Gabadha la saarnayd Vanunu markabka waxay ahayd dhaqtarad, markii uu miyir keena ku duraysay cirbada suuxinta, markabkii wuxuu ku xirtay israa’iil, Vanunu na waxa lagu qaaday, dooni ay leeyihiin, ciidamada gantaalaha bada ee israa’iil, halkaas oo ay ku sugayeen, ciidan booliis ah iyo shabak iskugu jira, oo u qaaday Vanunu xabsiga shikma.
Intii waraysigii hore lagu waday, Vanunu wuxuu ogaaday in intii loo soo waday israa’iil, uu wargayskii Sunday times bilaabay taxane ku salaysay sheekadiisa, wargaysku wuxuu soo bandhigay sawiradii goobta, wuxuu sheegay in israaill sidii loo malaynayay markii hore aysan ahay, ee ay hada haysto 10 ilaa 20 nukliyeer ah bam ah, balse warka uu keenay Vanunu waxaa ku cadaa in israa’iil ay hada tahay awood nukliyeel, sidoo kale aya haysato 150 ila 200 oo bamboo oo kala duwan oo halis ah.
Waxay kaloo awood u leedahay in ay samayso bambooyinka, hydrogen iyo neutron ka, watkaas aad ayuu uga nixiyay vanunun, oo wuxu ka baqayya in israa’iil ay disho, wuxuu kale oo uu u baqayay cindy, mana rumaysan in ay qayb ka ahayd qorshaha lagu soo qabtay.
Ku dhawaad affartan maalin aduunku war kama hayn meel uu jiro Vanunu, wargaysyadu waxay daabacayeen warar aan runta raad ku lahayn, wargaysyo ingriis ah waxay si faahfaahsan u sharaxeen, in Vanunu london laga afduubay loona qaaday israa’iil, kuwa kale waxay qoreen, markhaatiyaal ayaa sheegay in ay arkeen Vanunu iyo gabar la socota oo doon raaxo sii fuulaya, doontiina ay israa’iil aaday.Xubno ka tirsan baarlamanka ingriisku waxay codsadeen in baaritaan la bilaabo, israa’iil na tallaabo laga qaado,
Bartamihii bishii nuvember ayaa si rasmi ah eedaynta loogu soo jeediyay Vanunu, dhowr jeer oo danbana maxkamada la keenay, waa uu ogaan halka wariyayaashu joogaan marka maxkamada la keeno, wuxuuna go;aan ku gaaray in uu ka garaad badiyo ilaalada wada, socdaal ka mid ah socdaaladii maxkama lagu keenayay , Vanunu wuxuu fadhiyay kursiga danbe ee fatuurada booliiska, wuxuu sugay inta fatuuradu ka istaagto wariyayaasha iyo sawir qaadaayaasha ku soo xoomay,
Si lama filaan ah ayuu calaacashiisii dariishada fatuurada ugu dhajiyay, wariyayaashii iyo sawir qaadayaashii aduunka oo idilna waa arkeen waxii ku qoranaa calaacashiisa
“Vanunu waxaa laga soo afduubay rome, 30,9,86, rome wuxuu ku yimid duulimaadkii 504”
Warkaan soo kordhay wax dhaawac ah uma gaysan xariirkii ingriiska iyo israa’il, waayo waa cadayd in Vanunu uu iskiis uu uga baxay ingriiska, oo diyaarad kuwa ganacsiga ah u raacay talyaaniga, Vanunu waxaa lagu eedeeyay basaasnimo iyo khayaano qaran, waxaana lagu xukumay siddeed iyo toban gu’
Balse aduunka inta badan looma arag iyo uu yahay basaas ama khaa’in, ururo iyo kooxo magaciisa wata ayaa yurub iyo ameerika mar qudha ka soo muuqday, waxayna ku shaabadeeyeen in uu yahay geesi nabada u dagaalama, shahiid naftiisa halis u galiyay in uu joojiyo nuliyeerka israa’iil.
Runtuse waxay ahay in uusan ahayn waxaa lagu sheegayo, mana doonayn in uu ka horyimaado mashruuca nukliyeerka israa’iil, haddii aan shaqada laga cayrin lahayn, tan iyo manta in uu ka shaqeeyo mahadka 2 ayay u badantahay, xataa markii uu dalka ka baxay kuma dgdagin jihaadka, ee aduunkuu iska socdaalayay, u dalxiisay, Nepal, Thailand, diinta masiixiga loogu wan qalay awtaraaliya, hadii uusan la kulmi lahayn, Guerrero, sawiradu meel hadaa ugu jiri lahaayeen,
Balse dadkii wanaagsanaa iyo kuwii ducafada ahaa ee aduunku waxay u arkeen geesi la dagaalamaya atimga israa’iil, ayada oo cidiisii weli nooshahay, lamaane maraykan ah ayaa si sharciya wiilkoodii uga dhigtay, chrishtaan kale oo wanaagsan waxay ku dadaalayeen in ay u sharaxaan abaal marinta nobel peace prize,
Markii laga sii daayay xabsiga 18 gu’ka daib, Vanunu wuxuu u guuray magaalada qudus, mana qariyo nacaybka uu u qabo israa’iil, waa uu diiday ku noolaado israa’iil iyo in u uku hadlo afka cibriga, wuxuu igu yeeraa john Crossman, wuxuu wax ku qorqoraa wargaysyada carabta, walina wuxuu raadiya cindy.
Sida muuqatay, howl galkii London oo degdeg ahaa, mossad waqti uma heli ay cindy daah ama cover ugu sameeyaan, waxay adeegsanaysay magaca walaasheed, cindy hanin iyo baasaboorkeeda, taasna waxay kaalma u noqotay, ingriiska iyo ariyayaashii israaiil ay helaan aqoonsigeedii, waxay heleen in magaceeda runtaa uu ahaa, Cheryl Ben-Tov, nee Hanin, waxaa dhalay miyineer maraykan ah, oo hantidiisa ka abuuray ka ganacsiga taayirada.
Waxay ahayd qof daacad u ah sahyuniyada, ayada oo 17 jir ah ayayna u soo boqoshay israa’iil, waxay martay gurmadkii ciddanka, waxay guursatay sarkaal hore oo sirdoonka aman ahaa, markii danbana mossad ayaa tababartay, aad yaya u garaad badnayd, higsi adag ayay lahayd, baasaboorkeeda maraykanka ah waa kaalmo weyn ayuu u ahaa.
Laba gu’ oo tababar ah ayay qaaday intaan howlgalkii dagdagta ahaa loogu dirin London ayada kuwa kale, markii la soo afduubay Vanunu iyo ayadii oo dadkii wada ogaaday, waa ay iska cashisay mossad, waxayna ku nooshahay Orlando, marayakanka, ayada iyo ninkeedu waxay ku jiraan ganacsiga guryaha iyo dhulalaka.
Dhammaad
Leave a Reply