MOSSAD-LAMA ILAAWAANKII-Q-3AAD

 

 

 

Akhrintii sheekooyinkii ay wariyeen dad sida mucjisa leh uga badbaaday, waxay sheegeen waxyaabo laga qaracmo, waxaa kale oo dukuntigu sheegayeen, in Kukurs uu Faransa u baxsaday asaga oo aqoonsi been abuura wata markii dagaalku dhamaaday, asaga oo iska dhigaya beeraleey, ka dibna uu doon u raacay Riyo di jineero, wuxuu horey u sii watay is caymin yaab leh, gabar yuhuuda Maryam Kitzner oo intuu dagaalku socday uu asagu ilaalinayay ayuu horey u sii watay, Maraym Baraasill oo dhan ayay ka sheegaysay sida halyaygaan u soo bad baadiyay, durbadiiba wuxuu xariir wanaagsan la yeeshay Yuhuudii Baraasiil, aad ayuu u jeclaa in goobaha uu ka sheegnayo oo uu ka faahfaahiyo arrinta mucjisa leh ee Maryam.

[naaziyiinta ayaa ku qabtay Latfiya, in ay si silac ah u dilaan ayay rabeen, balse anaa naftayda halis galiyay oo bad baadshay] ayuu yiraahdaa.

 

Geesi jaadkaan oo kale ah, maalin kasta ma yimaado, yuhuuda magaaladuna inta karaankooda ah ayay isku dayeen in ay tusiyaan abaalka ay u hayaan geesigaan, wuxuuna caan ka dhex noqday bulshadii yuhuuda.

 

Tan iyo intii uu habeen saqraamay ka dib markii khamri aad u badan uu cabay, oo  hadalo kuwii looga bartay aan ahayn uu dhagaystayaashiisii u sheegay, Yuhuudii ayuu ka hadlayay balse markaan wuxuu ugu yeerayay, doofaaro iyo qurun, wuxuu si xamaadsad leh uga hadlay sidii asaga iyo Naaziyiintii jaallayaashiisa ahaa ay u dileen Yuhuuda Yurub, Yuhuudii, la gubay, la hafajiyay, la toogtay, sidii loo garaacayay ku dhintay, jaallayaashiisii Yuhuudu waa argagaxeen, waxayna bilaabeen baaritaan, waxay baritaankoodu ku ogaadeena qarracan bay ahayd.

 

markii dhabtiisii la ogaaday Kukurs waa dhuuntay, kama uusan tagin Riyo ee xaafad kale ayuu dagay, Maryamna waa cidleeyay oo ka tagay, waayo baahidii uu u qbay waa dhaamaatay, ayadiina waxay guursatay nin Yuhuuda Baraasil ah , Kukursse wuxuu keensaday xaaskiisii iyo saddex wiil oo uu dhalay.

 

Toban gu’ ayaa gudubtay Kukurs na wuxuu noqday nin la ixtiraamo oo leh adeega diyaaradaha taksi ahaan loo adeegsado, balse si kadis ah ayaa bulshadii Yuhuuda ee Riyo u ogaadeen, banaanbaxyo ayay sameeyeen si ay aduunka u tusaan, aradadii waxay galeen xafiisyadii shirkadiisa oo dariishadihii iyo wixii qalab yaalay bur buriyeen, faylashii jeex jeexeen, Kukurs durbadiiba waa ka tagay Riyo asaga iyo qoyskiisii waxayna aadeen Soa poulo.

In kasta oo aan cidna ku khash khashaadin halkaas, hadana Kukurs wuxuu dareemayay in uu halis ku jiro, waxaa ugaarsanayay baqdin iyo tuhun uu ka qabo qof kasta oo uusan aqoon oo ka hor yimaada, Juun 1960 kii, ka dib qabashadii Aykhman, Kukurs wuxuu u tagay booliiska Soa poulo oo uu ka codsaday magan iyo in la ilaaliyo, waana loo ogolaaday, sidoo kale arrintii waxaa sii buun buuniyay warbaahinta, qaraabadii dadkii Kukurs laayayna waa ogaadeen halka uu ku noolyahay.

 

Gu’ yaashii gudbayay, baqdinta Kukurs waa sii kordhaysay, wuxuu u sheegay xaaskiisa iyo caruurtiisa, Yuhuuda aargoosi rabata way ogaanayaan halkuu joogo xilli kastana waa dili karaan, xataa wuxuu diyaariyay liis dadka nacabka halista u ah asga, oo ay u dabanyihiin dadka laga keenay Rio, liiskiisana waxaa ugu koreeyay, Dr, Aharon Staynburk oo ahaa Sanatar, Dr, Alfaredo Gartenberg, dr Marcus Constantino, Dr, Israa’iil Sholnikov, Kilinger, Paritzki.

 

Kukurs magaciisa ma badalin, balse guryihiisII wuxuu u dhisay sidii qalcado, sida muuqatayna lacag badan oo laaluush ah ayuu siiyay booliiska iyo laamaha nabad sugida, sida warbixintu sheegayso, ganacsiyo bdan ayuu bilaabay balse waa ku guul daraystay, wuxuuna daganaa marina, hara gacan ku samays ah aageeda, Kukurs  wuxuu kirayn jiray doomaha, sidoo kale diyaaradihiisu dadka ayay daawasho magaalada korkeeda ugu qaadi jireen.

 

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

Leave a Reply