MOSSAD-LAMA ILAAWAANKII-Q-5AAD

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hal toddobaad ka dib taksi ayaa soo istaagay aqalka ku yaal degaanka reviyeera ee Soa paula, gurigu wuxuu ahaa mid iska wanaagsan balse darbi dheer oo silig af leh kor ku lahaa ayaa ku xayndaabnaa, illinkuna wuxuu ahaa mid weyn oo bir ah, waxaana ilaalinayay oo illinka dhiniciisa taagnaa nin dhallinyara ah iyo eey bahalnimo ka muuqato, Kunzle ayaa weydiiyay wiilkii, oo markii danbe uu ogaaday in uu yahay mid ka mid ah wiilasha Kukurs, in uu ku war galiyo duuliyaha imaatinkiisa, Kukursna si wanaagsan ayu u soo dhaweeyay, guriga ayay galeen, xaaskiisa Milda ayuu baray.

 

ka bid khaanad inta soo jiiday oo furay ayuu tusiyay  Kunzle shan iyo toban billadood oo xilligii dagaalka abaal marin loo siiyay, inta badan waxay lahaayeen sumadii naaziga, khaanad kale ayuu furay oo tusiyay hubkiisa u gaarka ah, saddex bastooladood oo culus iyo qori kuwa darandooriga u dhaca ah, Kukurs wuxuu si faan ku jiro ugu sheegay in dhamaan hubkaan uu waraaq fasaxa ay u siiyeen ciidanka sirdoonka ee baraasiil,

[si aan isku ilaaliyo waan aqaan] ayaa Kukurs yiri, Kunzle erayadaas wuxuu u arkayay handadaad shaaca looga qaadayay, hadaad isku daydid in aad wax i yeeshid ogoow waan hubaysnahay halisna waan ahay in uu ka wado ayuu ugartay hadalkii ninka.

 

si kadis ah ayaa Kukurs u yiri

[maad mar beerta ii raacdid, baadiyahaas hal habeen ku soo qaadanee]?

Kunzle waa ogolaaday, markii uu hotelkiisa u sii socdayna daas ayuu sii maray oo ka iibsaday middiyaha booda, hadii loo baahdo oo kale, dhowr maalmood ka dibna fatuurad Kunzle kiraystay ayay qaateen oo aadeen buuraleyda, socdaal yaab leh ayuu ahaa wada socodkoodu, waa kan Anton Kunzle oo midi ku hubaysan, cabsi ka qaba Kukurs, hadana barwaaqo u saadaalinaya iyo hati uu fudayd ku helo Kukurs, una wada wadkiisii.

 

Dhiniciisa waxa fadhiyay Herberts Kukurs, nin xoog leh, balse tuhun ka qaba wadaygiisa cusub,, kuna hubaysan qori, haddana  u hanqaltaagyaa barwaada loo sheegay ee hortiisa lalamanaysa, Kunzle waxuu is yiri, malaha asagaa ayaaba raq noqon doona, oo Kukurs ma uusan rumaysan in uu yahay qofkuu sheeganayo, malaha buuraha wuxuu ugu wadaa in uu soo dilo, waxay tageen beertii oo darxumo ka muuqato, si kadis ah ayaa Kukurs boorsada ugala soo baxay bastoolad iyo qori, Kunzle wuxuu is weydiiyay, maxuu Kukurs qori iyo bastoolad u soo wada qaatay?

[ka waran tartan shabaax ama shiishtan?] ayaa Kukurs weydiiyay

Durbadiiba Kunzle waa gartay u jeedka, Kukurs wuxuu doonyay in uu ogaado in uu ciidan ahaa oo uu aaga raashiya ka dagaalamay oo sida shiishkiisu yahay ayuu rabaa in uu arko, waraaqaha lagu shabaaxtamo ayuu mid ku dhajiyay geed, qorigii cabaystay, oo riday toban xabadood oo boobsiis ah, xabadihii kukurs waxay sameeyeen xoonsanaan ay u dhex dhaxayso 10 santi mitir.

 

xaashi kale ayuu boorsda kala soo baxay oo geedkii ku dhajiyay, qorigiina cabeeyay una dhiibay Kunzle, Kunzle oo ka tirsanaan jiray ciidanka ingriiska  iyo kuwa israa’iil wuxuu ahaa shish yahan, qorigii inta qabtay ayuu si daahid la’aan ah u riday toban xabbadood oo darandooriya, waxuuna sameeyay isku xoon ay u dhaxdhaxayso saddex senti mitir oo kaliya

Kukrs madaxa ayuu ka raali ahaansho u ruxay,

[heer sare, mudane Nnton] ayuu yiri.

 

Fatuuradii ayay ku laabteen oo aadeen beertii labaad oo ayadu tan ka weyn, oo leh kayn iyo wabi ay yaxaasyadu banaanka jiifaan, Kukurs ayaa kayntii u hogaamiyay, Kunzle baqdin hor leh ayaa gashay, ma dabin ayuu u dhigayaa? Ma in uu kaynta ku dilo oo uusan waxa raada laga arag ayuu rabaa? Si lama filaan ah ayuu dhagax ugu istaagay oo kabtii musbaar ka muday dhaawacna ka gaaray ciribta, xanuun ayuu isla laabay, jilbaha intuu dhigtay ayuu kabatii iska siibay, dhiig ayaan ka da’ayay, Kukursna waa ku soo foorarsay asaga oo qorigiina soo dhaweystay, difac la’aan baa tahay, waqtigaagii waa soo dhamaaday, latfiyaankaan sidii eey ayuu kuu toogan , ayaa Kunzle laabta iska yiri, balse kukurs qorigii ayuu u dhiibay oo ku yiri,

[salka qoriga ku garaac musbarka]

 

Qorigii ayuu ka qabtay, la yaab boosaskoodii waa is weydaarsameen, meel cidla ah oo aan qof ka dhaweyn kilo mitiro oo buura ah, qurigu waa cabbaysan yahay, xilli kasta ayuu dili karaa Kukurs, qori uun ku tag riishada qabo weeye, balse inta qorigii salkiisa dubbe ahaan u adeegsaday oo mubaarkii ku laabay ayuu u celiyay qorigii ninkii lahaa, gabalkii markuu dhacay labadoodii waxay yimaadeen buul duq ah, cunno ay wateen ayay meeshii ku cuneen, gogol ay siteena ku dul fidsadeen laba sariir oo bir ah oo meesha yaalay, Kunzle wuxuu arkay Kukrs oo qorigii barkinta hoosteeda gashtay, asaguna mididii ayuu galka kala baxay oo jeebka gashatay, hurdana waa awoodi waayay, saq dhexe ayuu maqlay shanqar ka yeeraysa sariirta Kukurs, naazigii waa istaagay, qorigii qaatay oo banaanka u baxay, waayo uu ubaxay? ayaa kunzle is weydiiyay.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

Leave a Reply