MOSSAD-LAMA ILAAWAANKII-Q-6AAD

 

 

 

Wuxuu isku dayay in uu dhagaha u dhigo shanqarta banaanka ka yeeraysa, wuxuuse maqlay Kukurs oo kaadinaya, bahalo dibad wareega ayaa jira oo uu qoriga u qaatay. Maalinti ku xigtay ayaga oo bad qaba ayay Soa Paulo ku soo laabteen, Kunzle neef ayaa ka soo fuqday markii uu hotel kiisa galay, toddobaadkii ku xigay oo dhan Kunzle wuxuu marti qaadayay Kukurs, makhaayadO heer sare ah, goloyaal qoob ka ciyaar oo qaaliya iyo baarar khamri, wuxuu dareemay baahida Kukurs uu u qabo, wuxuuna ogaaday in muddo fog uusan dhadhamin raaxadaan lacagta ku fadhida, tallaabadiisii ku xigtay waxay ahay in uu weydiiyo Kukurs in uu ku wehliyo duulimaadyo gudaha dalka ah, kharajka baxayana sida caadigaa uu yahay kan Kunzle, goobo badan oo dalxiisa ayay booqdeen oo Kukurs cuno wanaagsan iyo degaan wanaagsan uu ku raaxaystay, ka dib Kunzle ayaa u soo jeediyay in ay u duulaan Montevideo magaala madaxda Uruguway, wuxuu ku yiri, dadka ay shirkada yihiin  ayaa doonaya in ganacsigooda kuufurta Ameerika ay saldhig u noqoto magaaladaas, wuxuuna doonayaa in uu soo fiiriyo in la helayo xafiisyo iyo agabyadii kale ee ay u baahnaayeen, xataa baasaboorka cusub ee Kukurs lacagtiisa asagaa bixiyay.

 

Kunzle wuxuu u duulay Montevideo, dhowr maalmood ka dibna waxaa ka daba atagay Kukurs, balse latfiyankaan weli tuhun kama dhamaan, wuxuu hore usoo qaatay kaamiro, markii uu gigada diyaaradaha ee Montevideo ka soo dagay wuxuu arkay Kunzle oo meesha ku dhowrayay, kaamiradii ayuuna la soo baxay wuxuu ka qaaday dhawr humaag, Kunzlena ka yaabisay, sida ninka ay shirkada noqon daanaan uu tuhun kaga jiro, in uu yahay kan shir qool u maleegaya oo dili doona, dhinaca kale Kunzle wuxuu soo kireeyay fartuurad maraykan ah oo weyn oo uu midab keeda ka helay, sidoo kalana ahayd tan kaliya ee ay hayeen shirkada baabuurta kiraysa.

 

Sidoo kale wuxuu ka sii xajiyay hotel faras magaalaha ku yaal qololkii ay dagi lahaayeen,  Mctoriya plaza hotel, dhowr maamood ayay joogeen Montevideo oo ay raadinayeen dhisma ay dagto shirkada Kunzle, waase waayeen, dalxiis yar uun bay iska galeen, Kunzle wuxuu Kukurs ku martiqaadayay makhayadaha ugu fiican iyo golayaasha tumashada, ugu danbayn waa kala tageen oo Kunzle yurub ayuu ku laabtay ka dib  markii uu u balan qaaday Kukurs in uu dhowr bilk a dib soo laaban doono oo qorshahoodii meeshii ka sii wadi doonaan.

 

Kukurs dib ayuu ugu laabtay Sao Paulo wuxuuna  sheegay in markii uu joogay Montevideo qof daba joogay, asaguna uu aad u feejiganaa si uu naftiisa u badbaadiyo, Baariis, Kunzle wuxuu la kulmay Yariv iyo jaallayaashiisii, durbadiiba waxay bilaabeen in ay diyaariyaan howl galkii, waxaa la go’aansaday in dilka Kukurs uu ka dhaco Montevideo, dhawr arrimood dartood, Baraasiil Kukurs waxaa dhowraya ciidamada booliiska, taasna dhib ayay keeni kartaa, Baraasiil bulshada Yuhuuda ayaa halis u gali garta aargoosi kaga yimaada Naaziyiinta cusub iyi Jarmalka jooga, ugu danbayn Barassil waxaa wali ka shaqeeya sharciga qisaasta, oo hadii kooda dilka la qabto oo la xukumo in la dilo ayay u badan tahay.

 

Kooxda dilku waxay ka koobnayd shan qof, oo uu hogaanimayo Yariv qudhiisu, iyo Ze’ev Amit [slutzky] oo la ilma adeer ah madaxa mossad, kuwa kalena waxay ahaayeen, Kunzle, Arye Kohen, iyo Elizer Sudit [Sharon] oo asagu sitay baasaboor Awstariyan ah, kuna watay magaca Oswald Tussing, bishii Feberaayo 1965 tii, ayaa kooxdu timid Montevideo, Oswald Tussing wuxuu soo kireeyay fatuurad volks wagon ah iyo guri, casa cubertini oo ku yaal jidka Cartagena xaafada carrasco,

Markii howl galku bilaaban laha ayaa Yariv codsaday in la keeno sanduuq weyn, oo sanduukhyadii socdaalka lagu gali jiray qarnigii 1aad oo kale, qorshuhuna wuxuu aha in Naaziga lagu rido markii howl galku dhamaado, Kunzles wuxuu Montevideo ku marti qaaday Kukurs.

 

 

 

15kii bishii Feberaayo ayaa Kukurs tagay xarunta booliiska wxuuna la kulmay sarkaal Alkido Sintro, oo ku yiri;

[ mudo dheer ayaa ku hoos jiray dhowrida iyo ilaalinta booliiska, waayo waxaana jira sabab aan naftayda ugu baqo, hada ganacsade yurub ah ayaa iga codsaday in aan kula kulmo Montevideo, maxay kula tahay? uruguway ma u socdaali karaa? sow halis uma muuqato?]

[ha aadin] ayaa sarkaalkii yiri [halkan nabad ayaad ugu nooshahay oo anagaa ku dhowrna, balse ha iloobin hadada daqiiqadaad Baraasiil ka baxdid cid ku dhowraysa oo ku ilaalinaysa ma jirto, adaa nacabkaaga banaanka isku dhigay, hadii aad nacab leedahay u malayn mayo in ay ku iloobeen]

Kukurs in yar ayuu fakaray oo labalabayn muujiyay, ugu danbayn wuxuu yiri:

[waligayba geesi ayaan ahaa, cidna ka baqi maayo, waan aqaanaa sidaan naftayda u difaaco, markasta bastoolad ayaaN sitaa, iga rumaysana, in kasta oo xilli dheer laga soo wareegay hadana weli waxaan ahay mid shish badan]

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

Leave a Reply