MOSSAD-MASHRUUCII DA YRAZOOR-Q-1AAD

 

Fiidnmo bilicsan ee bishii juulaay 2007, sarkaal sare oo ka socda dowlada Suuriya oo Dimishiqka yimid galabnimadaas, ayaa ka soo baxay qolkii uu ka dagganaa hotel Kensington ee London, wiishka ayuu hoos u soo qaatay ooillinkii hore ee hotelka ka baxay, waxa uuna raacay fatuurad sugaysay si uu u aado kulan dhacayay, durbadii uu ka baxay irdaha wareega ee hotelka, laba nin ayaa ka kacaday kuraas geeska u xigtay qaybta soo dhaweynta, halka ay doonayeen in ay aadeen si huban ayay u ogaayeen, markii ay gaareen qolkii uu daganaa sarkaalkaa Suuriga ah, qalaba elektoroon ah ayay illinkii ku fureen oo gudaha u galeen, in ay qolka baaraan uma baahnayn waayo markaan howsha ay u socdeen waa ay fududeyd, laptop miiska saaan ayay ahayd howshay u socdeen, waana shideen waxay ku shubeen latopkii caabuqa Trojan horse nooc aad u halisa, caabuqaas ayy ku shben wuxuu u oggolaanyaa in ay arkaan oo nuqul ka sameytaan dhamaan galalaka ku jira maskaxda laptopka, shaqadii waa dhamaysteen labadii nin na ayaga oo aan cidi dareemin ayay hotelkii ka baxeen.

Xeeldhrrayaashii Mossad ee Tel aviv markii galalkii laptop ka laga soo guuriyay ay baareen wax ka yaabiya ayaa uga soo baxay, shir deg deg ah ayaa la iskugu yeeray madaxdii qaybaha Mossad, waxaana loo faah faahiyay war bixinnada aan lacagi goyn Karin ee gacantooda soo galay,
Hummagyo, dokomentiyo, warbixino markii u horreysa caddaynaya mashruuca nukliyeerka ee Suuriya,

War bixinadaan la helay aad ayay muhiim u ahaayeen, waxaana ka mid ahaa shaxda dhismaha hoosada ri’akrarka nukliyeerka oo meel saxara oo go’doon ah ku taala, wada xariirka ka dhaxeeya dowlada Suuriya iyo madax saree e waqooyiga Kuuriya, humaagyada waxaa ka muuqday ri’aktarka nukliyeerka oo dhisme shub ah ku dhex jira, humaag kale waxaa ka muuqday laba nin o midkood la ogaaday in uu yahay sarkaal mashruuca atoomiga ee Kuuriya, kan kale wuxuu ahaa, Ibraahim Cusmaan, madaxa tamarta atoomikada ee suuriya, helitaankaan wuxuu caddeyn u noqda in warar soo gaarayay sirdoonka Israa’iil 2006 iyo 2007 ay run yahaayeen,

warbixinnadaas oo sheegayay in Suuriya ay wado qorshe sir aad u ah oo ay nukliyeer ri’aktor uga dhisayso saxaraha magaalada Dayra Zoor ee waqooyiga fog ee dalka, goobtaas go’doonka ah dhowdahay saahdinta Turkiga, boqol kilo mitirna u jirta soohdinta Ciraaq, kadiskuna wuxuu ihaa in hoosadaan waxaa qorsheeyay iyo kormeerayay waqooyiga Kuuriya, waxaana dhaqaalaha bixinayay iiraan. Iskaashiga Suuriya iyo waqooyiga Kuuriya wuxuu bilowday 1990, markii madaxweynaha Kuuriya Kim Il Sung uu booqashada ku yimid Suuriya, xilligii Xaafid al Asad.

Labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis dhinaca ciidanka iyo teknoolajiyadda, inkasta oo nukliyeerku uu ku jiray heshiisyadii ay kala saxiixdeen, haddana Asad ma uusan siinaynin ahmiyada koowaad xilligaas, aad wuxuu u door bidayay horumarinta hubka suntan ah iyo bayoolojiga, waana uu qariyay qorshahiisa ah in uu ruushka ka soo iibsado ri’actarro nukliyeer.

Bishii Febaraayo, 1991, markii uu socday howl galkii Desert Storm, ayaa qaybtii u horreysay ee gantaalaha iskaad oo ka yimid waqooyiga Kuuriya soo gaareen Suuriya, warbixinta in gantaalahaan yimaadeen waa ay gaaratay Moshe Arens, wasiir gaashaanddiga ee Isra’iil, saraakiilna waxa soo jeediyeen in la bur buriyo gantaalha inta aysan howl galin, Arens se waa ka hor yimid ra’yigaas asaga oo diindan in iska hor imaad kale iyo dagaal uu ka dhaqo aagga bariga dhexe.

Duugtii Xaafis al Assad juun 2000, wiilkiisa oo xilka la wareegayay wuxuu la kulmay wafi kale oo ka socday waqooyiga Kuuriya, labada dalna waxay si qarsoodiya uga wada hadleen dhimaha hooso nukliyeer oo ay hor ka muumusho hay’adda saynis baarida ee suuriya.

Juulaay 2002 dii shir kale oo qarsodiya ayaa ka dhacay Dimishiq, waxaana ka qayb galay saraakiil sar saree e ka socotay, Suuriya, w.Kuuriya iyo Iiraan, waxaana shirkaas saddex geesoodka ah waxaa lagu garaay hashiis ah, in waqooyiga Kuuriya ay dhisto nukliyeerka suuriya, iiraan ay dhaqaalaha bixiso, gabi ahaa kharashka uu ku kacayana waxay ahayd laba bilyan oo dollar,

shanti gu’ ee kuxigtay Maraykana iyo Mossad ma dareensanayn waxa socday, waxaa jireen war bixinno mar mar soo duulayay oo la maqlayay balse lama sii daba galin. Waana ku guul darraysatay CIA du in ay dhuuxaan maCnahii ku jiray fariimahaas, Mossad iyo Urdun waxaan marin haybaabiyay yasida Suuriya ay yasayeen, oo ay is lahaayeen Suuriya ma leh awood ay ku samaysato nukliyeer, iyo rabitaan toon.

La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

Leave a Reply