Aan ahaado qof dhiman oo nolosheeda lagu abyay duco yar oo hooyaday ku qortay xaashi xilli hore cadaatay. Si ay u noqoto qof nool. Ilaahay waa deeqsi ee addoonkiisa yar waxa uu dhigay qof nool oo nool. Nolol yar oo wayd ah. Wax badan ma sii joogin dugsiga. Maadaama aan ahaa qof dhiman. Markii aan sideed gaaray ayaa farriin loo soo diray habar yartay. Farriintaas waxa loogu sheegay inaan dugsiga sii wadan karin oo aanan awood maskaxeed u lahayn waxbarashada kale. Wixii aan soo dhigtay oo dhan waxa laga dhigay calaacal madow. Maalin axad ah ayaan guriga ku soo laabtay iyada oo farriintaasi iga soo horreysay. Qoyska oo dhan waa yaabanayaan. Laba gabdhood iyo Wiil ayay habar yartay dhashay. Dhammaantood daaradda ayay igu sugayaan. Dabadeed markii aan guriga soo galay ayaa Fadal igu soo orday oo laabtiisa i geliyay. Habaryartay ayaa iyaduna dhinaca kale iga timi oo aniga iyo Fadalba laabta na wada gelisay.
Daqiiqado yar ayaa dawanka murugadu yeerey, in yar kadibna wax kasta sidoodii hore ayay noqdeen. Xilligaas fanka ayaan aad u taageerayay oo u arkayay khayrka adduunka ka dhigi doono meel nabdoon. Ma aqaan sida aan u fekerayay, laakiinse waan dareemayay fanka. Dugsi ma aadi jirin ee xaafadda ayaan mar kasta joogi jirey. Marna farriimaha aabbahay Hore iigu soo diro ayaan akhrisan jirey. Mar kale gabar aan saaxiibbo ahayn oo deriska ahayd ayaan u tegi jirey. Way i fahmi jirtay oo iyada ayaan ka bartay fanka. Heeso cod qurux badan lagu qaadayo ayaan ka soo dhageysan jirey. Dabadeed si aan u illaawin ayaan soo qorin jirey. Deeqa ayaa la oran jirey oo aabbaheed ayaa fannaan ahaa. Laakiin isaga oo da’ ah ayuu guriga joogay.
Waayeel ayuu ahaa markaa oo cudur baa ka haleelay lawyaha oo socod kuma jirin. Laakiin galabta khamiista oo kale daaradda ayaa loo saari jirey oo waa uu noo sheekayn jirey. Magaciisa ma aqaan. Waan illaaway. Laakiin saaxiibtay Deeqa Baadil baa la oran jirey. Sidaas ayaan fanka ku jeclaaday. Heesaha aad uma sii jeclayn, laakiin farshaxanka ayaan wax kasta ka jeclaa. Lawx yar’yar oo geed laga qoray baa Deeqa oo loo keenay. Wiil ay is jeclaayeen ayaa Itoobbiya uga keenay. Lowxadaasi waxay igu abuurtay dareen aan xad iyo xuduud celiso toona lahayn. Waxay iga dhigtay qof rejo leh oo nolosha mar u hanqaltaagaya. Maalin ayaan ku iri ii sharrax waxa looga jeedo farshaxankan.
Balse way garan wayday. Lowxyada geed ayaa laga qoray, laakiin se afar gees ayaa loo qoray, geeska midig xagasha hoose ayaa sida geedka oo kale u baxday, saddexda xagal ee kalena caadi ayay ahaayen. Kadib ayaan wada jir isu wayddiinay macnaha ay yeelan karto. Ujeed fog ayaa ay lowxadani gudbinaysaa, ujeed ku suntan asalka wax kasta iyo halkii ay ka yimaadeen. Wax kasta asalkiisa ayaa uu u laabanayaa. Lowxadani waxa ay ka samaysantahay geed waxa ay u laabanaysaa geed. Sidiisii oo kale ayaa ay laamo bixinaysaa. Shay kastana waxa uu ku arooraa asalkiisa. Ujeeddadii ay lawxadaasi gudbinaysay ayaan sidaas ku sharraxnay dabadeed waan kala tagnay oo anigu guriga ayaan soo aaday.
Xilli duhurkii ah oo ay qorraxdu cirka badhtankiisa galgalanayso ayaan culays dareemay. Madaxa ayaan gacmaha ku hubsaday dabadeed xummad dheeraad ah ayaan dareemay. Si isku xigta ayaan jirrada u dareemay ilaa aan markii dambe dhulka ku hoobtay oo dhacay. Intaa kadib wax dhacay ma ogayn. Laakiinse waxa aan maqlayay codka habar yartay Saado oo meel shishe ka imanaya.. “Qadraay…Qadraaay!” Jar baan ka sii dhacayay marka uu magacaygu yeerayo. Wax yar kadibna aamuska fiday oo erey dambe ma maqal. Madaxa ayaan qummaati dhulka ugu dhuftay, halkaas ayaan ku suuxay. Waa maalinkii koowaad ee aan suuxo. Horey uma aqoon waxa uu suuxitaanku yahay, laakiin waxaa dhakhtarku ii sheegay inaan shaqo culus qabtay.
WQ: Abshir Umal
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply