigiisa hadii uu waqtigii dhaafo ee lagu daro siyaado waxay lamid noqonaysaa dayntii ribada ahayd.

ay ahaayeen awoowayaashoodii kuwo juhalo ah.

Waxaa kale oo aan ku tar biydeen doonaa caruurta in aay nacaan culumadooda iyo madaxdooda sidoo kale in aan u sheegna xumaantooda iyo inay ku mashquuleen mac macaansiga gabdha iyo aduunyada in aay leexsadeen hantida shacabka.

13- Waxaa suuroowda in lafaafiyo in Islaamku yasay dumarka miyeeysan qur’aanku ku jirin (Ragu ayagaa haya talada dumarka) Ayada Nisaa/34 iyo miyuusan xadiisku dhihin (Dumarku Waa Shar)38.

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/

Leave a Reply