MOSSAD-LAMA ILAAWAANKII-Q-2AAD

 

 

 

 

 

Yariv wuxuu ku yiri Sardi:

Si aan u hubino in aan taasi aysan u noqon wax sharciya, waxaa la rabaa in aan aduunka xasuusino dad qaadyada aan weli gacanta lagu dhigin, sidaa darteed waa in aan dilnaa mid ka mid ahaa danbiilayaasha ugu waaweyn Naaziyiinta, mid ka mid ah sirdoonka Mossad ee koofur Amerika ayaa soo helay ninkii loo bixiyay, [kawaanlihii Riga] oo ah Laatfiyaan Naazi ah, danbiilena ku ah dilka soddon kun oo Yuhuuda, wuxuuna ku noolaa dalka Baraasiil, oo uu ku joogay magaciisa runta ah, Herbert Kukurs.

madaxa Mosaadna waa uu oglaaday in la galo howl galkaan]

 

Yariv uma uusan dooran Sardi in uu ka soo qayb qaatay qabashhadii aykhman iyo In uu yahay nin garaad badan oo wax ogaansho badan kaliya , ee wuxuu ogaa in Sardi uu ku dhashay Jarmalka, labadiisii waalidna ay ku dhinteen xasuuqii holikost, wuxuuna u soo baxsaday Falastiin asagu, wuxuu dhaar ku maray in uu Hitler la dagaalo, wuxuuna ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee ka mid noqda ciidamadii Ingriiska ee Falastiin laga qoaray xilligii dgaalkii labaad, sidaas darted Yariv wax warwarana kama qabain qabasha howshan ee  Sardis, oo daba ay ka soo riixayso aargoosi uu rabo,

 

[waxaan kaa rabaa in aad iska dhigtid ganacsade Awstariyaan ah, una duushid Baraasiil oo aad heshid Kukurs, oo kalsoonidiisa kasbatid, tan waa talaabadii u horeysay toogashadiisa].

Intaas ka dib faah faahimii ayuu siiyay unsheegay sardi magaciisa cusub [Anton Kunzle], toban maalmood ka dib kulankii Baariis, Anton Kunzle wuxuu saarnaa duulimaadkii shirkada diraahada ee varig ee u sii jeeday Riyo di jineero.

Sardi howsha xiisa ayuu u hayay, war warna waa ay ku haysay, waayo, arrintaan oo kale lama soo gudboonaan had aka hor, in uu kaligiis howl galo oo uu dal qalaad ka howl galo, oo uu saaxiib la noqdo cirfiid feejigan oo markasta filanay in qof dili doono, Kunzle waa uu ogaa hal gaf ee uu sameeyo in howl galka oo dhan uu bur burayo, tallaabo qaldana in uu naftiisa uu ku weynayo.

 

Intii uu duulimaadka ku jiray ayuu la soo baxay gal war bixino ah, markhaatiyaal warkood, qaybo wargayso jar jaran oo Kukurs ku saabsan, soddomeeyadii Kukurs wuxuu noqday caan, duuliye xeel dheere iyo geesi ah ayuu ahaa, wuxuu isaga duulay Latfiya iyo Gambiyada Afrika, wuxuuna ku duulayay diyaarad yar oo uu asagu gacantiisa ku samaystay, hal mar ayaa duuliyihii qurxoonaa Latfiya ka noqday geesi qaran, abaal marino caalamiya ayaa la siiyay oo ay ka mid tahay abaal marinta billada Santos Dumont ee duullimaadka Baraasiil ay bixiyaan, wargaysyadu waxay ugu yeeri jiree, gallayrkii Latfiya, dadkuna aad ayay ugu soo xoomi jireen matxafka Riga si ay u arkaan haadadii Kukurs oo halkaas lagu soo bandhigay.

 

Kukurs wxuu siyaasad ahaan ahaa qarn yahan Latfiya oo garabka midig raacsan, sidaas oo ay tahay hadana wuxuu lahaa asxaab badan oo Yuyuuda, xataa wuxuu soo booqday Falastiin oo uu aad ula soo dhacay horumarka sahyuuniyadu gaartay, hadaladiisa qiirada leh markuu ka hadlayo horumarka ka socda sahyuuniyada Falastiin, wuxuu ugu muuqday nin gaashaan buur la aha Yuhuuda, dagaalkii labaad markii bilowday si kadis ah ayaa wax walba isku rogeen, Latfiya waxay ahay dalkii u horeeyay ee ruushku qabsado, dadkiina nacayb ay u qaadeen ka dib markii ruushku laayay intii la aragti ahayd Kukurs, balse ruushkii dib ayuu uga gurtay markii Hitler uu ku soo duulay Raashiya, Latfiyana waxaa gacanta ku dhigay ciidankii Jarmalka, Kukurs na markaan dhinaca kale ayuu isku rogay gabi ahaan.

 

Uu ahaa nin qaran jecel iyo hogaamiyaha ururka fashiistaha Kukurs wuxuu iskiis u ogolaaday in uu u adeego Naaziyiinta, wuxuuna noqday dilaa aan naxariis lahayn, kan ugu laysmada badan Yuhuudii Riga, bilowgii asaga iyo ciidankiisu waxay meel macbad ah ku xareeyeen 300 oo Yuhuud ah, ka dibna dab qabadsiiyeen oo dhamaan halkii ku dileen, Yuhuuda inta qabto ayuu ku garaaci jiray salka danbe ee bastooladiisa ilaa ay ka dhintaan, boqlaal Yuhuuda orthadokis ka yuhuuda ayuu bahdilay ka dibna dilay, ilmahana madaxa ugu garaaci jiray darbiyada magaalada tan iyo inta madaxu ka qarxo,

 

Habeen gabar Yuhuuda ayuu ku hor qaawiyay maxaabis Yuhuud ah, wuxuuna ku qasbay wadaad rabbaay Yuhuud ah in salsalaaxo oo leefo, asaga iyo ciidankii kale ee Latfiyaanka haa ee meesha joogayna waa ku maadaysanayeen oo qosolkooda ayaa baxayay, markii uu sii dhamaanayay xagaagii wuxuu harada Kuldiga hafijn ugu dilay kun iyo laba boqol oo Yuhuud ah.

Nofember 1941, saddon kun oo Yuhuuda Riga ah ayuu u qumiyay kaynta Rumbula, halkaas oo dharka looga siibay ka dib na lagu toogtay goobtii.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

Leave a Reply