Qadraaay . . . Qadraaay!-Q-1

Warqad yar oo cawlan ayaa ay miiska dushiisa soo saartay. Markii hore dan kama ay lahayn laakiin mar dambe ayay gadaal u eegtay oo furtay dabadeedna bilowday inay akhrido waxa ku qoran “Ilaahay kaa dhig qof nool..” Waa weedh yar oo duco la moodo, balse lagu abyay oo lagu soo aruuriyay nolosha qof nool oo ku dhex nool duni aan mala awaal badan lahayn. Duni yar oo aruursan sidii in lagu aruuriyay wiyil geeskeed, balse wax kasta waa la deday oo waxa lagu qariyay dhacdooyin aynaan ka faalloon karin. Cabbaar kadib ayay Qadra caajis dareentay oo kur u kacday iyada oo taahaysa, isla inyar kadibna waa kuftay oo waxay soo taabatay dhulka. Way wareertay dabadeed waxaa xigay hunqaaco iyo dhareer. Wax kastaana waa ay is beddeleen. Gaacir oo kor u hadlaya balse aad modo inuu caraysanyahay ayaa hadal bilaabay:

-“Naa maxaa dhacay Qadraay” Daqiiqad aamus ah baa fiday. Kadib ayuu gaacir u soo galay Qadra oo qolka waran, madaxana barkatay dhulka oo dhareerku qariyay wejigeeda. Cillad aan la aqoon baa soo korortay. Gaacir qudhiisu waa yaabay. Laakiinse mar kale ayaa aamuska fiday oo gaacir indha amakaaga leh ku fiiriyay Qadra oo dhulka waran. Cabbaar kadib ayaa dhakhtarka la geeyay. Caafimaad bay dareentay oo inay nooshahay ayay ogaatay. Laakiinse daqiiqado aan la aqoon baa laga jaray wakhtigeeda ama nolosheeda. Waa daqiiqado yar oo ay soo taabatay derbiga geerida iyo suuxidda u dhaxeeya. Wax kasta waxay u ekaadeen wax fudud oo ay dabayshu ruxayso. Nolosheedu xitaa waxay u akaatay wax fudud oo ay daqiiqado gudaheed dhanka kale uga tallaabi karto.

Way ka soo raysay Qadra oo waxa lagula daraarmay inay feejignaayo, oo il gaar ah ku hayso xilliyada ay jirradan oo kale dareento. Maanta sahal ayay ahayd, waxa dhici karta inay shaqadu kugu badnayd. Sidaa awgeed mar kasta oo aad culays dareentid is fududee oo nagta jaraja u sii daa ha fooftee, daalkuna waa cudur ee la dagaalan. Sidaas ayaa uu kula dardaarmay dhakhtarku. Dabadeed guriga ayuu gaacir u soo kaxeeyay. Markan ayaa la is eegay oo haddana hal mar hoos la wada fiiriyay. Gaacir welwel baa wejigiisa qariyay. Sidoo Qadra waydiin aysan taag u lahayn baa ku istaagtay maskaxdeeda. Kursi uu ku fadhiyay ayuu soo jiitay oo Qadra qumaati u soo hor fariistay, isaga oo gacmihiisa saaraya labadeeda gacmood oo bawdeeda dul saaran.

-“Maxaa kugu dhacay gacaliso?..” Ayuu ku yiri isaga oo kor u eegaya indhihiisana ay damqashadu soo buuxisay.
-“Ma aniga?..Waxba Gacaliye.. Waxba!” Ayay tiri Qadra iyada oo suuniyaha kor u kicisay oo wejigeeda yaab iyo amakaag uu ka muuqdo. Gaacir waa qaadan la’yahay inaan waxba dhicin. Isaga ayaa indhihiisa oo shan ah arkay oo soo qaaday Qadra oo dhulka waran miyirkeeduna maqanyahay. Laakiinse waxa uu u maleeyay in ay cabsanayso ama ay iyada laftigeeda qaadan la’dahay. Haddeer ayay is eegeen oo haddana mid ba gorada laadlaadiyay. Gaacir baa soo yara dhawaaday oo xabadkiisa ku qabtay Qadra oo madaxa u salaaxay, isaga oo cod yar oo naxariis leh niyadda ugu dejinaya:

-“Ha u bixin gacaliso waxba ma ay dhicin!”
-Haa gacalliye waxba…. Ma… dhicin…” Ereyadan dibnaheeda marka ay dhaqaajinayaan maskaxdeeda waxa ay ku foogantahay wax aan la aqoon. Aqoontu iyada waa u dareen ma aha wax ay taqaanno, hadday doontana waa u maqal.
Mar ayay illowday xita waxa uu u yahay ogaalku dabadeed dareentay inay Qadra tahay. Qadradii ay dhashay Cibaado Gallayr, duqdii cibaadada badnayd ee dhimatay toban sanno ka hor. Farriintaa ay miiska saartay waxa ay ku jirtay sanduuq yar oo hooyadeed Cibaado ugaga tagtay, si ay nolosheeda uga dhex akhrisato. Sanduuqaas yar ayaa nolosheeda oo dhan laga aruuriyay aroortii hooyadeed xabaasha lagaga yimi ee raqdii Cibaado lagu adkeeyay iilka. Isla maalinkiiba aabaheed Cawil ayaa ballantii ooridiisa fuliyay oo sanduuqaaas u geeyay Qadra.

Qolyar oo daaqad yar dhinac ku leh. Har iyo habeenna madow ah oo in iftiin laga daaro u baahan, ayay dhex yuururtay maalinkaas Qadra. Wax kasta waa laga qariyay. Jirrada hooyadeed iyo geerida labadana waa laga qariyay oo iyada oo lix sanno jirta ayaa qolkaas yar lagu qariyay, si aysan waxba uga ogaan ama u dareemin xanuunka murugadu leedahay. Qarintaas laftigeedu, waxa uu ahaa dardaaran ay Cibaado fartay Cawil, si aysan murugada u dareemin. Kolkaas ayuu markii aaska laga yimi ayuu Cawil u yimi Qadra oo labtiisa ku qabtay isaga oo ooyaya oo leh:

-“Waxba ma dhicin aabbo..Waxba!” Ilmo waawayn baa wabax ka tiri oo soo taaraxday dhabankiisa. Cabbaar kadibna sida uu haddeer oo kale aamusku fiday, ayaa wax kasta noqdeen oo Cawil inantiisii yarayd ee Qadra ku qariyay laabtiisa. Si aanay u dareemin murugada geerida. Si aanay u arag nolosha qaraar ee Hooyadeed la’aanteed sugaysa. Nolosha foosha xun ee ay noolaan doonto iyo soddon sanno kadib. Laba daqiiqo kadib ayaa Qadra dareentay wareer lalabo ayaa xigtay dabadeed, Gaacir ayay la hadashay iyada oo cod yar oo diniiq ah ee dhuunteeda isku taagayo:

-“Maxaa dhacay Gacaliye? Madax wareer iyo qandho ayaan dareemayaa, maxaa i helay, maxaa i helay?”
-“Waxba gacaliso.. maanta ayaad inyar xanuunsatay oo dhakhtarka lagu geeyay”
-“Ma aniga? Yaah ma aniga ayaa xanuustay?”
-“Haa gacaliso..” Ayuu ku yiri Gaacir isaga oo cabsi dareemaya.

 

WQ: Abshir Umal

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply