MOSSAD-LAMA ILAAWAANKII-Q-1AAD

 

 

Horaantii bishii Sebtember 1964, nin kuusan oo bidaar leh, xiran indha gashi modoow oo da’da affaratameeyada ku jira ayaa ku yimid tareenka dheereeya kuna dagay joogsiga Rotterdam ee tareemada ee dalka Holland, tareenku wuxuu ka yimid BaariIs, Faransa, wuxuu ku dagay hotel Rhein oo ka mid ahaa kuwa magaalada ugu wanaagsan, kuna yaal faras magaalaha, wuxuu hotelka ku dagay magaca Anton Kunzle oo ah ganacsade Awstariyaan ah.

ka dib wuxuu aaday xafiis boosto oo u dhawaa, wxuuna ka kiraystay sanduuq uu isla magacii uu ku kiraystay, ka dib wuxuu aaday bankiga Amro oo uu kayd Xisaabeed  ka furtay, wuxuuna kayd ahaan u dhigtay lacag dhan 3000 oo dollarka Maraykanka ah, madbacadna wuxuu ka dalbadday in loo sameeyo kaararka ganacsiga, looguna sameeyo magaca Anton Kunzle, oo ah maareeye shirkad hanti galin.

durbadiina wuxuu aaday qunsuliyada Baraasiil oo uu foom ka buuxshay uu ku ccodsanayo dal ku gal dalxiis, dhaqtar ayuu u tagay oo caafimaadkiisa baaray, kana soo qaatay xaashi caddayn ah, wuxuu u tagay dhaqtarka indhaha oo dhagar sameeyay baaritaankii, waxaana loo qoray indha gashi arag oo waaweyn in kasta oo uusan u baahnayn.

Aroortii ku xigtay socdaal gaaban ayuu ku tagay magaalada Zuurikh, wuxuuna kayd xisaabeed ka furtay, bangiga Swiss, wuxuuna kayd ahaa u dhigay 6000 oo dollar, ka dib wuxuu ku laabtay BaariIs oo farshaxan hayan muuqaal roge ahi uu u sameeyay shaaribo waaweyn, asaga oo indha gashii araga xiran shaaribadiina leh ayuu sawir iska qaaday oo sawiradii uu ku xaraystay baasaboor.

Rotterdam markii uu ku soo laabatay isla sawiradii ayuu qunsuliya Baraasiil ee uu ka dalabay viisada dalxiiska ah uu geeyay, dal ku galkiina baasaboorka ayaa loogu dhuftay, tikid ah Riyo di janeero, halkaasna uu ka si aadayo, San powlo, ka dibna Motevidiyo, uruguway, ayuu qorshaystay, meel kasta ee uu tago waxuu ka sheekaynayay ganacsigiisa Awstariya ee aad u guulaystay, baqshiish wanaasana waa bixinayay, hotelada kuwa ugu wanaasan ayuu ku dagayay, makhaayadaha heerka sare ah waa ka cunayn jiray, Kuzle wuxuu ahaa ama u ekaa ganacsade hodmay oo dhab ah.

Dhaq dhaqaaqaas aad u fudud, ee uu iskaga kala gooshayay, Baariis, Rotterdam, Zuurikh, Yatzhak Sadrid  mossad ahaa, wuxuu samaytsay gabbaad wanaagsan, Yatzhak Sadrid, sidii ku uumi baxay oo dhamaaday, waxaana soo baxay nin cusub oo la yiraahdo, Anton Kunzle, oo gacansade Awstariyaan ah, oo cinwaan ku leh Rotterdam, lehna kaydad bangiyeed, kaarar ganacsi leh, dal ku gal iyo tikit Baraasiilana haysta.

Maalmo ka hor, 1 dii Sebtember ayay ahayd markii Yitzhak Sarid loogu yeeray kulan ka dhacayay Baariis, Sarid wuxuu xubin ka ahaa kooxda howl gallada ee Mossad ee loogu magic daray magaalada isra’iil ku taal ee [Ceasarea], aqalka qarsoodiga ah ee ku yaal jidka avenue de Varsailles, ayuu kula kulamay madaxa Caesarea, Yoske Yariv, nin kuusan oo muruqo leh oo inta ka hoos shaqaysaa ay u riyaaqeen, Yarin wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada, waxaana laga dhigay madaxa kooxda howl galada oo uu horay u haayay Rafi Etan oo hada laga dhigay madaxa xarunta dhexe ay mossad ku leedahay Yurub, oo saldhigoodu yahay Baariis.

Yariv wuxuu ogaa in Baarlamaka Jalmalka galbeed isla ogolaadeen sharciga soohdimaynta xilliga, oo macnaheedu yahay haddii danbiilayaal Naazi ay si qarsoodiya oo aan la arag u noolaadaan muddo cayiman, in mudadaas ka dib ay isa soo muujin karaan oo noloshooda ay caadi ugu noolaahn karaan sidii ayaga oo aan waligood wax danbiya galin oo aan fal xun aan samayn, Jarmlku wuxuu rabay in uu boggaas laabao oo horay uga socdo qarracankii Jalmalku gaystay, xataa dalal badan oo naaziyiintii gacantooda ku rafaaday, xiisa uma qabin raadinta danbiilayaashii Naaziyiinta, sidii loo qabtay Aykhman affar gu’ ka hor, foojigsanaantii danbiilayaashii naaziyiintu waa yaraatay oo is dhigteen, sidii ay qabashadii iyo maxkamadayntii Aykhman ay xirtay cutub ka mid ah sooyaalka dunida.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

 

 

Leave a Reply