Aayadii aan soo marnay waxa ay oranaysaa in lala jihaado gaalada iyo munaafiqiinta lama cadaynin qaabka uu jihaadku yahay, jihaadka gaalada lalagalaa waa dagaal, jihaadka munaafiqiinta lalagalaana waa wacdi iyo nasteexeeyn] Muxamed Cabdi Wahaab — waxa uu yiri nabigu carrabka ayuu kala jihaaday munaafiqiinta. — Waxaan ku iri hadaba in carrabka laga dagaalamo ayaa faral ah ee dagaalka tooska ahi faral ma’ahan waxa uu yiri — Nabigu gaalada waa uu ladagaalamay, waxaan ku iri waxa ku kalifay nabiga naftiisa ayuu difaacayey markii ay gaaladu damceen in ay dilaan, Muxamed Cabdi Wahaab madaxa ayuu ruxay oo waxa uu garowsaday hadalkeygii mar baan waxa aan ku iri — ku raaxaysiga dumarka (Mutcada) waa ay banaan tahay waxa uu yiri — maya ma banaana waxan iri Allahu Tacaalaa waxa uu yiri (Naagaha Hadaad Kuraaxaysataan Siiya Uujuuradooda) Suuratu Nisaa/24, Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu yiri — raaxaysiga waxaa xarimay Cumar Binu Khadaab waxa uuna yiri waxa uu ku yiri mawaxaad leedahay aniga ayaa ka cilmi badan Cumar? Mida kale — Sayıd Cumar waa xarimay rasuulkuna waa xalaaleeyay maxaad uga tagaysaa ra’yiga qur’aanka iyo ra’yiga rasuulka oo aad uqaadanaysaa ra’yoga Cumar waa uu aamusay
Nikaaxa mutcadu wuxuu shabahaa ama u eg yahay xirirada saaxiibtinimo eeraga iyo dumarka aduunka ka dhexeeya ee aan sharciga ku dhisnayn wuxuu ku banan yahay shicada mad habkooda
.
Markii aan arkay in aamusitaankiisu ay daliil utahay qancitaan, waxa aan kiciyay shahwadiisa maxaa yeelay waxa uu ahaa doob, waxa aan ku iri ma uraaxaynaa nafteena ama naag ma meher xadnaa madaxa ayuu ruxay arrintaa ayaan kaga fa’iidaystay ballan ayaan u qabtay si’ aan ugu keeno gabar uu ku raaxaysto waxa aan ku ballan arinntaas in aysan ogaan cid aan labadeyna ahayn magaciisa aanan usheegi doonin naagta aan u keeni doono.
Waan baxay si degdeg ah waxa aan u tagay naago Kiristaan ah oo kasocda wasaarada gumaysiga loona soo diray in dhalinyarda muslimiinta ah ay fasahaadiyaan waxa aan ugu sheekeeyay sheekadii nadhexmartay aniga iyo Muxamed Cabdu Wahaab waxa aan u bixiyay gabadhii Safiyo waa aan balamiyay maalintii aan ballanay ayaa waxa aan ka xeeyay Muxamed Cabdi Wahaab waxa aan geeyay gurigii ay gabadhu joogtay waxa aan ugu tagnay iyada oo kaligeed ah
waxa aan ku dhawaaqnay iniga iyo Muxamed siiqadii guurka oo ku kooban todobo bari, gabadhaa meherkeedu waxa uu ahaa lacag dahaba ah anigu banaanka ayaan ubaxay Safiyana gudaha ayey ku hartay waxa aan isku dayeynaa sidii aan u khiyaani lahayn Muxamed Cabdi Wahaab, kadib marki ay hanatay Muxamed Cabdi Wahaab oo ay dhadhan siisay macaanka shahwada si khilaafsan shareecda Islaamka oo aan aragnay in uu ra’yigiisu ka madax banaan yahay ra’yiga Islaamka waxa aan uqabtay sheeko dheer si’aan uga dhaadhiciyo khamradu in aysan xaaram ahayn markasta oo u soo daliilsado aayada ama xadiis waxa aan uleexinaay dhankale
ugu danbeyntii waxa aan ku iri khamriga waxaa cabi jiray Yazıd Binu Mucaawiya iyo khilaafadii Umawiyiinta iyo Cabaasiyiinta suuragal ma tahay ku waas dhamaantood in ay baadi ku sugan yihiin adiguna aad xaq ku sugan tahay
waxa aan shaki ku jirin inay ahaayeen kuwa aad u fahansan kitaabka Allahu Tacaalaa iyo sunnada sidaa darteed khamriga waxa ay ka fahansanaayeen in ay tahay karaahiyo kitaabada Yahuuda iyo Nasaarada waxaa ku qoran in khamradu ay xalaaltahay hadaba suuragal matahay khamrada in ay diina ay xalaaleyso diina xaarameyso diimaha dhamaantood ay alle xagiisa ay ka ahaadeen.
Muxamed Cabdi Wahaab waxa uu yiri Cumar binu Khadaab waxa uu isku dari jiray khamri iyo biyo kadibna waa uu cabi jiray waxa uuna dhihi jiray hadii aysan kuwaalineyn xaraan ma’ahan hadalkiisii buu sii watay waxa uu yiri Cumar waxa uu ahaa mid kusaxan arintaa maxaayeelay qur’aanka kariimka ah waxa uu leeyahay:
(Shaydaanku Waxaa Uu Doonayaa Inuu Dhexdiina Rido Cadaawad Iyo Caro Markaad Khamrada Cabtaan Ama Aad Khamaartaan Waxaa Uu Idinka Jeedinayaa Xuska Alle Iyo Salaadda) Suuratu Maaida/91, marka khamradu xaaraam ma’aha hadii aysan ku maan doorinayn13, Safiyo waxa ay u sheegtay wixii dhacay waxay sugtay inuu cabay khamro adag waa ayna saameysay ka dibna waxay usheegtay in uu cabey khamri badan iyo in uu ugalmooday sidaa baa kula wareegnay iniga iyo Safiyo sheekhii.
Maxaa ka wanaag badnaa kalimadii dahabiga ahayd ee uu yiri xoghayihii (waxa aan uga soo ceshanay Isbayn gaaladii oo uu la jeedo muslimiinta khamri, zinno iyo xumaan) aan isku dayno sidii aan uga soo ceshan lahayn wadamada kale anaga oo u isticmaalayno khamriga iyo zinada. Markaa waxa aan kala hadlay arimaha soonka waxaan ku iri qur’aanka waxa uu leeyahay (Inaad Soontaanbaa Idiinkhayr Badan) Baqar/184, mana dhihin soonku wajib buu idinkku yahay sidaa darteed soonku waa sunne ee waajib ma’ahan
laakiin fikradii waa uu kasoo horjeestay shiikhii waxaana uu yiri (mawaxaad doonaysaa in aad iga saarto diintayda) waxan ku iri wahaabiyaw diintu waxa ay tahay in uu qalbiga saafi yahay iyo naf wanaagsan iyo dadka kale inaan lagu xadgudbin miyuusan nabigu dhihin (Diintu Waa Jacayl) Miyuusan Allahu Tacaalaa qur’aankiisa ku dhihin (Rabigaa Caabud Inta Aad Yaqiin Kaheleyso) Suuratulxijri/9914
Markale waxa aan ku iri salaadu waajib ma’ahan waxa uu yiri sideebaa u dheheysaa miyuusan illaahay oran (salaada u ooga xuska eebe awgiis) Dhaha/14 in Allahu Tacaalaa la xuso marka waxa ku haboon in aad Allahu Tacaalaa xusto adiga oo ku badal qaadanaaya tukashada salaada waxa uu yiri wahaabigu dadka qaarkood waxa ay ahaayeen kuwa Allahu Tacaalaa xuso waqtiyada salaada iyaga oo ku badalanaaya tukashada salaada
waan ku farxay hadalkiisa, waxa aan guda galay ra’yigiisa in aan ku celcelinayo ilaa aan ka hantay qalbigiisa, intaa ka dib waxa aan ogaaday in uu noqday mid aan daneyn salaada waxa uu ahaa mid tukada salaada marna ma tukanayn gaar ahaan salaada subax ma ahayn mid tukada inta badadan markaa oo aan ahaa mid lasoojeeda inta badan xilliyada habeenkii ilaa saqda dhexe waxa uu ahaa mid aan ukici karin salaada subax markaa waxa aan guda galay in aan ka soo saaro si fudud iimaanka marbaan waxa aan doonay in aan kala doodo arrimaha ku saabsan Nabiga (Calayhi Salaatu Wassalaam) waxa uu igu yiri hadii aad ka hadasho arinkaa waxa go’aya xiriirka inoo dhexeeya
waxa aan ka baqay in uu burburo xiriirkii aan soo dhisayay ka dibna waan iska xiray hadalka ku saabsan nabiga, kadibna waxa aan guda galay si maskaxeysan in uu yahay nafsad ahaantiisa mid noqon karo dariiqo sadexaad aanan ahayn sunni iyo shiico, waxa uu ahaa mid iga ajiiba arrrinkaa maxaa yeelay waxa ka buuxa jeceylka uu qabay Safiya maxaa yeelay Safiya waxa ay ahayd shiikha qalbigiisa maalin baa waxan ku iri Shiikha ku iri marunbaa in uu nabigu ka dhigay saxaabadiisa kuwa karaama badan oo uu walaaleeyay qaarkood waxaa uu yiri haa waxaan ku iri sharciyayda Islaamka ma mid waqtiyeesanbaa mise waa mid joogta ah waxa uu yiri waa mid joogta ah maxaa yeelay nabiga ayaa waxa uu yiri: (Wixii Nebigu Xalaalteeyo Waa Xalaal Ilaa Yoomal Qiyamo, Wixii Xaarantimeeyana Waa Xaaraan Ilaa Qiyaamaha).
Waxaan aan ku iri aan walaalowna aniga iyo adiga, waan walaalownay waxa aan ahaa mid rajaynaya in timado geedkii aan abuuray miraheeda, mirahaasoo aan ku bixiyay xilligii dhalin yaranimadeyda oo dhan waxa aan bilwaliba u gudbin jiray wasaarad warbixinta iyo hadba meesha ay xaaladu marayso laga soo bilaaba markii aan kasoo baxay landan wasaaradana waa ay iisoo jawaabi jirtay iyda oo igu dhiira galinaysa howlaha aan wado Muxamed Cabdi Wahaaba waxa uu ahaa mid ku socda wadadii aan ku jeexay
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply