Mossad-Dabin basaas Q-4aad

 

 

 

 

 

Balse Vanunu waa ogaa haddii taasi dhacdo oo uu daabaco in ay asagana uga dhamaatay israa’ill oo uusan ku laaban Karin waligiis, waayo waxa loo aqoonsan doonaa dhargar qabe iyo in uu yahay nacabka dadka israa’iil, si kastaba waa ay ku weynayd in uu daabaco.

 

Vanunu iyo guerrero waxay isku raaceen goobta filimada lagu cadeeyo oo uu ku daabacay sawiradii oo machadka ka soo qaaday, wuxuuna isku dayay  in ay daabacaan sawirada wargaysyo maraykan ah oo awtraaliya jooga iyo muuq baahiyaal awstaraariyaan ah, si uu xooga lacaga uga sameeyo, waase u noqon weyday.

 

Waxay ba u arkeen asagii in uu yahay qof aan caadi ahayn ama beenloow doonaya in uu kis lacaga ka dhaco, qof  rumaysaty ama ka rumaysanayay ma jirin, ninkaan miskiinka ah oo duruuftu ka muuqato ayaa haya, sirta ugu weyn israa’iil ee aadka loo ilaaliyo.

 

Ugu danbayn guerrero ayaa u duulay isbayn, fursanad ka helay, tififtiraha wargayska London Sunday Times oo sheekada maqlay wuxuu is tusay qiimaha uu yeelan karo maqaal laga qoro nukliyeerka israa’iil oo waliga sawiro goobtii laga sooqaday la socdaan, balse taxadar weyn ayaa ku jiray, waayo mar aan saas u sii fogayn waxaa fadeexo ka soo gaadhay xasuus qorkii hitler ee ay gateen, markii danbana ay cadaatay in uu been abuur ahaa.

 

Sidaas darteed waxay codsadeen in ay si fiican isaga baaraan sawiradii guerrero waday, dhinaca kale muuq baahiya dalka awstaaraaliya ayaa la xariiray danjira israa’iil I fadhiya canberta oo weydiiyay, in ninkaan aan caadi ahayn ee usoo bandhigay sawirada dimona, in uu yahay israa;iili dhab ah, sheekadii waxay dhagaha ugu dhacday wariye israa’iili ah, oo warkii u diray wargayskii uu u shaqyanayay ee telaviv ku yaalay.

 

Sidii biriq ay ku dhacday ayaa warkii u gariiriyay sirdoonkii israa’iil, shaqaale hore ee machadka 2 ayaa doonaya in uu iibiyo sirtii ugu weynayd israa’iil,

“haddii ayaanaan gacanta ku soo dhigin ninkaas si dhaqsa ah, dalku waa burburay”

Ayuu qiray madaxa sirdoonka ciidanka  Haim Carmon,

 

Warkii wuxuu gaaray goloaha madaxda wasiirada, oo ay ka mid ahaayeen madaxa wasiirada,  Peres iyo labadii ka horeysa Rabin and Shamir,waxay go’aan ku gaareen in vanunun la soo helo sida ugu dhaqsiyaha badan, loona keeno israa’iil, qaar waxay soo jeediyeen in aan la keenin israa’iil ee meeshuu joogo lagu dilo, balse aragtidaas waa laga hor yimid.

Madaxii wasiiradu wuxuu telefoon u diray madaxa mossad, NahumAdmoni,  Ra’iisal wasaaraha ayaa taleefoonka qabtay oo wacay ramsad. Oo Ilaa 1982, madaxa Mossad ka dib markii in labaatan gu’ah ayaa janaraalo madax u soo ahaayeen,  ururku wuxuu ugu dambeyntii yeeshay madax cusub, oo ka soo shaqeeyay gudaha. NahumAdmoni, oo ku dhashay Jemsalem,

wuxuu ka soo dagaalamay oo ka qayb qaatay dagaalladii, Shay iyo Cammaan. Waxa uu ahaa Hofi ku xigeenka, oo waxa uu gaadhay jagadii uu jeclaa ee ramsad, madaxa sirdoonak, ka dib markii Hofi uu ka fariistay shaqada 1982.

 

balse ma ahayn gu’yaashii ugu wanaagsana ee soo mara bulshada sirdoonka. Intii u dhaxaysay 1982 iyo 1989, dhawr dhacdo ayaa ceebeeyay Mossad, sida dhacdadii, Pollard, iyo sirdoon rayid ah oo Yuhuudi ah lagu xiray Washington isagoo u basaasayay unug sirdoon oo Israa’iil ah; arrintii fadeexda Iran, oo Israa’iil ay ku lug lahayd;

 

farsama xumo dhowr wakiil oo Mossad ah oo ku sugan dalal shisheeye oo khaladaad aan taxaddar lahayn galay.

Balse dhaawacii ugu xumaa ee soo gaadhay Israa’iil waxaa hubaal ah inuu sababay Mordechai Vanunu. Isla markii uu Peres wacay, Admoni waxa uu bilaabay hawlgal lagu soo qabanayo vanunu Kumbuyuutarkii Mossad ayaa soo saaray magaca koodka hawlgalka: “Kaniuk.” waxay si degdeg ah ugu dirtay unug Caesarea awstaraaliya si ay u helaan, vanunu

 

 

 

Balse markii saraakiishii yimaadeen, waxay arkeen in ay soo daaheen, vanunu uu duulay, oo markii wargaysku warsayday guerrero, waxaa wargaysku udiray Sidney, peter hounam si uu ula kulmo vanunu, peter markii uu dulayay waa uu ogaa in sawiradii ay baareen sayntiistayaal ingriis ah, ayna cadeeyeen in ay sax yihiin oo aysan ahayn been abuur.

 

Markii u la kulmay vanunu na waa ku qancay in waxa dhan ay run yihiin, gaar ahaan aad ayuu uga helay markii vanunun uu beeniyay warwarka ka badbadinta ah ee guerrero ka sheegay oo ah in uu yahay sayntiiste israa’iiliya, runta ayuuna u sheegay oo yiri waxaan ahaa farsamayaqaan ka shaqeeya dimona, waxayna u duuleen London, ayaga oo ka tagay guerrero.

 

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/

Leave a Reply