Mossad-Dabin basaas Q-3aad

 

 

 

Waxaa la siiyay boqolkiiba shan iyo taban intii uu shaqaynayay iyo mushaarka siddeed bilood, saas oo ay tahayna waa uu xanaaqsanaa oo jaha wareer haytay, wuxuu go’aansaday in uu dibada aado oo uusan waligii dib ugu soo laaban israaiil, hadii uu helo degaan uu ku noolaado, sida 12 milyan ee israa’iiliyinta ah ee dibadaha ku nool.

 

Aqalkiisii ayuu iibiyay, gaarigiisii waa gaday, xisaabtii bangiga waa xiray, soddon iyo kow jirkii vanunu boorsadiisii ayuu xir xirtay oo dhaqaajiyay, hada ka hor socdaallo dhaareer  waa u baxay, sida yurub iyo maraykan, balse hada wuxuu u kicitimay bariga fog.

 

Boorsadiisa waxaa ku jiray laba filin ama nagatif oo ah sawiradii uuu ka qaaday dimona, wuxuu ka bilaabay, halkii ka bilaabay joogsigii waxay ahay, giriiga, ka dib, ruushka, tayland, kadib Nepal, kathamandu, magaalada madaxda Nepal wuxuu kula kulamy gabar israa’iiliyad ah oo bashashad ah.

 

Wuxuu isku baray in magaciisu la yiraahdo, mordy, si cadna ugu sheegay in siyaasad ahaan uu yahay garabka bidix, lagana yaabo in uusan israa’iil dib ugu noqon, wuxuu tagay oo dalxiis u tagay macbadka diinta buudaha, markaas oo uu ku fakaray ama is yiri amaad buudiste noqotaa.

 

Kathamandu kadin wuxuu u socdaalay bariga fog, ugu danbayana wuxuu ka dagay awstaraaliya, dhowr biloodna ka shaqeeyay shaqooyin kala duwan, magaalada Sidney gudaheeda, balse inta badan wuxuu ahaa kali jog iska niyad xun,

habeen goor fiid ah ayuu luga baxsi ku dhexmaray goob ka mid ah goobaha magaalada ugu sumcada xun, oo ah hoy tuug iyo dhiloonya jirkooda gada,  hortiisa waxa uga muuqada kaniisada st George oo can ku ah in ay taakulayso dadka nafta jooga, danbiilayaasha, kuwaan goyga lahayn, rag iyo dumar kuwa saboolka ah ee dhibaataysan,

 

markii uu galay wuxu la kulmay wadaadka la yiraahdo mcknight, wadaad wanaagsan ahaa, durbadiina garatay in ninkaan uu u baahan yahay hoy iyo cid, xariir wanaagsan ayaa dhex maray labadodii, labadii toddobaad eek u xitay wada sheekaysi dheer oo run ku dhisan ayaa dhex maray, ugu danbayn ogost 17, 1986 ayaa vanunu qaatay diinta kirishtaakanka, magic cusubna uu doortay, john grossman.

 

Waxa uu sameeyay waxay ahayd isbadal weyn oo aan laga filayn, yuhuudi ku dhashay maraakish, wax ku soo baartay dugsiyada diinta yuhuuda ee talmuud iyo yeshiva, ka gadoodashada diintiisu mar hore ayay bilaabatay, balse diintiisa uu ka baxay waxaa u sabab ahayd  niyad jabka iyo wareerka uu u hayay diinta yuhuuda, oo haddii usan habeenkaas kaniisada iska gali lahayn oo uusan la kulmi lahayn wadaadka john, waxaa dhici lahayd in uu noqdo budiiste ama diin kale galo.

 

Siduu diinta yuhuuda dhabarka ugu jeediyay ayuu israa’iilna ugu jeediyay, dhabar u jeedintas uu dalkiisa ka sii jeestay ayaa sabab u ahayd wax yaabo badan oo uu ayatiinkii sameeyay, intii uu joogay kaniisada bulasha wuxuu uga sheekeeyey, shaqdii uu israa’iil ka hayay, wuxuu u faahfaahiyay mashruucii dimona, wuxuu tusay sawiro uu ka soo qaaday dimona.

 

Si yaab leh ayay u eegayeen, oo wax fikrad ahba kama aysan haysan waxa uu ka hadlayo, balse hal nin ayaa ku dhex jiray dadka, oo hadalada vanunu xiisa galiyeen, wuxuuna ahaa Oscar guerrero,  kaloombiyaan iska yaac ah oo garab rarata ah, mar marna wariye nimo ku shaqeeya,

 

Labadoodii kaniisada waa ka guureen in muddo ahna aqal ayay ku wada noolaayeen,  Oscar wuxuu ogaaday muhiimada ay leeyihiin sawiraan, wuxuuna maskaxda vanunu ka buuxiyay , balanqaad nolol cusub iyo hanti, vanunu lacag waa u baahnaa, sidoo kale waa uu doonayay  wanaag uu ka shaqeeyo, oo carab iyo israa’iil nabadi ka dhex dhalato, taas oo ahayd hamigiisa.

 

Nabad ka shaqayn  maahayn wuxuu uga soo tagay israa’iil oo laba nagatiif oo bilooyin aduunka  ula wareegayay, balse nabad samayn  iyo adduunka uu ka badbaadiyo halista nukliyeerka israa’iil ayuu u arkayay wax wanaagsan, dagaalka u gaarka ah ee uu kula jiray nukliyeerka israa’iil maalinba maalinta ka danbaysay waa sii kordhayay, una arkayay in ay tahay sabab uu uwargaysayda ugu daabaco sawiradii dimona.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/

Leave a Reply