Kunzle si fiican ayuu u ogaa hadii uu Kukurs si qumaatiya u abaaro in tuhun galayo, sidaas darteed maalmihiisii u horeeyay wuxuu ku qaatay magaalada Rio ee quruxda badan, wuxuu ku lugayn jiray xeebaha kopakabana iyo Ipanema, indha ayuu la raaci jiray gabdhah iska dhalka ah ee qurxoon ee nigisyada xiran, wuxuu daawsho u aadayay makumba, dabaaldaga Baraasill ee dhowga ama sixirka voodoo ga, waxaa ku socday qorraxda diiran iyo iska daba dhaca musika samba, wuxuu ahaa dalxiise dhab ah.
waxay is barteen saraakiil sare iyo haanti gashadayaal dhinaca dalxiska, wuxuu la kulmay wasiirka gacansiga oo uU isugu sheegay in uu yahay maal kashte danaynaya inuu maal kashto dalxiiska baraasiil, waraaqo garab siin ah ayaa la siiyay oo ku socota ganacsatada waaweyn ee dalxiiska ee Soa Paulo,
Kunzle Soa Paulo ayuu yimid durbadiina waana uu helay Kukura, dakada harada ee marina waxaa ku xirnaa diyaarad duq ah oo kuwa bada ah, geeskeedana waxaa taagnaa, nin dheer oo caata ah, oo kaboodka duuliyayaasha xiran, Herberts Kukurs, Kunzle wuxxu u tagay gabadha qurxoon ee jarta tikidhada doomaha Kukurs, wuxuuna ka warsaday arrimaha dalxiiska ee aagga, mase uusan ogayn in gabadhaan dhalinyarada ah ay tahay xaaska curadka Kukurs, waxayse qiratay in aysan wax badan ka aqoon howlaha dalxiiska, balse waxay farta ugu fiiqday ninkii kaboodka duuliyaha gashanaa oo tiri;
[weydii, asagaa ku kaalmaynayee]
Kunzle wuxuu u tagay duuliyihii, wuxuuna isku baray in uu yahay hanti gashte Awstariyaan ah, wuxuuna weydiiyay, weydiimo xirfadeed, Kukurs asagoo laba labaynaya ayuu uga jawaabay, balse dabeecadiisii waxay is rogtay markii Kunzle uu weydiiyay in uu asga diyaaradaba ka kireeyo oo uu magaalada dusha ka soo daawado, dhowr daqiiqo ka dib cirka ayay ku jireen waxaana dhex maraysay sheeko saaxiibtinimo, soo laabashadoodii Kukurs wuxuu ku marti qaaday doontiisa si ay wax yar khamri ah u cabaan, intii ay cabayeen khamriga wuxuu la qarxay xanaaq uu u qabay dadkii eedeeyay oo warka xun ka faafiyay.
[ma anigaa danbiile dagaal ah?] ayuu kor ugu qayliyay,
[gabar yuhuuda ayaaban bad baadiyay xilligii dagaalak]
Kunzle tuhun ayaa galay ah in is xanaajinta Kukurs ay tahay mid uu ku fiirinayo jawaab celintiisa,
[dagaalkii ma ka qayb gashay]? Ayaa Kukurs weydiiyay
[haa] ayaa Kunzle yiri,
[aaga ruusha Ayaan ku jiray]
balse sida uu u yiri waxaa laga dhadhansan karay wax kale, loona qaadan karay in kunzle uu ciidan ahaa kuna jiray dagaalka, balse uusan ahayn aaga Ruushaka, shaatigaii inta iska furay ayuu Kukurs tusiyay xabadkiisa haara ku yaal,
[dagaalkii ayay igu soo gaareen] ayuu yiri, asga oo aan wax faah faahin ah sii galin.
Kunzle wuxuu ku sameeyay Kukurs qiimayn deg deg ah, wuxuuna dareemay in uu ku jiro xaalad dhaqaale oo xun, kabood duqoobay, diyaarad duq ah, doomo siday u egyihiin laga calool xumaado, intaas oo dhana waxay muujinayeen nolol hoose, Kunzle waxa uu is tusay in Kukurs uu aaminayo, Â in asaga Kuznle ah uu yahay rajadii uu Kukurs dhibkaan kaga bixi lahaa, sidaa darted wuxuu aad uga hadlayay shirkadiisa iyo dadka la shirkada ah iyo qorsha ha in uu hanti galiyo kana hirgaliyo mashruuc weyn oo dalxiis ah koofurta ameerica.
wuxuu si dadban ugu sheegay, laga yaabee in asaga Kukurs ah uu ku soo biiri karo mashruuca, waayo si fiican ayuu u yaqaan goobaha dalxiiska ee Baraasiil, Kukurs wuxuu muujiyay in uu danaynayo hadalada ninka martida u ah, balse si kadis ah ayaa Kunzle u istaagay oo yiri:
[intaas ka badan in aan ku dhibo maahan, nin howl badan u taal baa tahay]
[maya, wax dhiba male] ayuu yiri, wuxuuna u soo jeediyay in Kunzle uu maalin aqalkiisa ku soo booqdo, mar uusan howl lahayn,
[si aan uga wada hadalno danaha naga dhaxeeya] ayuu ugu daray hadalkii
Xiriirkii waa bilowday, cadkii lagu dabayayna ilkaha ayuu ku qabsaday kukurs, hada waxaa haray in Kunzle uu ka dhaadhiciyo in uu laqo caaka dabinka loogu dhigay.
Fiidnimadaas Kunzle telegaraam ayuu u diray Yariv, asaga oo adeegsanaya markii u horeysa magaca qarsoon ee Yariv u bixiyay Kukurs [maydkii]
Kukurs qudhiisu fiidkaas qaraal ayuu galay, wuxuu soo qaatay liiskii dadka naftiisa halista ku ah uu ku qoray, wuxuuna ku daray magaca, Anton Kunzle.
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/
Leave a Reply