qalad u fahankaas cid daba gashay ama u fiitsatay ma jirin in kasta oo caddeymihii ay muuqdeen, 2005 markabka Andorra oo shamiita ka soo qaaday waqooyiga Kuuriya ayaa ku dagay meel u dhow magaalada xeebta ah Nahariya ee Israa’iil, 2006 markab kale oo kuuriyaan ah oo ku socday calanka Panama oo sida shamiito iyo raadaro ayaa lagu qabtay Qubrus, labada goorba sida muuqatay shaliimtadu waxay ku socotay dhimaha niyukleyrka, dhamaadkii 2006 khubaro niyukleyr oo iiraan ah ayaa yimid si ay u eegaan dhimaha mashruuca.
Sirdoonak israa’iil iyo maraykankuba waa la ogaadeen booqashadaas balse waxay ku guul darayteen in ay ogaadaan in ay xariir la lahayd booqashadu mashruuca Dayra zoor.
qalad u fahankaas cid daba gashay ama u fiitsatay ma jirin in kasta oo caddeymihii ay muuqdeen, 2005 markabka Andorra oo shamiita ka soo qaaday waqooyiga Kuuriya ayaa ku dagay meel u dhow magaalada xeebta ah Nahariya ee Israa’iil, 2006 markab kale oo kuuriyaan ah oo ku socday calanka Panama oo sida shamiito iyo raadaro ayaa lagu qabtay Qubrus, labada goorba sida muuqatay shaliimtadu waxay ku socotay dhimaha niyukleyrka, dhamaadkii 2006 khubaro niyukleyr oo iiraan ah ayaa yimid si ay u eegaan dhimaha mashruuca.
Sirdoonak israa’iil iyo maraykankuba waa la ogaadeen booqashadaas balse waxay ku guul darayteen in ay ogaadaan in ay xariir la lahayd booqashadu mashruuca Dayra zoor.
Suuriyaanku aad iyo aad ayay uga taxadareen qarinta mashruuca, xayiraad is gaarsiin ayay ku soo rogeen dhamaan intii ka shaqaynaysay goobta, mobile cayn kasta uu yahay waa la mamnuucay, isgaarsiinta oo dhan dad ayaa gacanta ku qaadi jiray kuna keeni jiray, dhaqdhqaaqa goobta waqalka sare lagama aqoonsan Karin, in kasta dayax gacmeedyada maraykanka iyo israa’iil ay dul marin jireen,
Ka dib si lama filaan ah janeraal iiraaniya, reza askari, oo ahaa ku xigeenkii hore ee wasiirka gaashaan dhiga, kana mid ahaa hoggaamiyaashii kacaanka islaamiga ee iiraan, wuxuu ku sugnaa garoonka dimishiq, halkaas oo uu ka yimid iiraan, ka dib markii uu helay warbixin ah In qoyskiisii ay ka baxeen iiraan, ayuu duullimaad u qaatay istanbuul turkey, oo miriqdiisii la waayay, bil ka dibna waxaa la ogaaday in uu u baxsaday reer galbeedka, qorshe wuxuu ahaa ay cia da iyo mossad ka shaqeeyeen.
Waxaa lagu waraystay saldhigii ciidamada maraykanku ku lahaayeen jarmalka, halkaa oo uu kashifay, jirtiaanka mashruuc nukliyer ee suuriya iyo iiraan, iyo heshiis ka dhaxeeya suuriya, iiraan, iyo kuuriyada waqooyi, wuxuu sheegay in iiraan aysan dhaqaalaha bixiyaal mashruuca kaliya aysan hayn, ee ay cadaadis weyn ku haysay dowlada suuriya si mashruuca loo dhamaystiro.
Wuxuu ka haqab tiray CIA diii iyo MOSSAD wax kasta oo ku saabasanaa mashruuca, halka uu marayo,saraakiisha homdka u ah mashruucaa ee suuriyiinta iyo iiraaniyiinta, war bixintii waa ka gariirisay mossad, durbadiina waxay bilaabeen diyaari howl gal wax loga qabanayo mashruuca dayra zoor, 2002 dii madaxa mossadna guddi ayuu u saaray soo hubiya run ahaanta warka sarkaalaka iiraaniga ah, reza al askari.
Ra’iisul wasaare yuhud Olmert wuxuu durbadiiba la shiray abaanduulaha ciidamada, wisiirka gaashaan dhiga, waxayna isku raaceen in arrintaan si dhasa ah wax looga qabto, waayo israa’iil marna ogolaan mayso in nacabkeeda koowaad uu noqodo mid leh awood nukliyeer.
Shan bil ka dib askari markii uu warbixinta keenay, ayay mossad heshay fursadii u wanaagsnayd ee wax ku kala cadaadeen, waa laptpkii masuulka suuriga ah, madaxa mossadna wuxuu helay cadayn aan tuhun ku jirin oo uu hor dhigay ra’iisul wasaaraha, markaas ka din mossad waxay ku guulaysatay in ay tababaraan oo basaas u noqdo mid ka mid ah saynisyahna ka shaqeeya goobta dayr al zoor, wuxuu sawiro ka soo qaaday gudaha iyo dibada goobta ri actarka, qalabka yaal,,dhismaha goobta, darbiyada iwm, xataa muuqaal ayuu ka soo duubay goobta oo dhan, wuxuuna ahaayeen muuqaaladaas kuwii ugu horeeyay ee mossad ka hesho goobta.
Waxaa kale oo jiray sawiro sar kale oo tii hore ka yar oo ay ku rakibnaayeen bambooyinka shidaalka waxaaana ka muuqday gawaari xamuul oo ag yaalay, dhimaha saddexaad ee sawirada ka muuqday wuxuu ahaa mid dheer oo u eg in uu biyaha siiyo ri actarka
Mossad warbixinadii oo dhan waxay la wadaagtay maraykanka, oo ay u dirtay nuquladii sawirada, warbixinada, iyo cod laga duubay suuriya iyo kuuriya oo wada xariiraya, cadaadi xooga oo israa’iil saaratay maraykanaka, dowlada maraykanku waxay dulgaysay goobtii dayax gacmeedyadeeda, humaagyadii ay soo gudbeyeen iyo daba galka qaabka elecrotooniga ah ee lagu sameeyay telefoonada, intuba waxay cadeeyeen in suuriya ay howsha nukliyeerka ay si xawaare ah u dardar galinayso.
Bishii juun 2007 ra’iisurl wasaraaha israa’iil wuxuu u duulay washngton asaga u uku raran waxa kasta oo cadayma ah oo ay ka hayeen mashruuca dayra zoor, kulankii uu bush la yeeshaayna wuxuu u sheegay in israa’iil ay go’aansatay in la burburiyo dhimaha nukliyeerka ee suuriya, wuxuuna u sheegay in maraykanku ay duqayn cirka ah ku burburiyaan, balse madaxweyne bush waa uu ka diiday
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka akhriso.com
Leave a Reply