23 kii feberaayo ayaa Kunzle kula kulmay Kukurs magaalada Montevideo, dabinkiina waa la dhigay, Kunzle wuxuu watay fatuuradii volks wagon ta ahayd, waxaana la socday Kukurs, waxay aadeen aqalkii casa cubertini, oo kooxdii dilku ay ku sugayeen, intii ay sii socdeen waxay istaageen meel dhowr ah oo ay ka eegayeen sar xafiis ahaan loogu kireeyo shirkada, ugu danbayn waxay gaareen aqalkii casa cubertini, rag ayaa ka shaqaynayay oo dayactirayay guri dariska ah, Tusssing asna wuxuu watay fatuurad volks wagon oo guriga agtiisa ayuu dhigtay, Kunzle fatuuradii ayuu damiyay, waana ka dagay oo u dhaqaaqay dhinicii guriga, Kukurs na waa soo daba galay, Kunzle markii illinka furay waxuu arkay wax u ka yaabay, oo kooxda dilku dhamaantood waxay xirnaayeen dharkii hoos gashiga oo kaliya,
Waa ay ogaayeen in aysan si fudud oo dagaal la’aan ah aysan ku qabanayn Kukurs, sidaas ayaya dharkii iskaga bixiyeen si aan dhiig uga gaarin, wax caadiya uma muuqan koox kastuumooyin xiran oo qol mugdiya ku sugaya raqdii ay sugayeen, Kunzle illinkii ayuu furay jidna u baneeyay asga dhinac isku babcaya si Kukurs uu u galo, uu galay maahine Kunzle illinkii ayuu xiray, saddex nin na waa ay ku soo booday Kukurs, Ze’ev Amit wuxuu isku dayay in uu ceego ku qabto, labadii kalana labada dhinaca ayay ka soo weerareen, Kukurs asna waa dagaalamay waana uu iska firdhiyay ragii soo weeray oo illinkii beegsaday oo gacantii illinka la raftay, wuxuu isku dayay in uu bastooladii jeebka ugu jirtay la soo baxo, wuxuuna ku qaylinayay af Jarmal asaga oo leh. [aan hadlo]
Intii dagaalku socday Yariv gacanta ayuu afka kaga qabtay Kukurs si uusan u qaylin, asna six un ayuu u qaniinay oo ku dhaweyd in Yariv hal far waayo, Yariv waa cabaaday, isla xilligaas Amit dube weyn ayuu qaatay oo madaxa kaga dhuftay Kukurs, dhig ayaana ka soo burqaday dhaawacii, Kukurs iyo raggii weerarayay dhulka ayay isku dhaceen, asaga oo weli la rafanaya in uu bastooladii jeebka kala soo baxo, Aarye ayaa qori madaxa ka saaray oo laba xabadood ku sii daayay, Kukursna dhulkuu ku fiday, dhiig ayaa qariyaya dharkiisii iyo dhulkii iyo kuwii weeraraka waday, Tussing ayaa dayrka ku oraday oo furay biyihii aqalka oo xirnaa, jaallayaashiisiina dhiigii ayay iska mayreen oo ka  xaleen dhulkii iyo darbiyadii,
Mid kamid ahaa kooxdii dilka ayaa mar danbe sheegay in u jeedkoodu uu ahaa in qabtaan Kukurs oo maxkamad la hor keeno, balse awoodii xoog Kukurs ay yaseen, taansa ay ka dhigtay qorshihii, dhiig iyo waxa aan loo baahnayan in ay dhacaan, raggii Moosad waxy keeneen sanduukhii loogu tala agalay in asaga oo nool in lagu qaado, balse hada maydkiisii ayay ku rideen, waxay dul dhigeen maydkii waraaq af English ku qoran oo oranaysa:
[anaga oo tix galinay culayska danbiga uu galay danbiile Herbet Kukurs, aragnay in uu mas’uul ka haa dhimashada soddonn kun oo rag iyo dumar iyo caruur isugu jira, tixraacayna naxariis darada hebert Kukurs muujiyay ee xasuuqa uu gaystay, waxaan ku xukunay asaga Kukurs ah dhimasho]
Dilkii waxaa la fuliyaya 23 kii feberaayo, 1965, kooxdii baaburtoodii ayay wateen oo baxeen, aqalka dariska la ahaa shaqaalihii waxay ku jireen wax dubayn iyo garaacid wax ay maqleena ma jiri, Yariv tan iyo dhimashadiisii gacantii xanuun ayay ku hayasy, si wanaagsana uma adeegsan Karin farihiisa, Kunzle iyo Tussing baabuurtii la soo kiraystay ayay celiyeen, hotelkiina waa ka guureen, kooxdii oo dhan waa ay ka duushay Montevideo ayaga oo sii maraya jidad isku dhafan oo yurub ah, ka dibna israa’iil.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/
Leave a Reply