MOSSAD-MASHRUUCII DA YRAZOOR-Q-4AAD

 

 

Sida wargaysak london times sheegtay, olmert, iyo madaxda difaaca iyo sirdoonka ayaa shir gaara yeeshay, ugu danbayna waxay go;aan ku gaareen in la bur buriyo reactor ka suuriya, olmert wuxuu go’aanka la socodsiiyay netanyahu oo ahaa xisbiga mucaaradka oo asna soo dhaweeyay bur burintaas.

 

Maalinta duulaanka la qaadayo waxaa loo calamadeeyay, 5ta sebtember  2007, maalintii weerarka ka horeaysa Shaldag (Kingfisher), oo ahay kood kumaandoos ah ayaa gaaray dayr al zoor oo maalin dhan ku ganbana meel u dhow rector ka, howshoodduna waxay ahayd in ay habeenkii ilayska laysarka ku beegaa ama ku ifiyaan reactorka si diyaaradaha duqayntu u beegsadaan bar tilmaameedkooda.

 

Shan saac habeenimo 5tii sebtember ayaa waxaa ka soo kacay garoonka ciidamada ee Ramat David 10 diyaaradood oo f-15 ah, waxayna soo abaareen dhinaca galabeed, 30 daqiiqo ka dib, saddex diyaaradihii ka mid ahaa waxaa la amaray in ay dib u soo laabtaan, halka toddobadii kale loo sheegay in ay u duuulaan dhinaca soohdinta turkiga iyo suuriya, ka dibna u lexdaan koofur iyo dayra alzoor, intii ay sii socdee waxa duqeeyeen raadar si ay u cuuryaamiyaan awooda difaaca cirka ee suuriya si aysan u aqoonsan ama u arag diyaaradaha soo galootiga ah,

 

Daqiiqado ka dibna waxay gaareen dayra alzoor, waxayna ku rideen reactorkii gantaalo nooca cir-dhul ah oo ah nooca maverick, wxay kale oo ku rideen nus tan bomb ah, dhamaana waa ay la haleeleen bartil maameedkii.

 

Ra’iisul wasare olmert oo aan doonayan kana war warsanaa in isku hor imaad ciidan ka dhex dhaco labada dal, ayaa durbadiiba wacay erdogan ra’iisul wasarihii xilagaas ee turki, wuxuuna ka codsaday in uu fariin ka gaarsiiyo madaxaweyna suuriya, madaxweyne assad, una sheego in israa’iil aysan doonayan in ay dagaal la gasho suuriya, wuxuu u sheegay erdogan in israa’iila aaysan aqbalayn in suuriya oo kadinkeeda ah ay yeelato nukliyeer.

.

 

Dadaalkii xiisad qaboojinta olmart waxay noqotay waxaan jirin oo aroortii xigtay wax wara oo ka soo baxay dowlada suuriya ma jirin, arrintii dhacday cid kama aysan hadlin, balse sagaal saac galbnimo ayaa wakaalada wararka suuriya sheegtay in diyaarado dagaal ee israa’iil ay dalka soo galeen, ayna xabado ku rideen dhul saxara ah, wax dhiba oo soogaaray noole iyo qalabna aysan jirin.

 

Warbaahinta addunku waxay ku mashquulsanayd sidee israa’iil uga heshay ama uga soo qaaday sawiro iyo muuqaalo gudaha reactorka suuriya, war baahinta ABC waay tiri, ama ruufiyaan ayaa ugu jiray la shaqeeya ayaga ka shaqaynaya meesha ama injineeradii goobta mid ka mid ah ayay laaluusheen.

 

Bishii apriil 2008dii toddoba bil ka di duqayntii ayaa dowlada maraykanku sheegtay, in goobtii la burburiyay ay ahayd dhimsme nukliyeer oo kuuriya ay u dhisaysay suuriya, mana ahayn nukliyeerkaas nooca nabada, ee uu aha mid dagaal loogu tala galay.

 

Falkaas ay gaystay israa’iil laba toddobaad ayay awooday in ay qariso, oo ay inkiraysay, balse waxaa waraysi qumaati loogu warsanayay uu ku cadeeyay bejamin netanyahu in uu la socday taageeray weerarakaas,

 

Qaybtii u dambay  ee mashruuca Nukliyeerka Suuriya waxay dhacday kow iyo toban bilood ka dib, Ogosto 2, 2008. Habeenkaas, xaflad ayaa ka dhacaysay guriga ku yaal xeebta Rimal H-Zahabiya, waqooyiga dekedda Suuriya. ee Tartus. Gurigau wuxuu u dhowaa xeebta, badda cad wuxuu ku sii jeeeday, hirarka mugdiga ah, Neecow badeed oo jilicsan ayaa qaboow u keenaysay martidii meesha isugu timid oo ma aysan dareemayn,  kulaylkii xagaaga ee socday. Martidu, waxay fadhiyeen miis aan ka dheerayn halkaas waxay saaxiibo dhow la ahaayeen milkiilaha guriga. General Muxamed Suleymaan, oo ku casuumay aqalkiisa si ay fasax nasasho leh ugu qaataan.

 

Suleymaan waxa uu ahaa la taliyaha ugu dhow ee madaxweyne Asad ee arrimaha ciidamada iyo difaaca. Waxa uu kormeeri jiray dhismaha reactor-ka oo uu u xilsaarnaa dhinaca ammaanka , wuxuu lahaa awood sare wuxuna aad ugu dhawaa madaweyne assad, Xafiiskiisu waxa uu ku yaalay qasriga madaxtooyada wuxuuna ku dhaganaa kan madaxweynaha, waxaana yaqaanay dad yar kaliya dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Magaciisa waligiis laguma xusin lagamana sheegin warbaahinta Suuriya,

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka akhriso.com

Leave a Reply