MOSSAD-ISKU DAYGII DILKA KHAALID AL MASHACAL Q-5

 

 

”waxaan ogaaday in dawadaan aysan wax faa’iido ah lahayn hadda maadaama aan mid ragayga ka mid ah aan suntii gaarin oo ninkii aan rabanay in aan dilno kaliya ay xaaladiisu liidato, waxaana go’aansaday in aan bur buriyo anoo ka baqaya in laygu qabto, balse telefoon ayaan ka helay madax unuga oo Israa’iil jooga wxuuna I weydiiyay wali mahaysaa daawadii lidka ahayd, haa markaan irina wuxuu ii sheegay in in aan kula kulmo qaybta soo dhaweynta hotelka sarkaal Urduni ah oo igu sugaya, si daawada loogu qaado rugta bukaan eegatada isla hadda”

Balse dhib kale ayaa yimid oo aan la filayn oo dhaqtardii daawada sii lahay Khaalid waxay tiri wax aan samaynayo maleh haddii uusan I soo amrin madaxa Mossad, Yatom oo qasrigii boqotooyada ka tagay oo danjiraha Israa’iil u sii socda ayaa wacay kuna maray in ay raacdo Mishka, Urduniyiintiina si qeexan ayay u diideen in dhaqtar Israa’iil ah uu ku duro cirbada, ayaga oo ka baqaya in ay sii dhamaystirto howsha,

dhaqtarkii qoborka oo asaga loo xilsaaray howsha waxaa uu diiday in daawada lagu duro Khaalid, haddi aan loo sheegi curiyaasha ay ka koobat tahay, dhinac walba meeshiisii ayuu ku adkaystay, Urduniyiintuna dalbanayaan waxa laga sameeyay daawada, Israa’iiliyiintuna diidan yihiin in ay sheegaan, xaaladii Khaalidna sii xumanayso,  neefsashdii ayuu joojiyay waxaana lagu xiray qalabka neefsashada lana dhigay qaybta dadka xaaladoodu liidato ee rugta bukaan eegtada boqortooyada, dhinac walbana waa ogaa haddii Khaalid dhinto in xariirka labada dal oo awalba jilicsanaa uu sii xumanayo, boqorka oo ay aad u dhaawac ugu gaystay wax dhacay ayaa ku handaday in uu ciidan galinayo danjiraha Israa’iil oo affarta nin kala soo baxayo uuna joojinayo xiriirka siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan wuxuu la leeyhay Israa’iil, waqtiguna waa is gurayay xiisuhuna sii kordhayay, bqorku wuxuu ku dhawaaqay haddi Khaalid dhinto in uu asna dilayo labada ay Urdun gacanta ku hayso, wuxuuna telefoon kula hadlay madaxweynaha maraykanka Bill Clinton.

 

Marakankuna durbadii waxay cadaadis ku saareen Israa’iil in ay siiyaan Urdun curiyaasha daawada laga sameeyay, Netanyahu na wuxuu galay orod uu kula tashanayo la taliyayaal kala gadisan iyo wasiirada, ugu danbayn waa uu is dhiibay oo la siiyay Urdun curiyaashay ka kooban tahay daawadu, dhaqratkii Urduniga ahaa ayaa cirbadii ku dhufatay khaalid, falgalkeediina mid dhaqso ah ayuu ahaa oo Khaalid indhihii ayuu kala furay, markii warkii in Khaalid badbaaday uu gaaray Israa’iil, neef weyn ayaa ka soo fuqday Israa’iilyiintii, sidii walaal kood Urudun jooga uu badbaaday, Mishka iyo dhaqtardii in ay dalka ka baxaan waa u suurto gashay, lixdii Mossadka ahayd affarta danjiraha ku jirta iyo labada booliisku hayay Camman ayay ku hareen, xaaladii Khaalidna waa soo fiicnanaysay.

Israa’iil wafdi heer sare ah ayay u dirtay urudun oo uu hogaaminayo madax wasiiradu, ayna la socdaan, wasiirka arrimaha dibadda Ariel Sharon, kan difaaca Yitzhak Mordechai.

 

Boqor Xuseen waa uu diiday in u soo dhaweeyo wuxuuna u diray inuu soo dhaweeyo walaalkiis amiir Xasan, waxaa wafdigu horey ugu yeereen Efiuim Halevy,, ku xigeenkii hore ee Mossad ahna boqorka saaxiibkiis, haddana ah danjira Israa’iil ee midowga yurub, durbadiina Cammaan ayuu yimid una bandhigay boqorka gor gortan fiican oo lagu badasho affarta Mossad ee safaarada ku jirta, Israa’iilna waxay xabsiga ka sii daynaysaa unkihii iyo hogaamiyihii Xamaas shiikh axmad yaasiin, boqorkii waa ogolaadayaffartiina waxay raaceen Halevy oo dib ugu laabteen Israa’iil, waa waantii u danbaysay waxaa loo dhaafay Ariel Sharon oo boqorka xiriir dhow la lahaa, Sharon wuxuu codsaday in labada xiran la soo daayo Israa’iilna ay u labaadan maxbuus ee Israa’iiliyiinta ah oo ay Urduniyiintu  soo daayaan, boqorkii waa uu ogaolaaday, balse Uruduniyintii haddana waa is rogeen oo waxay ka dalbadeen Israa’iil hoos uga soo dag wax yaabo kale, Sgaron waa uu xanaaqay waxuuna ku yiri:

‘‘Sidaan haddad rabtaan in aad wax u wadno, haysta labada aad haystaaan, anaguna biyahaan idin ka jaraynaa, [Israa’iil ayaa biyaha siin jirtay] Khaalid Mashcalna markale ayaan dili doonaa”

Xanaaqii Sharon meel fiican ayuu uga soo baxay, oo heshiis baa lagaaray, laba diyaaradaha qumaatiga u kaca ah ayaa yimid Urdun, mid waxay qaaday laabdii sirdoon, midna waxay keentay Shiikh Axmad Yaasiin.

DHAMMAAAD

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

 

Leave a Reply