Kolkii dilayaashii oo dhami ay ka baxeen koofur Amerika, Mossad waxay la xariirtay wargays jarmal ah una sheegay kuwa aan la ilaawi doonin ee Montevideo ku dilay danbiile Naazi ah,
Wariyihii warka loo sheegay ciyaar ayuu u qaatay maadaama aan wax dhacay aan la maqal oo arintaas ku saabsan, dhinac ayuu iska dhigay warkaas, mossad waxay diyaarisay war intii hore ka faah faahsan oo ka culus, waxayna u direen wakaaldo waarar oo kala gadisan iyo wariye wargays u shaqeeya oo jooga Montevideo, asna booliiska ayuu u sheegay.
8 dii maarso, in kabadan markii ay ka soo wareegat dilkii Kukurs, ayaa booliisku tagay aqalkii casa cubertini, kana heleen maydkiisii, aroortii ku xigatay warbaahintii caalamka ayaa baahisay, war bixinda warbaahinta waxaa ka mid ahaa in raga lagu tuhunsan yahay dilka ay yihiin Anton Kunzle iyo Oswald Tusiing, dhowr maalmood ka dibna toddobaadlaha ka soo baxa Rio de jinero ayaa daabacay sawirkii Anton Kuzle, sawirkaas wuxuu ka mid ahaa kuwii uu ka qaaday Kukurs, wargayskuna wuxuu ugu yeeray, Awstariyaankii dhoolla cadaynayay, sawirkii asna la saaray wargays ka soo baxa israa’iil, dad jaalalayaashiis ah ayaa durbadiiba aqoonsaday Anton Kunzle.
Dhawr maamlood ka dib waraaq ayaa gaartay gurigii Kukurs, ahaydna raad tirasho uu samaynayay Kunzle, wuxuuna waraaqda ku yiri:
[ilaahay mahadii nabaad Ayaan ku gaaray Jili, waan hubaa adna in aad mar dhow dalkaagii ku laabanaysid, dhinaca kale waxaan ii soo baxday oo aan ogaaday in laba qof daba gal nagu haayeen, nin iyo naag, waa in aan is ilaalinaa oo gaar iska haynaa, wax badan baan kuu sheegay, dhib ayaad kala kulmaysaa magacaaga dhabta ah ee aad ku socdaalaysid kuna shaqaysanaysid, halis in uu ku galiyo ayaa dhici karta, musiibo ayay nagu noqon kartaa labadeenaba, waxaan rajaynayaa in dabagalkii aan la kulanay, aad ku waana qaadatid oo aad xil isa saartid, hadii wax tuhun ku galiya aad ku aragatid hareeraha ama gudaha gurigaaga xasuusnoow taladii aan ku siiyay, carar oo ku dhex dhuumo raga von leed, [naazi u baxsaday qaahira asaga iyo jarmal kale oo carar ah]
Gu’ ama labo inta magan siin la gaarayo. Markaad waraaqdaan heshid, war celinta iigu soo dir cinkaan ku siiyay ee Santiyego, Jili,
Wadygaa
Anton k
Waraaqdii hubaal dad badan ayaa rumaystay, balse milda xaaskii Kukurs waxay ku adkaystay in Kunzle uu dilay ninkeeda, intii howl galkaa ka qayb qaadatay intii badnayd waa ay dhintee, Ze’ev Amit oo qoraagu buugu yaqiinay wuxuu ku dhintay dagaalkii Yom khubur 1973, balse howl galkii waa mira dhalay oo baarlamaanadii Jarmalka iyo Awstariya waa diideen mashruucii soohdimaynta xilliga ee danbiilayaashii Naaziyiinta. madaxii hore ee Mossad ayaa mid ka mid ah qoraashaaya u sheegay in uu la kulan siiyo qof, wax faafaahin ahna ma siin, waxay tageen aqal yar ku yaala waqooyiga tel aviv, nin kuusan oo bidaar leh ayaa illinkii ka furay, qorihiina waa uu aqoonsaday oo ku yiri,
[maalin wanaagsan, mudane Kunzle]
DHAMAAD
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/
Leave a Reply