MOSSAD-MASHRUUCII DA YRAZOOR-Q-3AAD

 

 

 

Sida wararku sheegyaan ameerika waxay go’aansatay in aysa weerer ku qaadin suuriya, wasiiradii arimaha dibada ee maraykanka Condoleezza Rice iyo wasiirkii gaashaan dhigga Robert Gates, waxay isku dayeen in ay israa’iil ka dhaadhacsiiyaan in aysan weerar qaadi alse si kale uga hortagaan, Bush iyo iyo la talihiisii dhinaca ammaanka Steve Hadley, waxay muujiyeen in ay la jiraan howl gal ciidan oo lagu qaado nukliyeerka suuriya, balse waxa doonayeen in la sugo inta war badan oo lagu duulaan tagi karo laga helayo.

 

Bishii juulaay 2007dii dayax gacmeed israa’iil ayaa meesha dhaka tagay oo ka soo qaaday sawiro, sawiradii markii ay baareen oo u kuur galeen khubaro israa’iil iyo maraykan ah, waxaa ka muuqday waxay ahayd oo la arakay, in dhimaha goobta nukliyeerka suuriya uu u egyahay oo maanto la yahay kan waqooyiga kuuriya, muqaal ay israa’iil la wadaagtay maraykankana wuxuu muujiyaya in labada udub dhexdaad ee nukliyeerka labadaas dal ay isku mid yihiin, muuqaalo kalana waxay muujinayee injineero kuuriyaan ah oo goobta ka dhex shaqaynayay, is gaarsiimo ay is dhaafasnayeen dimishiq iyo Pyongyang oo dhex loo galay ayaa ka mid ahaa wixii israa’iil u bandhigtay maraykanka.

 

Balse waxaas oo cadayn ah, hadana maraykanku wuxuu doonayay wax cad oo aan muran gali karin in lakeeno, oo ay kamid yihiin in walxo radioactive ah goobta yaalaan, goobtana uu yaalo nukliyeer reactor.

 

Jid kale oo furnaana ma jirin israa’iil in ay cadaymo dheeriya keento maahine, waxaana keenay warbixintaas markii danbe ciidanka kumaandooska Sayeret Matkal oo galay howl gal naftooda halis galinayay, habeennimo ayay laba helikobtat ugu duuleen suuriya, waxayna iska ilaalinayeen goobaha dasdka badan, raadaarada, xeryaha ciidamada, waxayna xidhnaayeen dharka ciidanka suuriya, ugu danbayn waxay ku dageen meel u dhow dayr alzoor, ka dibna tagay goobtii reactor ka kana soo qaaday ciid, ciidii markii lagu baaray israa’iil, waxaa soo baxday in shucaac nukliyeer aad u sareeya sido, taansa ay hadayn aan shaki ku jirin u tahay in goobta nukliyeer lagu farsamaynayo.

 

Steve Hadley ayaa la horgeeyay cidii, oo asna rag xeeldheerayaal ah soo baara yri, waxayna soo sheegeen in ciidaan ay ku jirto shucaac aad u sareeya, markii uu gacan yarayaashiisa la tashaday arrin axay ku dhamaatay in warbixintii loo gudbiyo Bush. Markas ka dibna uu shir la yeesho dagan, gaba gabadiina uu sheegay in reactor ka suuriya uu yahay halis dhab ah, maraykankuna oo ogolaaday in la ciribtiro reactorka suuriya, howl galka lagu qaadayo dayra al zoor. Waxaa loo bixiyay “The Orchard.”

 

bush wuxuu mar danbe qoray in uu markii hore la jiray burburinta, balse maerkii uu la tashtay la taliyaashiisa ayuu ka horyimd qorshahaas, oo wuxuu dareemay in la duqeeyo dal madax banaan oo cadayn aan loo hayn, oo aan marka hore loo digin, in ay ciri xumo keeni karto, sidoo kale wuxuu ka hor yimid in ciidan maraykan ah galaan.

Si kastaba waxaa khadka telefoonka ka soo wacay bush, olmelt, madaxa israa’iil, oo ka codsaday in la burburiyo reactor ka, intii telefoonka ku hadalkiisu socdayna waxaa goob joog ahaa, oo xafiiska oval la joogay oo ku hareeraysnaa bush, gacan yarayaashiisa ugu dhow, wisiirada arrimaha dibadaa Condoleezza Rice, madaxweyne ku xigeenka Dick Cheney, Steve Hadley iyo ku xigenkiisa Elliott Abrams, iyo qaar kale.

 

Wada hadaladii hore rice wxay ku qancisay ama ka dhaadhacsiisay dhamaantood in la diido codsiga israa’iil,

“goerge, waxaan kaa codsanaya in aad burbursid goobta” ayaa olmert yiri

“dal madax baan inaan weeraro wax igu qanciya maleh, hadii aan sirdoonkaygu aysan cadayn in meeshu tahay goob hub halisa lagu samaynayo” bush yiri

Wuxuuna tala ahaan u soo jeediyay in bidlomaasiyinimo lagu xaliyo

“xeeladaadad wadid aad ayay ii dhibaysaa, wax kasta oo aan ku ilaalin karo israa’iil waan samaynayaa” ayuu olmert ugu jawaabay

Mar danbe bush wuxuu yiri

“ninkaas waa geesi waana waxaan ku jeclaaday”

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka akhriso.com

 

 

 

Leave a Reply