MOSSAD-ISKU DAYGII DILKA KHAALID AL MASHACAL Q-3

 

Sida uu howl galku ku guulaysan karo waa in googtu ay nadiif u tahay  oo aysan joogin, ilaalo, qoys, dad ay is yaqaanaan Khaalid, booliis, ciidanka Xamaas, iyo wixii kale oo dib u dhigi kara dilkaas, amarkii la soo siiyayay siddeeda nin ee la soo dirayna waa uu cadaa, howl galka fuliya markii shuruudahaas la soo sheegay ay buuxsamaan,

Yatom wuxuu u soo sheegay ”haddi qorshuhu sidii loo dhigay u socon waayo, mar kale ayaan dili doonaa” inta la ogyahayna waxa dhacay sidaas oo kale ayay ahaayeen, oo dhowr jeer ayay yimaadeen goobtii howl galku ka dhici lahaa, balse markasta wax baajiya ayay la kulmayeen, booliis Urudun oo jooga, ilaalo la socota Khaalid, Khaalid oo markii u danbaysay iska daaya in uu xafiiska aado.

 

25 sibtembar 1997, waxay ahayd maalintii ay dhacaysay, madaxa howl galku wuxuu istaagay wadada dhinaceeda kale, ka soo hor jeedka  xafiisyada, mana ahayn in la adeegsado gacan qaadyo ”mobiles” iyo wax isgaarsiin elektroonig ah, waxaan lagu wada xariirayaa wada hadal ama baaq,  haddi loo baahdo in la baajiyo howl galka madaxoodu wuxuu ugu baaqayaa labada howsha fulinaysa in uu koofiyadiisa siibo, fatuuradihii lagu baxsan lahaa waxay yaalaan dhismaha gadaashiisa, Shawn iyo Barry na aaggii loogu tala galay, sidoo kale labdii sarta gudaheda ku irtay.

 

Aqalka Khaalid sidii caadada u ahayd ayuu u soo bixi rabay,  xaaskiisu sidan badan ayadaa ilamaha dugsiga gayn jirtay balse maanta Khaalid ayay ka codsatay in uu geeyo, ilmihiina fatuuraday la koreen, balse ilaalidii dusha Khaalid ka eeganaysay ma aysan dareemin ilmaha fatuurada fuulay, waxayna gaarsiiyeen raggii kale in Khaalid soo baxay oo asaga iyo wadaha kaliya fatuurada saaran yihiin, fatuurada oo muraayadaheedu midab yihiin lagama arki karin carruurta gadaal fadhida, sidii caadada u ahayd gaariga ayuu ka soo baxaa jaran jarta illinka gaarsiinayasa ayuu tafaa, labadii dilaa waa ay soo abaareen oo dhiniciisa u soo dhaqaaqeen, toban mitir… shan mitir,  saddex…., si lama filaan aha ayaa gabadhii yarayd ee Khaalid gaariga uga soo baxday ayada oo ”baaba ‘ baaba” leh dhiniciisana u soo roortay, wadihii fatuuradu intuu ka soo booday ayuu gabadhii ka soo daba orday, madaxii howl galka oo jidka dhiniciisa kale taagnaa waxa uu arkay gabadha yar, koofidiii ayuuna siibay si uu ugu baaqo labadii oo ay howsha joojiyaan, balse labadii basaas xilligaas waxay la soo wareegayeen tiirarka dhimaha shubka ah ee illinka laga galo,

ilbiliqsiyo ayaana xariirkii ayaga iyo madaxoodu kala go’ay, waxaase ka sii darnaa in aysan arag gabadha yartaa, howshoodii ayayna horey u sii wateen, markii Khaalid ay u dhawaadeen, Shawn wuxuu inuu furo isku dayay qasicii balse daboolkii ayaa u go’ay qasiciise ma furmin, sii jeedintii iyo maawilintii dadka waa lagu guul daraysaty, si kastaba Barry gacantii ayuu kor u qaaday si uu qoorta Khaalid ugu buufiyo sunta, balse wadihii soo daba ordayay gabadha ayaa arkay ninkaan gacanta kor u qaadaya, wuxuuna u maleeyay in uu rabo in middiyeeyo Khaalid, wuxxuna isku dayay in uu ninka ku garaaco wargays uu gacanta ku wadatay asaga oo qaylinaya, Khaalid wuxuu maqlay qayladii wadaha dib ayuuna usoo jeestay, isla xilligaas ayaa Barry  buufiyay suntii dhowr dhibic ayaana Khaalid dhagta kaga dhacday, wuxuuna dareemay dhagtii oo istaagtay, in wax qaldan yihiina waa uu gartay markaas ayuu orod isqaaday, Shawn iyo Barry na waxay u rooreen dhinicii gawaaridii lagu baxsan lahaa, isla xilligaa waxaa aaga soo galay Abu Serf, oo kamid ahaa ciidanka Xamaas oo waraaqo u waday Khaalid, wuxuu maqalay qayladii wuxuuna arkay iska hor imaadka ka dheh socda labada nin iyo madaxiisa, markii Khaalid uu naftiisa la cararay Abu Serf wuxuu isku dayay in uu joojiyo Shawn iyo Barry oo sii galaya fatuuradii baxsashada, waxay is lig ligeen show oo qasacii kookada oo aan furnayan ku dhufanayay, ugu danbayn waa ay ka baxsadeen waxayna ku boodeen fatuuradii oo  horay ka dhaqaajisay, haddan gaf weyn ayay sameeyeen oo wadihii ayaga waday wuxuuu sheegay in uu arkayay Abu Serf oo taarigada fatuurada qoranaya, markaas aya labadoodii go,aansadeen in ay fatuurada ka dagaan, ayaga oo ka baqaya in Abu serf uu booliiska gaarsiiyo.

 

Markaas haddii ay gaarigan kula laabtaan hotelkii ay daganaayeen waa la xirayaa, wax cinwaan ahna kama aysan haysan aqalkii u kiraysnaa Mossad, mana aysan aqoon jid kale oo ay ku baxsadaan, dhawr jid ka dibna fatuuradii waa ka dageen, wadihiina wuxuu ula cararay fatuuradii in uu meel cidla ah ku soo xooro.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Leave a Reply