MOSSAD-ISKU DAYGII DILKA KHAALID AL MASHACAL Q-4

 

Balse Abu Serf oo ahaa mujaahid ruushka kula soo dagaallamay afganistaan, oo ahaa nin madax adag, kama uusan harin ee wuxuu soo cayrsaday fatuuradii Israa’iiliyiinta siday, Shawn iyo Barry oo fatuuradii ka dagayna waxay kala socdeen labada dhinac ee wadada, mana aysan dareemin Abu Serf tan iyo intii uu ku soo booday Barry, oo inta shaatiga ka qabtay ku qayliyay ”ninkaan wuxuu rabay in uu dhibaato u gaysto Khaalid Mashcal” Shawn oo jidka dhiniciisa kale marayay wuxuu u soo gurmaday jaallihii oo garaacayay Abu Serf oo madax dhaawac fudud ka gaarsiiyay, wadada dhinaceeda biya mareen ahaana ku tuuray, dadkii wadada marayay ayaa isku yimid oo waxaa lagu soo xoomay labada nin ee soo galootiga ah oo garaacaya ninka Carabka ah, durbadiiba nin booliis ah aya yimid oo dadkii kala yaaciyay taksina joojiyay, kuna qaaday labadii soo galooti iyo Abu Serf oo si xun u garaacan una waday saldhiga booliiska, kolkii hore waxaa loo haystay in abuu serf uu weeraray raggan, balse markii uu abuu serf jugtii xooga ka soo kabtay ayuu ku eedeeyay labadii in ay weerereen Khaalid Mashcal, markii la arkay in ay baasaboorada kanadiyaanka ee ay wataan ayaa la wacay qunsulka kanada oo lala hadalsiiyay, balse qunsulkii wuxuu booliiska u sheegay,

‘‘In uusan aqoon raggaas, wax kasta oo ay yihiin, balse waxaan hubaa in  aysan kanadiyaan ahayn”

 

Urudunyiintii ayaga oo aan war kahayn ragga gacanta ugu jira ayay ayay go’aansadeen in ay hayaan una oggolaadeen in ay hal telefoon dirsadaan, ayaguna waxay waceen xarunta Mossad ee yurub ku taal oo u sheegeen in la xiray, isla xilligaas qof dumar ah oo Mossad ah oo kor kala socotay wixii ka dhacay Shamiya center, garatayna In howlgalkii dhicisay ayaa war galisay bukaan socodkii wadnaha Mishka Ben Devid,  oo ahaa madaxa Mossad ee Urdun, waxay si dhaqso ah u aaday hoteelkii uu daganaa, indhaha markii uu ku dhuftay ayada oo soo socotana waa uu garatay in balo dhacday, wayo amarku wuxuu ahaa in aan qofna agtiisa imaan, hadii ayasan jirin arin halis ah sida in howlgalkii dhicisoobay loona  baahan in basaasiinta dalka si dhaqsa ah looga saaro,  durbadiina inta bijaamadii iska saaray oo dhar xirtay ayuu aaday goobtii qarsoodiga ahayn ee kulanka ee horay loo diyaariyay, wax yar  ka dinna waxaa goobtii yimid  madaxii howl galka oo asna guul darada la socda, sida ay wax noqon doonaan iyo waxa ka imaan doona midkoodna ma ogayn, Mishka wuxuu la hadlay madaxa Mossad oo asaguna arrintii kala kadlay madaxda laamaha Mossad, waxaana lagu soo amray basaasiintii in ay galaan danjiraha Israa’iil ee aysan ku dhaqaaqin habkii qorshihii baxsiga ee horey loo dajiyay.

Dhamaantoodna waa ka tageen bartii kulanka oo waxay aadeen danjiraha Israa’iil. Dhaqtardii oo ayadu hotelka ku hartay maahane.

 

Isla xilligaas, dhinac kale oo ka mid ah xaafadaha Cammaan, suntii ayaa bilowday la falgalkii jirka Khaalid Mashcal, waana uu dhacay waxaana loola cararay rugta bukaan egtada, Israa’iiliyuuntuna waa ogaayeen hadii uusan helin daawada ka hor tagga ah in uu saacdo guduhood ku dhimanayo, Netanyahu ayaa warkii gaaray asaga oo gaarigiisa saaran oo ka yimid xafladii sanadka cusub ee yuhuuda, markii warkii loo faaffaahiyay oo sida xaal yahay, oo loo cabaaday in uu wax qabto, wuxuu go’aansaday in madaxa Mossad uu hadda u duulo Cammaan oo uu la kulmo boqorka urudun wax kastana u sheego ayada oo aan qal qalooc iyo been ku jirin, xarunta Mossad ayaa madaxii wasiiradu ka wacay boqor xusseen, wuxuuna u sheegay in madax mossad u imaan doono oo arrin muhiim ah kala hadli doono boqorkiina waa uu ogolaaday in kasta oo uusan ogayn waxa kulanku ku saabsan yahay, Netanyahu oo war war ka muuqaday wuxuu ku amray madaxii Mossad in uu oglaado wax walba oo boqorku ka codsado si basaasiintaas loogu badasho, waxaa kale oo uu amar ku siiyay Yatom in daawada lidka sunta loo dhiibo Urdiniyiinta si loo bad baadsho Khaalid Mashcal.

 

boqor Xuseen si war war iyo yaab ku jiro ayuu u dhagaystay warbixintii  Yatom, wuxuuna amaray in la soo ogaado xaalada khaalid, waxaana loo soo sheegay in ay sii xumaanayso xaaladiisu, wuxuuna amar ku bixiyay in loo soo wareejiyo bukaan eegtada boqortooyada, waana oggolaaday oo ka gudoomay Yatom daawadii lidka ku ahayd sunta, arrin yaab leh ayay ahayd oo Israa’iil iyo Urdun waxay tar tan kula jireen waqtiga si ay u badbaadiyaan nin nacabkooda ah, Mishka ben devid wuxuu ku laabtay hotelkiisii asaga oo jeebka ay ugu jirto dawadii lidka ahayd, mar dabne wuxuu waraysi ku sheegay”

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

 

Leave a Reply