Haddii uu ahaan lahaa in fakaraya, waa uu ogaan lahaa in uu dabin ku dhacay, gabar ay jidka isku barteen, oo horay ka jeclaatay, una diyaara in ay u samyso wuxuu doonayo, guriga walaasheed ee magaalada rome u kaxaynaysa, tikit u jartay ayagoon fi wanaagsan isku aqoon, , diiday in ay London kula seexato balse ogol in ay rome kula seexato, nin kasta oo garaadkiisa ageedsanaya waa ogaan lahaa in sheekada cindy si wax ka yihiin, oo tuhun ku jiro, oo ay wax laqadan karo ahayn xataa.
Balse dhaqaatiirta cilmi nafsiga ee mossad, shaqadoodii si wacan ayay uga soo baxeen, waa ay ogaayeen waxa vanunu yahay, waa hubeen in miyir la’aan oo ugu ordayyo dhunkashooyinka macaan iyo ballan qaad danbe oo gabar qurxoon u balan qaado raaxo,
Peter hounam ee watgayska Sunday times, nin fakara ayuu ahaa, isla marki uu maqlay cindy, waa uu dareemay in si wax u qaldan yihiin, aad ayuuna isugu day in uu vanunu ku qanciyo in uu gabadhaas iska daayo oo uusan dib u arag, balse waxba kama soo naasa cadaan.Vanunu dabinkii waa ku dhacay, aduunka wax jooga oo masaxdiisa badali karana majirin, meel baa u cadayd,
Mar uu ka codsaday in peter oo gaariga ku geeyo biibito uu balan kula lahaa cindy, peter wuxuu ogaaday qorshaha vanunu ee ah in dhowr maalmood uu magaalada ka maqnaanayo, wuxuu isku dayay in uu ka waaniyo, balse waa uu diiday vanunu, wuxuu uga digay in uu London ka baxo, in uu baasaboorkiisa uga tago, qaybta soo dhaweynta hotelka, waxaa taas ka sii darn oo madaxa peter gali weysay in vanunu uu rome u aadayo kaliya in uu la seexdo cindy.
Israa’iil ma doonayn in ay vanunu ku afduubaan dhulka ingriiska dhexdiisa, ma yasan doonayan iyo iska hor imaad ka dhaco ayaga iyo islaanta, lagu naynaaso, islaanta birta ah, ee ah madaxa wasiirada ingriigaka, Margaret Thatcher, mossad sidaas darteed kuma jacsanayn ingriiska.
Bilo ka hor ayay ahayd markii dowlada jarmalku ay ka heshay meel taleefoonada laga dirsado, siddeed baasboor oo been ah abuur ah oo ingriis ah, markii arrintii la baarayna, dadkii iska lahaa, waxaa la ogaaday in ay xariir la lahaayeen safaarada israa’iil. Dowladii ingriisku aad ayay uga xanaaqday dhacdadaas, mossad na waxay balan qaaday in aysan mar danbe ku xad gubi doonin qarannimada ingriiska, sidaas darteed, peres, madaxa wasiirada israa’iil iyo mossad ba, qorshaha uguma jirin in ay howl gal qarsoon ka fuliyaan ingriiska.
Rome ayaa noqotay halka ugu haboon ee ay doorteen, xariirka mossad iyo talyaanigu aad ayuu u wanaagsaanaa aadna isku dhawaayeen, madaxa sirdoonka mossad iyo kan talyaanigu waxay ahaayeen saaxiibo aad isugu fiican, dhinaca kale talyaaniga oo xaaladiisu markaas iska qasnayd, waxaa hubaal ahayn in talyaanigu uusan wax caddayn ah u keeni Karin in vanunu dhulkooda laga afduubay.
Cindy iyo vanunu ayagoo gacmaha is haysta ayay fuuleeh duullimaadkii, 504 ee British Airways, ee rome u socday September 30, 1986, markii ay rome ka dageen 3 saad fiidkii waxaa soo dhaweeye, nin talyaani ah oo ubax weyn siday, garigiisii ayuuna uga qaaday halkii ay daganayd cindy walaasheed.
Intii ay sii socdeen cindy hab iyo dhunkasho ayay ku haysay vanunu oo dagnaansho ka muuqato, ugu danbayn fatuuradii waxay hor joogsatay aqal yar, gabar ayaa ka furtay illinkii, Vanunu ayaa ahaa qofkii u hor galay, durbadii uu galayba illinkii ayaa banaanka laga xiray, laba nin ayaana ku soo booday oo six un u garacay, dhulkana ku tuuray, wuxuu arkayay in labada nin uu midi timo cad lahaa.
Intii nimanku ay gacmaha iyo luga ka xirayeen, gabadhii inta ku soo foorarasatay ayay cirbad ku durtay, aduunkii oo dhan ayaa ciiryaamo la noqday, ka dibna hurdo dheer ayuu galay,
Baabuurkii dadana [van] ee siday anunu oo miyir la’ wuxuu afka saaray waqooyiga dalka, dhowr sacaadood ayuuna sii socday, Vanunu waxaa geesaha ka fadhiyay, labadii nin iyo naagtii, oo dhowr saacadood ka dib cirbad kale ku durtay, cindy na waaba miriqday.
Waxay gaareen dakada La Spezia, Vanunu oo bareelada dadka jiran lagu qaado ku xiran, ayaa la saaray dooni dheeraysa, oo u qaaday Markab xamuul israa’iil oo badweynta jooga, sida la sheegay, shaqaalihii markabka waxaa lagu amray in ay makhaayada iskugu tagaan dhamaan, balse kuwii markaad hosha ku jiray waxay arkayeen, dooni dheeraysa oo timid, loona lalaadiyay jaran jaran xarig ah, waxay ahayeen laba nin iyo naag, waxayna sideen nin miyir la’ oo la galiyayqolka sarkaalka sarkaalka koowaad, laguna soo xiray, markabkiina isla markii u dhaqaaqay israa’iil.
Vanunu socdaalkii oo dhan wuxuu ku xirnaa qolkaas yar, dib danbana uma arag cindy, ayada ayuuba ka warwarsanaa, oo maba ogayn wax ku dhacay, ma dareensanayn in ay ka tirsanayd mossad, aqalkii la galiyay ayay kaga dhaqaaqday, waxayna u badnayd in ay isla habeenkiiba talyaaniga ka dhiiftay.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply