laakiin Mossad waxay taqaanaysi dhow waa ula socotay dhaqdhaqaaqiisa. Suleymaan oo todoba iyo afartan jir ah waxa uu injineernimada ka bartay jaamacadda Dimishiq, halkaas oo uu kula kulmay oo uu saaxiib la noqday arday kale oo lagu magacaabo ka dib markii curadkii Bashar Al-Asad oo ah wiilka uu ugu jecel yahay iyo dhaxal sugaha madaxweyne Xafiz Al-asad. Ka dib  Markii curadkiisii Bassel lagu dilay shil baabuur 1994-tii,
Asad waxa uu u dhintay kansarka sanadii 2000, Bashaarna waxa uu u bedelay aabihiis, ka dibna waxa uu u magacaabay Suleymaan oo uu ku kalsoonaa gacan yarihiisa iyo la taliyihiisa. Suleymaan waxa uu noqday mid ka mid ah ragga ugu awoodda badan Suuriya. Madaxweyne Assad wuxuu ka dhigay mid kormeera dhammaan arrimaha xasaasiga ah ee militariga. Wuxuu noqday xiriiriyaha sare ee madaxweynaha iyo sirdoonka Iran, gaar ahaan arrimaha la xiriira iskaashiga qarsoodiga ah ee ururada argagixisada ee Bariga Dhexe.
Waxa kale oo uu ahaa xidhiidhiyihii ugu horeeyey ee Suuriya ee Hezbollah waxana uu xidhiidh dhaw la lahaa madaxa ciidamada ururkaas cimad Mugniy . Ka dib markii Israa’iil ay ka baxday aagga ammaanka ee Koonfurta Lubnaan, bishii Maajo 2000, Suleymaan waxa uu la wareegay masuuliya ku wareejinta hubka iiran ururka xisbullah, gaar ahaan gantaallada riddada dheer. Intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Lubnaan ee 2006, mid ka mid ah gantaalladaas ayaa si toos ah ugu dhacay goobihii tareennada ee Israa’iil ee Haifa, halkaas oo uu ku dilay siddeed shaqaale. Ka dib, Suleymaan wuxuu xisbullaahi siin jiray gantaalaha dhulka iyo cirka ee suuriya lagu sameeyo, kuwaas oo buur gudban ku noqday dhaqdhaqaaqii israa’iil ay ka waday libnaan.
Suleymaanna waxa uu hayay xilal kale oo gaar ah oo sir ah: waxa uu ahaa xubin sare oo ka tirsan Guddida Cilmi-baadhista Suuriya oo ka shaqaynaysay horumarinta gantaallada riddada dheer, kiimikada iyo hubka bayoolojiga ah, iyo cilmi-baadhista nukliyeerka. Waxa uu masuul ka haa xidhiidhka Kuuriyada Waqooyi iyo suuriya, isku dubaridka shixnadaha qaybaha reactor-ka ee Suuriya, waxana uu agaasimayay tillaabooyinka amniga ee farsamayaqaannada Kuuriyada Waqooyi iyo injineerada ka shaqaynaya dhismaha reactor-ka lagu sugayo.
Burburintii Israa’iil ee reactor-kii waxay dhirbaaxo culus ku ahayd Sulaymaan. Markii uu ka soo kabsaday naxdintii hore, waxa uu bilaabay in uu qorsheeyo reactor kale, kaas oo aan weli la go’aamin halka uu ku suganan doono. Saleebaan noloshiisii way ka sii adkaatay. Hadda wuu ogaa in ay doondoonayeen labada sirdoon ee Maraykanka iyo Israa’iil.
Sidaa darteed, ka hor inta uusan u dhaqaaqin qorshaha marxaladda xigta, waxa uu u qaatay fasax maalmo ah gurigiisa oo ku yaala Rimal El-Zahabiya. In uu toddobaad xasilloon oo ay weheliyaan saaxiibo wanaagsan iyo cunto heersare ah, ayaa u muuqatay habka ugu wanaagsan ee lagu dhimi karo walaaciisa.
Suleymaan asga oo fadhiya miiskiisii weynaa ayuu ka daawanaya hirarka badda ku soo qulqulaya. Balse waxa uu ku guul daraystay in uu dareemo laba humaag oo aan dhaqaaq lahayn oo jilba jabsan biyaha, meel asga 150 yaardi u jirta. Waxay ka soo dabaasheen badda, halkaas oo doon ay kaga soo dageen, una soo dabaasheen guriga Suleymaan.
Kumaandooska ciidamada badda ee Israa’iil iyo kuwa shiishku, waxay wateen qalabka neefsashada, waxayna ku socdeen biyaha hoostooda xeebta ka soo horjeedka guriga. Inta biyah salkooda istaageen ayay oo ka soo dhex saareen gurigii Suleymaan kuwa kale. Waxa ay darseen guriga iyo barandada, waxa ay eegeen dhammaan dadkii miiska fadhiyay, waxa ay diiradda saareen bartilmaameedkoodii oo dhex fadhiya martidiisa.
Sagaalkii fiidnimo, nimankii shiishka ayaa indhahooda saaray xoqotadii oo cabbirka hagaajistay. Baradada dad badan ayaa joogay, labadii marti ee aan la casuumin ee ku labisanaa dharka quusitaanka ee madow, waxay rabeen inay hubiyaan inay rasaas ku ridi karaan sulaymaan, Â guud ahaan iyagoo aan cid kale waxba yeelin. Biyihii ayay ka soo baxeen oo dhawr tillaabo qaadeen, dabadeedna hubkoodii oo ay ku rakiban yihiin dhuumaha amuusnaata ayay madaxa Suleymaan la beegsadeen oo isku mar ku rideen.
. madaxa ayay kala haleeleen, Suleymaana dib inta u liicay ayuu hore ugu soo dhacay miiskii cuntadu ka buuxay. Martidu markii hore may fahmin waxa dhacay. Keliya markii ay dareemeen dhiiga ka soo qul qulaya madaxa Saleebaan ayay ogaadeen in la toogtay.
Buuq iyo isku dhex yaac ayaa meeshii ka dilaacay, dadkii qaar waxay u soo gurmadeen ninkii la dilay, qaar dhulka ayay jilba jabsadeen, qaar iska daba wareeg ayay galeen, bulaan iyo qaylo badana waa ay ka socotay goobta, labadii dilaana biyihii ayay dib ugu laabteen.
Dhammaad
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka akhriso.com
Leave a Reply