Mossad-Dabin basaas Q-5aad

 

 

Wargayskii Sunday dadkii ka socday vanunu waraysi dheer ayay la yeesheen, wuxuu u sheegay wax walba oo uu ogaa, wuxuu u shegay in israa’iil ay samayn rabtobambada  neutron ka ah, oo awooda u leh in ay disho noolaha kaliya balse dhusmayaasha aan wax gaarsiinayn.

 

Wuxuu u faahfaahiyay habka machadka 2 uu isgu geeyo bambooyinka, mar kasntana baqdin iyo xasilooni la’aan aya ka muuqatay vanunu, wuxuu ka baqayay la afduubo oo israa;iil lagu celiyo ama la dilaba, balse dadka wargayska ka socdaa mar kasta waa dajin jireen, hotel kale ayay u rareen, shaqaalahooduna kaltan ayay ula joogi jireen, sidii uu ilma yar yahay martigooda qaaliga ah.

 

Waxay ku adkaysteen in uusan kaligii jidadka marin, markii waraysigii dhamaaday waxay siiyeen, boqol kun oo gini, iyo in uu boqolkiiba 40 ku leeyahay wixii qormadaas ka soo baxa, iyo boqolkiiba labaata iyo buuga laga daabaci doono, haddiiba la daabaco, waxay kale oo u sheegeen in ninka leh Sunday times, Rupert Murdoch uu leeyahay shirkada filimada ee  Twentieth Century Fox, uuna ka baaraan dagayo in uu filin ka sameeyo noloshiisa iyo xilliyadii soo maray,waxaana filinka jili doona qaybta vanunu Robert deniro.

 

Marti galiyaasha vanunu wax walba waa u habeeyeen hal mid maahane, naag, dhinaca galmada ayuu aad ugu nugul yahay, xataa mid ka mid shaqaalaha wargayska ee la joogiisa isku badbadala , oo la yiraahdo Rowena Webster, waa uu ku dayay balse waa ka diiday, galmaduna waxay ahayd halka uu I jilicsan yahay, balse wax garadkii wargaysku waa ku guul daraysteen in ay taas arkaan.

 

Waxay kale oo ku guul daraysteen in ay baqdinta vanunu uu ka baqayo sirdoonka israa’iil ay si dhab ah u qaataan, mid ka mid ah wariyayaasha wargayska ayaa loo diray israa’iil si uu u soo ogaado in vanunu uu yahay waxa uu sheeganayo iyo qofkuu sheeganayo, asagiina wuxuu kala hadlay arrintii wariye israa’iili ah oo isla markiiba gaarsiiyay sirdoonka shabak.

 

Dhowr saacadood ka dib koox ka tirsan ciidamada howlgalada mossad ayaa ka dagtay London, kooxda waxaa hoggaaminayay ku xigeenka madaxa mossad,  Shabtai Shavit, waxaase howlgalka hagayay, ku xigeenka labaad ee madaxa mossad ahana madaxada kooxda Caesarea, Beni Ze’evi, laba sarkaal mossad ah oo iska dhigayay sawiro qaaadayaal wargaysyo, ayaa riglo u joogay dhimaha Sunday times ku taal, oo sawiro ka qaadayay shaqaale mudaharaadaya, shaqaale shaqo joojin ku jiray.

 

Dhawr maalmood ka dib ayay arkeen vanunu sawirna ka qaadeen, oo daba joogeen markii uu jidadka magaalada marayay, 24 tii sibtember anunu wuxuu yimid barxada liecester squere, oo ah meel aad u yimaadaan dalxiisayaasha iyo dadka booqshada ku joogaa, wuxuuna arkay gabar aad u qurxoon oo u eg lagana aqoon jilaada filimada jisha ee la yiraahdo,  Farrah Fawcett.

 

Waa qurxoonayd, timo bolonda ah alahay, asaga waxay u ahayd malaa’ig qurux badan, waxay ag istaagnayd meel wargaysyada lagu gado, asagauna aad ayu u eegayhay, madaxeeda ayay soo jalleecday oo asagii eegtay, eegmo macna weyn ku fadhida, indhahoodii ayaa is qabtay, ayaduna wargayskii inta gadatay ayay socotay.

 

Asaguna dhinaca kale ayuu u dhaqaaq damcay, balse karti inta raadiyay ayuu soo noqday oo inta u tagay ku yiri inaan kula hadlaan rabaa, ayaduna ka oggolaatay waliba ayadoo dhoola cadaynaysa, wada sheekaysi caadiya ka dib waxay u sheegtay in magaceeda la yiraahdo cindy, oo ay tahay yuhuud, kana timid magaalada filadefiya ee daalka maraykanka, dalxiisna u timid yurub.

 

Vanunu tuhun ayaa galay, maalmihii u danbeeyay, qolada wargaysku si aan dhamaad lahayn ayay wax u weydiinayeen, dib ayay u dhigeen dabicidii buuggii noloshiisa ka hadlayay, baqdintii uu ka qabay sirdoonka israa’iil waa ku sii badatay, siiba markii uu maqlay in wargaysku uu la ariirayo danjiraha israa’iil u fadhiya London si ay faallo uga helaan.

 

Waxay u sharraxeen in wargays sidooda oo kale ah oo muxtaram ah , ay markasta weydiiyaa dhinaca kale faaladooda iyo ra’yigooda, taase kuma qancin, waxayse sii kordhisay, cidladii uu dareemayay, ciilkii, iyo dulqaad la’aantii,

 

Si lama filaan ah ayuu cindey u weydiiyay,

“ma mossad baad u shaqaysaa”

“Maya, maya, mossad waa maxaty?” ayay tiri una raacisay

“magacaa?”

“George”

Magacaan wuxuu ahaa kii uu adeegsaday markii uu hotelka qabsanayay.

“naga daa hee, George qof la dhaho uma ekide, maahan magacaagu saas ayay tiri. Ayadoo dhoolla cadaynaysa

Markii ay makhaayadii fariisteen ayuu magaciisii dhabta ahaa u sheegay, iyo arrinta Sunday times, iyo dhibka uu ku jiro, durbadiiba waxay u soo jeedisay in uu newyork aado, halkaasna ay uga  heli karto wargayso wanaagsan, iyo qareeno heer sare ah, balse wargeeda dhag jalaq uma siin.

 

Vanunu waxaa haleelay jacayl aragtida u horeysay ah, dhowr jeer ayay kulmmeen asaga iyo cindey dhowr kii maalmood eek u xigay, beeraha nasashada dhex marayeen ayaoo gacmaha iss haysta, shaneemooyin aadeen oo ka daawadeen filimo can ah, wax badana waa is dhunkadeen, dhunkasho iyo habsiin uusan waligii iloobayn.

 

Cindey dhunkasho macaan ayay siinaysay, balse waa ka diiday in ay la seexato, waxay u sheegtay in aysan hotelkeeda ku casuumi Karin waayo gabar kale ayay qolka isla qaybsadaan, waana ay diidy in kiisa ugu timaado, waxay ku tiri adiga dhan buuq baa kugu furay, caadi ma tihid, London wax noogu hagaagaya maleh.

“rome maad ii raacdid, walaashay baa daggan halkaas oo guri ka dagan, waqti fiican baan ku qaadanaynaa, buuqaan iyo dhibkaan waad iloobiye”

 

Markii hore waa ka diiday, balse waa ku dirqisay, tikit first class ah ayay soo goysatay, markii ay ku qancisay in uu raacna mid kale usoo jartay, kuna tiri

“lacagta gadaal ayaad iga siin doontaa”

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/

Leave a Reply