QIRASHADII JAAJUUSKA INGIRIISKA- QAYBTA 14AAD
waxa aan kulaabtay wasaarada si’aan u ogaado ammarada la isiin doono iyo meesha la igu wajihi doono waxaa xafiiska si’aad ah igu soo dhaweeyay xoghaya waa uu ii gacan qaaday asaga oo ii mujinaya kalgacayl iyo kalsooni buuxda waxa uu yiri wasiirka waxa uu amar igu siiyay sidoo kale waxa ay ii xilsaareen gudiga khaaska ee arrimaha gumaysiga in aan ku tusiyo laba arrimood oo sir ah oona muhiim ah si’aad uga faa’iidaysan lahayd mustaqbalka labadaasi arrimood lama tusiyo dad yar mooyee oo lagu kalsoon yahay.
Gacanta ayuu iqabtay waxa uu igaliyay qolkamid ah qolalka wasaarada waxaana halkaasi ku arkay waxyaabo aan la yaabay oo halkaas yiilay boqol qarni waxaana ku hareereysan 10 nin, nin waxa uu ulabisan yahay sida madaxwaynaha Cusmaaniyiinta waxa uu ku hadlayay luuqada Turkiga iyo Ingiriiska nina waxa uu egyahay sheekha ugu wayn magaalda Istanbuul kan sadexaadna waxa uu u egyahay boqorkii furus midna waxa uu u eg yahay wasiirkii ee shiiciga ahaa midka shanaadna waxa uu u egyahay shiikha ay u laabtaan Shiicada oo ku sugan Najaf sadexdaan danbane waxa ay ku hadlaan laba luuqadood oo kala ah luuqada Faarisiga iyo Ingiriiska
shantaaan nin midkasta oo kamid ah waxaa agfadhiya nin qoraa ah si uu uqoro waxa uu ku hadlayo warbixinnada ka imanaya daafaha caalamka oo ay soo gudbinayaan shaqaalaha gaar ahaan war bixinnada ka imaanaya xagga İstanbuul, faaris iyo najaf waxa ay ku soo dhacaan shantaan nin xoghaya ayaa waxaa uu igu yiri shantaani nin waxa ay matalayaan shan nin oo asalraac ah waxaana u sameeynay nimankasi si aan u ogaanno sida ay u fakarayaan shanta nin oo muslimiinta ah.
Waxa aanu u xil saarnay nimankaa shanta ah sidii ay noo siinlahaayeen warbixinada nagasoo gaaraya istaanbuul, Tehraan iyo najaf.
Nimankaasi waxa ay iska matalayaan shanta nin ee muslimiinta ah oo (asalka ah).
Intaa ka dib waxaan waydiino ayey nooga jawaabaan waxa aynu aragnay natiijada kasoo baxday nimankaan fiiradooda boqolkiiba todobaatan boqolkiiba 70 inay waafaqsantahay nimanka asal raaca ah fikirkooda.
Xoghayuha ayaa waxa uu yiri: hadii aad doontid arrintaan tijaabo ayaad ka qaadi kartaa maxaa yeelay waxaad qaabili kartaa caalimka Najaf.
Waxa aan iri meel kasta oo la ii diro waan ku haboonahay.
Waxa aan dhawr su’uulood waydiiyay matalaha marjica shiicada ee ku sugan maagaalada Najaf.
Waxa aan ku iri mudane manoo banaantahay hadii aaan shiica nahay in aan la dagaalanno xukuumada maadaama ay tahay xukuumaddu xukuumad sunni ah oo qabyaalad badan?
Matalihii waxa uu yiri maya nooma banaana in aan la dagaalno maxaa yeelay waa xukuumad islaami ah muslimiintuna waa walaalo waxaa noo banaan inaan kula dagaalano amridda wanaaga iyo ka reebidda xumaanta maadaama ay tahay xukuumad cabburisa ummadda muslimiinta ah waxa aan kala hadlaynaa sidii ay shacabka muslimiinta ah cabburinta uga dayn lahayd hadii ay ka daysana innaguna waan daynaynaa.
Waxa aan iri: mudane Yahuuda iyo Nasaaradu ma najaasaa mise ma’ahan?
Waxa uu yiri waa najaaso waxaa waajib ah in laga fogaado.
Waxa aan ku iri maxay ku najaasoobeen?
Waxa uu yiri: waxa ay ku najaasoobeen laba wax yaalood waxaa ay aaminsanyihiin in aan nahay gaalo Nabi Muxamedna Calayhi Salaam waa ay beeniyeen sidaa darteed ayay ku najaasoobeen.
Waxa aan ku iri mudane miyaysan nadaafaddu iimaanka ka mid ahayn?
Maxaa (sahne shariif) [Qabriga Cali hareerihiisa] iyo wadooyinka soo gala ay san nadiif u hayn? xitaa meelaha lagu barto cilmiga aysan nadiif u ahayn).
Waxa uu yiri: maxaad u arki wayday innagu in aan nahay dad nadaafad badan mawaadan arag nadaafadda ka muuqata wadooyinkeena,suuqyadeena iyo iskuuladeena aan wax ku barano ?
Waxa uu yiri shaki kuma jiro in ay nadaafaddu ka mid tahay Iimaanka hase ahaatee maxaan samaynaa shiicadu nadaafadda ma ilaaliyaan.
Waxaad moodaa ninkaa sida uu iigu jawaabayo in uu yahay caalimkii shiiciga ahaa ee ku sugnaa magaalada Najaf waxa aan aad ula yaabay ninku sida uu ninka isugu ekaysiinayo dhab ahaantii waxa aan waydiiyay su’aalahaan shiikh xiligii aan ku sugnaa magaalada Najaf
sida uu ninkan iigu jawaabay ayuu iigu jawaabay ninkaan shiikha matalaya waxa uu ku hadlayay luuqadda Faarasiga, shiikhuna waxa uu ku hadlayay luuqadda Faarasiga.
Xoghayaha ayaa waxa uu yiri hadii aad afarta kale su’aalo waydiin lahayd waxa aad ogaan lahayd sida ay u matalayaan afarta muslimiinta.
Waxa aan ku iri xoghayaha waxaan garanayaa afkaartii shiikha Islaamka maxaa yeelay shiikh Afandi wuxuu ahaa shiikhaygii haddaba waxa aad su’aalo waydiisaa ninka la yiraaho shiikh Matalihii waxa aan ku iri in madaxweynaha la adeeco ma waajib baa?
Waxa uu yiri haa waa waajib sida Allahu Tacaalaa iyo Rasuulkiisa loo adeecayo ayaa loo adeecayaa.
Waxa aan ku iri maxaa daliil u ah?
Waxa uu yiri miyaadan maqlin Allahu Tacaalaa qawlkiisa (Allahu Tacalaa Iyo Rasuulka Adeeca Iyo Madaxdiina). (Nisaa: 59), waxa aan ku iri hadii uu khaliifku ka mid yahay ulul amriga Allahu Tacaalaa sideebuu noo amrayaa in aan adeecno Yaziid oo banaystay inuu dagaal ku qaado Madıınatu al Munawara, oo dilay Xuseen (radıyallahu canhu) oo ay dhashay gabadhii Rasuulka (Calayhı Salaatu Wassalaam) sidee Allahu Tacaalaa noo amrayaa in aan adeecno Waliid oo ahaa nin khamriga cabba?
Matalihii waxa uu yiri wiilkaygiiyow Yaziid waxa uu ahaa amiirkii muslimiinta xag allana nalagala amray Xuseena in la dilo ma uusan amrin ha rumaynin beenta Shiicada si’aad ah kutubta u akhriso dhab ahaantii Yaziid waa uu gafay waana uu toobad keenay in uu madiino dagaal ku qaado waxaa ku qasbay reer madiino ayaa xad gudbay waxa ayna ka bexeen adeeciddii Amiirka balse wali waxa uu ahaa Faasuq.
Khilaafada waxa lagu adeecayaa wixii ku salaysan shareecada Islaamka su’aalahan qudhayda ayaa waxa aan horay u waydiiyay shiikhayga Afandi, jawaabahaan oo kale ayuu iigu jawaabay waxaan ku iri xoghayaha maxaa dana oo ku jira matalaadaan?
Waxa uu iyiri waxa aan ogaanaynaa fikirada madaxda iyo culimada musliinta sunniga iyo shiicada ka dib waxa aynu u jeexaynaa sidii aan uga hortagi lahayn arrimohooda siyaasadeed iyo midooda diineed tusaale ahaan markii aad ogaato in cadawgaagu kaaga imaan doono xaga qorrax kasoo baxa waxaad hor dhigaysaa ciidankaaga balse hadii aadan garanayn cadawgaaga halka uu kaa jiro ciidankaaga waxa aad u kala qaybinaysaa jihooyinka oo idil,
sidoo kale markii aad ogaatid qofka muslimka ah waxa uu daliilsanayo madhabkiisa iyo diinkiisa waxaa kuu suura galaya sidii aad udiyaarsan lahayd jawaab aad ku raddisid waxa uu daliilsanayo.
Jawaabahaas waxa ay noqonkaraan jawaabo lagu qanco, waxaadna khal khal galinkartaa qofka muslimka ah caqiidadiisa.
Kadibna xoghayuhu waxa uu ii dhiibay Kitaab wayn oo ka kooban kun bog kitaabkaasna waxaa ku qoran doodo iyo kaartooyin dhex maray shanta muslimiinta ah iyo shanta matalayaasha ah doodahaas waxa ay ku saabsan yihiin arrimo milatari, arrimo dhaqaale, arrimo aqooneed iyo mid diineed.
Kitaabkii ayaan gurigaygii u qaatay waxaan kusoo akhriyay muddo saddex asbuuc ah waxa uuna igu amray in aan kitaabka soo celiyo markii aan soo akhristo.
Wax aan la yaabay waxa kitaabka ku qoran cilmi, aqoon iyo qaabka wax loo raadiyo.
Waxaad moodaa in ay tahay dhacdo dhab ah sida ay su’aalaha iyo jawaabaha ay nimankaa isu waydaarsayaan iyo siday isugu beeganyihiin waxaan isleeyahay boqolkiiba 70 wax ka badan waa ay saxan yihiin, in kastoo uu horay iigu yiri xoghayuhu su’aalaha iyo jawaabaha ay is dhaafsanayaan 70% way saxsan yihiin.
Buugaan waxa aan ka kororsaday kalsooni aan ku kalsoonahay awooda dawladayda, waxaa kale oo ogaaday dhab ahaantii dawladdu in ay diyaarisay kaartooyinkii lagu xadidi lahaa awoodii dawladii Cusmaniyiinta wax ka yar hal qarni.
Xoghayuhuwaxa kale oo uu yiri qolkaas kale waxaa ku jira matalayaashaan oo kale waxayna matalayaan wadaado aan gumaysanno, xoghayaha ayaa waxa aan ku iri nimankaa matalayaasha ah xageebay xogtaan ka helaan?
Waxa uu yiri: shaqaaleheena kala jooga daafaha caalamka ayaa si toosa war bixinta noogu soo gudbiya iyagoo kusoo aadiya matalayaasha.
Waxa uuna yiri: xoghayuhu tani waa sirtii kowaad oo aan ku ogaysiiyo sirta labaadna waxaan kuu soo gudbindoonaa bil kadib markii aad soo dhamaysid Kitaabkan.
Waxa aan soo akhristay Kitaabkii dhammaantii waxaana ka faa’iday aqoon aad u farabadan oo ku saabsan Muxamadiyada waxaa kale oo ogaaday fikradahooda iyo qodobada ay ku liitaan waxaa kale oo aan ogaaday qodobada ay muslimiintu awooda ku leeyihiin iyo sidii looga shaqayn lahaa sidii loo bur burin lahaa looguna badali lahaa qodobo taag daran.
Qodobada ay muslimiintu ay ku liitaan waxaa kamida
- Khilaafka u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada,18 khilaafka u dhexeeya shacabka iyo madaxda, khilaafka u dhexeeya labada dawladood ee Turkiga iyo Iran, khilaafka u dhexeeya qabiilooyinka, khilaafka u dhexeeya culimada iyo madaxda.19
- Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/



Leave a Reply