Qadraaay . . . Qadraaay!-Q-4

Ma jirin shaqo la sheego oo aan qabto marka laga reebo lawxadii aan Deeqa la soo daawaday ee aan ka sheekaysanay macnaha ay gudbin karto. Maalin kadib wax kasta sidoodii ayay ku soo noqdeen wixii dhacay oo dhanna waxa lagu qoray baalasha illowga. Noloshu waa sideedii, xiskayguna waa sidiisi oo waxba kuma kordhin waxna kama dhicin. Waa sida geed abaareed oo kale. Sariirta ayaan ka soo degay aniga oo itaal yari dareemaya, lugahana ka jareynaya oo welwel daran uu i saaqay. Qolka fadhiga ayaan u soo gudbay. Waxa i sugayay Fadal, Qamar iyo Weris oo ah hablihii ay habaryartay dhashay. Isku mar ayay soo wada kaceen oo garbaha iga galeen. Qamar oo saddexdooda u wayn ayaa si naxariis leh iigu tiri:
-“Caafimaad ku waar walaal..” Dabadeed Fadal iyo Weris ayaa isku mar wada yiri “Aamiin.. Aamiin. Allahayow sidii roon.” Fadhiga ayaan cabbaar fadhiyay. Qoyska oo dhan ayaa isugu yimi. Duco fara badan baa la akhriyay. Deeqa ayaa iyaduna ii timi oo laabta i gelisay. Hal mar ayaa laxanka qiirada lagaga dhawaajiyay oo qolkii fadhigu reemay. Maalinkaas sidaa ay ku galbatay oo waxa iftiinkeedii qariyay murugo, cabsi iyo jirro. Aroortii ayaa boostada ii keentay farriin aabbahay iiga timi iyo alaab kale oo uu ii soo direy. Bushqaddii ayaan qolkayga la galay. Aabbahay inuu i jecelyahay oo uu wax kasta iga jecelyahay baan ogaaday. Markiisii horeba nin degan oo aamus badan buu ahaa.

Maalinkii hooyaday dhimatay ayaa qofba meel u dhaqaaqay. Kii safar ku maqnaa ma soo noqon kii joogayna waa tegay. Sidaas ayaa uu aabbahay Herer ugu guuray oo walaalkii Qays oo halkaas degan ugu tegay. Bil kasta maalinta u horreysa ayuu farriin ii soo diri jirey. Intii aan yaraa habar yartay ayaa farriintu u iman jirtay oo ka warcelin jirtay. Balse markii aan waynaaday aniga ayaa ay toos iigu iman jirtay. Ma ogayn waayaha uu aabbahay noolaa iyo sida xaalkiisu yahay, sidoo kale ma aqoon in uu aabbahay fanka jecelyahay, balse waxaan ogaaday maalin aan akhrinayay farriin uu ii soo direy.

“ Nabad sheeg.

Aabbe noloshu waa halgan ee adayg. Ha liiicin. Wax kasta ku qaabbil niyadsan iyo hufnaan. Cadowgaaga subag sagaaro ayaa loogu dhaashtaa ee ha u dabcin waayaha. Waan ogahay oo waxa aad maraysaa xilli adag. Laakiinse wax kasta gunaanad ayay leeyihiin. Gunaanadkaagu ha noqdo guul. Mar kasta adiga ayaan kaa fekeraa. Dhulkan aan joogo waa dhul cimilo wacan oo degan, laakiinse ma joogaan dad aan sidii hooyadaa oo kale ag joogooda ugu farxo. Ma joogaan dad aan wejigooda ku farxo. Walaalkay Qays ayaan la joogaa isaguna waa shaqeeyaa oo inta badan isma haleelno. Fiidkii ayuu ii yimaadaa isaga oo daalan. Waan is xaal waraysannaa. Maalinkaa sida ay nolosha ku qaabishay ayaa uu iiga warramaa, dabadeed adiga ayaa uu i kaa wayddiiyaa. Dhulkan waa sidaas oo dadku waa wada aamusanyihiin, shinbrihuna cod debecsan ayay ku heesayaan. Dhul qurux badan laakiinse aan dadkii loogu tala galay joogin. Qof kasta wejigiisa gibil madow ayaa qariyay. Sidii in naxariista Eebbe laga qariyay. Hooyadaa Cibaado ayaan u xiisaa mar kasta. Adigana waa kuu xiisaa aabbo. Addimada aan ku socdo iyo laxaadkayga baad tihiin. Haddii aanan hooyadaa jeclaan nolosha ma aan garteen macaankeeda. Sow iyadu ilo xareed ah sacabbadeeda igagama waraabin. Ilaahay ha janneeyo. Nuurkeedii ayaa qalbigayga ka ifaya. Qof la jecelyahay bay ahayd. Adduunka nabad, naxariis baad ku joogtay. Aakhirana inay farxad ku naalooto ayaan rejaynayaa. Ereyo aanan illaawi karin ayaa maankayga ku duugan. Hooyadaa labadeennaba waxa ay innooga tagtay dardaaran ballaaran oo ay leedahay ha quusanina ee halgama. Hees aan aqoon cid qaadda, laakiinse ay hooyadaa ii qaadi jirtay baan kuu tirinayaa. Waan dareemayaa oo waxa ay ku gelin doontaa jewi kale.

Kalgacaylka qaladkiyo
Qasaaraha u diid
Qosol beena ha u jabin
Arrintii aan qorshaynana
Yaanay qabyo naga noqon.
Waa qaali wacadkuye
Qayrkaa kamaad harin
Nasiibkaana kuma qadin
Waad qiimo wayntahay
Qalbigaagu yuu jabin.

Alle lagama quustee.. AH..Ah.. Bal maxaa igu watay. Heestani qoon bay i danaqday. Sida nabar hadda igu dhacay oo kale ayaa ay ii kaaraysaa. Maalin ay hooyadaa sariirta saarnayd oo ay baaxaa dageysay ayaan u imi aniga oo ordaya. Jilibaya ayaan laabtay dabadeed, iyada oo doonaysa inay ila hadasho ayay igu tiri “Qalbigaagu yuu jabin gacaliye” Cabbaar kadib ayay ka soo raysay. Laba maalmood kadibna way i cidlaysay. Safar bay gashay iyo socoto dheer oo aan soo noqosho lahayn.. Alaabtii na waan kuu soo dhiibay ee ka doono. Waa nin macaariiftayadii hore ka mid ah oo Herer soo gaaray. Isaga ayaan kuugu soo dhiibay wax aad ku farxi doontid. Marka aad aragtid ayaad dareemi doontaa sida wayn ee aan u taageero fanka, gaar ahaan farshaxanka.

Curaddaydii Qadra
Aabbahaa gacaliye.”

WQ: Abshir Umal

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply