Qaamqaam: tuulada jarida dhirtu reebban tahay

 

 

Koofurta magaalada kismaayo, tuulada Qaamqaam, guriga Cantar xuseen waxa ku yaal geed qurac ah ooqalalay.

Geedak qalalay waa ka muuq gadisan yahay geedaha kale ee magaalada ku firdhisan, ee guraca iyo qunbahaba leh ee la dhirirsan daafta wabiga, Cantar oo toban caruur oo uu dhalay ay la socdaan ayaa soo dagay tuulada bilowgii 1990, markii uu geedkaan jarayna ma uusan ogayn fal cilinta ka imaan doonta jarida geedka.

Durbadiiba odayaashii tuulada ayaa isku soo baxay markii u jaray, waxaana lagu eedeeyay in u dilay geed, waxayna u sheegeen in dilida geed ay la mid tahay dilid qof nool oo kale, waxayna ku amreen in uu bixiyo diyo u ah, 1500 oo dollar.

Sidoo kale waxay ku amreen in uu tuulada ka guuro.

“Aad ayaan u yaabay una diday, waxaana is tusay in si kale la ii beegsanayo, balse odayaashii waxay ii faah faahiyeen xeerarka tuulada u yaal, sidas ayaan lacagtii ku dhiibay, tuuladiina isga guuray.

Xukunka waxa riday hoggaamiyaha tuulada, Cali Faarax Ismaaciil, oo ka tirsnaan jiray ciidankii Somaaliya 70 neeyadii kana mid ahaa dadkii u horeeyay e tuulada soo daga

Tuulada Qaamqaam waxay ahaan jirtay xero ciidan, waxayna dhacdaa 20km waqooyiga kismaayo, ismaaciilna wuxuu tababare ka haa xirada xilligii Siyaad Barre.

 

Markii dagaalka sokeeye dhacay 1991 dii, ismaaciil iyo ciidan kale waxay go’aansadeen in aysan dhinacyadii is dagaalayyay aysan dhinacna la safan, balse ay badbaadiyaan dada dagaalka ka soo orday ee aaggaas u soo cararay.

“waxaan go’aansanay in aan dadka degaankaba badbaadino, waana aan ka madax banaanayn siyaasad iyo qabiil, sidaas ayaa dadku nagu aamineen, dhinacyadii is dagaalayaya waxba naguma darsan.

Cali Faarax Ismaaciil hoggaamiyaha tuulada Qaamqaam

 

Si ka gaddisan degaanada kale ee u dhow Qaamqaam waxay can ku tahayd geed abaareedka quraca ee dhaqaalaha soomaalidu laf dhabar u ahaa ee laga shidi jiray dhuxusha, tuuladana waxa daggan hadda 2000 oo qoys.

Gu’yaal ka hor markii Cantar yimid tuulada, geedka uma jari in uu dhuxul ka dhigto, sidaas darteed rafcaan ayuu ka qaatay xukunkii odayaasha hoggaaminayay tuulada,  wuxuu u sheegay in uu geedka u jaray waayo dhacaan ayuu dayrka ku soo tifqinayay, sagaal bil oo ka baaraandagid ah ka dib waxa loo ogolaaday in uu tuulada dib ugu soo laabto.

“markii dadku maqleen geed aan jaray ayaan diyo ka dhiibay, waxay ii qaateen in aan waalnahay, balse waxaysan ogayn wax tarka geeduhu leeyihiin, la’aantood ma noolaan karno, in ay muhiim noo yihiin waa in aan ogaanaa, oo wax kasta oo ay nagu qaadato aan dhowrnaa geedaha” ayuu yiri Cantar

 

“dowladii dhexe markii ay meesha ka baxday, waxa bilowday gummaad ba’an ee lagu qaaday geedaha oo dhuxul laga dhigayo, inaan wax ka qabo ayayna ahay, 30 kii gu’ ee u danbeeyayna waxaan dhiganay xeerar adag oo lagu dhowrayo geedaha sida aan nafteena u dhowrno, hadda mar kasta oo qof cusub nagu soo biro, waxaan u sheegnaa xeerarka, waana lagu wada faraxsan yahay” ayuu Cali oo odayaasha ka mid ah

Dadaalkii tuulada Qaamqaam wuxuu u egyahay mid mira dhalay, quruxda magalada iyo geedaheeda gaarka ah waxay soo jiiteen dalxiisayaal tira badan oo tuulada yimaada, dhammaadka taddobaadka iyo maalmaha kalaba.

“waan ka qoomamooda geedkii gurigayga ee aan jaray, waayo  waa uu qalalay oo dhintay, ilaahayna waxaan ka baryaa in uu i cafiyo, markasta oo aan arkana oodin igu taagan weeye” ayuu yiri Cantar ooh adda ka mid ah dadka deggan tuulada.

Qoraalkaan wuxu qayb ka aha qormo lagu qoray wargayska al jazeera ee afka ingriiska. Oo aan ka soo guuriyay

Waxaana ka soo qoray tuulada Qaamqaam

Iidle Aadan

 

 

Leave a Reply