NSS- BASAASKII DHIIF Q-2

 

Maalin maalmaha ka mid ah markii uu shaqdii ka soo baxay oo uu soo mayrtay ayuu u soo dagay fadhiga hoose ee hotelka si ugu sugo inta uu ka casheeyo ka dibna qolkiisa u hurdo tago, waxayna goobtii isku barteen nin eratariyaan ah, Dhiif afkiisa carabigu ma liidan balse wuxuu kaga fiicna afka ingriisiga waayo tan iyo dugsigiisii dhexe wuxuu ku soo qaatay afka ingriisiga inta uusan wax barashada ka tagin.

Asaga iyo ninkii eratariyaanka ahaa ee la oran jiray Aman waxaa si dhaqsa ah ku dhex maray saxiibtinimo, Dhiif na wuxuu u sheegay in uu ahaan jiray ciidamada soomaaliya oo uu ka ruqsaystay, maalin maalmaha ka mid ah ayaa Aman ku yiri Dhiif ka waran shaqada aad ka shaqayso, wuxuuna u sheegay in ay shaqo adag tahay, markaas ayaa Aman ku yiri:

‘‘Ka waran haddaan anigu shaqo kaa siiyo shirkada aan ka sheeqo”

Dhiifna asaga oo diidmo iyo yeelid midna muujin ayuu yiri:

‘‘Ma ka dhaqaale roontahay taan hadda u shaqeeyo”?

‘‘Taas ma aqaan oo intaad qaadadto ma ogi, balse waan hubaa in ay ka dhaqaale badan tahay, kana shaqo fududahay”

‘‘Haddii ay ka mushaar badan tahay waan ku jiraa”

Aman isla xilligaas ayuuba hubsaday in uu gacanta ku dhigay kii uu raadinayay, dadka kan u dhuuniga jecel ayaa sharaftiisa u hor iibsan og, Aman na wuu arkayn in Dhiif wax aan dhuuni ahayn uusan u noolayan oo mabda’ iyo wax kaleba uusan lahayn, Aman shirkad talyaaniya ayuu kormeere ka ahaa, afka talyaaniga iyo carabiga iyo ingriiskana si fiican ayuu u yaqaanay, nin jaamicad soo dhameeyayna waa uu ahaa, sidaa ayuu Dhiif shaqadii ku keeyay oo ka dhigay hor jooge shaqaale.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Aman si bareer ah ugu yiri:

‘‘Nin aan is naqaan oo u shaqeeya sirdoonka itoobiya ayaa mar aan faxas ku tagay itoobiya ii sheegay in uu u baahanyahay, soomaali u shaqaysa oo dhaqaale fiicana uu siiyo”

Aman wuxuu ugu dhiiraday in uu fool ka fool ugu sheego waxay ahay saga oo ogaaday in Dhiif diin lacag yahay oo dalkiisa iyo labadii dhashayba uu lacag dhaafsiisanayo, Dhiif asaga oo ujeedkii garaty ayuu hadana is khaafiyay oo yiri:

‘‘Shaqada loo qabanayo waa maxay”?

‘‘Nin ciidan soo ahaan jiray ayaa tahay, howlahaasna waad iiga aqoon roontahay ayaa filayaa, ee waxay tahayba wax dhib badan maahan, meelo fiir fiiris iyo war aad gudbiso dhib kuguma aha ayaan filayaa?”

‘‘Wax dhib ah ma jiraan mar haddii lacag fiican ay meesha taal, balse goormee bilaabayaa”?”

weydiintaas waxay Dhiif ka xayuubisay wixii uu karaamo iyo dadnimo lahaa, waxayna ku riday bohosha baasaasiinta dalalkooda iyo diintoodaba  dhaafsaday shilimaad yar.

Ujeedka Itoobiya ay Aman ugu soo dirtay ciraaq wuxuu ahaa in uu soo tif tifo jabhada iyo ardayda  iyo dadka kale ee badan ee eritariyaanka ah ee dagan ciraaq, in uu soo sheego kii dowlada ka soo horjeeda iyo kii kale, In uu gudbiyo wax alla wixii war bixin ah ee uu ka soo aruurin karo xafiiska jabhada iyo dadka ba, balse markii uu la kulmay Dhiif oo uu arrintiisa si fiican u fiirshay wuxuu is tusay in kan uu magac ku heli karo iyo darajaba haduu soo xera galiyo, mar hore ayuuna la xariiray sirdoonka itoobiyaanka oo uu u sheegay arrinta Dhiif, ayaguna ku dhaqaaq ayay ugu soo war celiyeen.

Balse waxaa ka hoos baxsanayd Dhiif in indhaha nabag sugidda soomaaliyeed iyo kuwa dadka wanaagsan ee dal jirada ah ay meel kasta joogaan,  waxa uusan ogayn waxay ahay in wadaygiis Ereg ee dalka ku soo dhaweeyey uu mar hore tuhun galay, siiba habeen uu Dhiif war maldahan uu kula hadlay asaga oo saqraansan, isla aroortii ku xigtayna Ereg ma shaqa tagin ee wuxuu aaday rugta dan jiraha soomaaliya ee baqdaad,

 

halkaas oo uu ugu sheegay xilhayayaashii dan jiraha in uu tuhun weyn ka qabo Dhiif, oo waliba uu basaas yahay, wuxuu kaloo u sheegay xariirka adag ee ka dhaxeeya Dhiif iyo eratariyaanka Aman, xil hayihiina wuxuu u sheegay Ereg in uusan wax is badal ah ku samayn la dhaqankiisa Dhiif oo arrintu caadi u socoto, markaan wixii ka danbeeyana howsha waxaa la wareegaya dadkii shaqada ku lahaa, dhagar qabahaasna gacanta ayaa lagu soo dhigayaa ayada oo waliba cadayn lagu hayo, waana uu u mahad celiyay dan jirihii Ereg kuna booriyay howsha wanaagsan ee uu qabtay in uu sii wado, Ereg na wuxuu yiri:

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply