waxaa looga yeeray kulan uu la qaatay saraakiil ka tirsan Shabak, kuwaasoo u sheegay inuu joojiyo howlahaas, kana codsaday inuu saxiixo dukumeenti sheegaya in looga digay arrimahaas, Ma saxeexin, mana joojin joojin wuxuu waday, Shabak ayaa ku faahfaahisay dhaqdhaqaaqyada Vanunu warbixin caadi ah oo ay gudbisay agaasimaha amniga ee Wasaaradda Difaaca. Agaasimaha ayaa warbixintii asna u gudbiyay agaasimaha nabad sugidda ee xarunta Dimona, kaasoo ku xareeyay mid ka mid ah galkiisa.
Wax tallaabo ah lagama qaadin, mana jirin wax ilaalo iyo dabgal ah oo Vanunu lagu bilaabay. saraakiisha Shabak ee heer degmo iyo heer qaran iyo agaasimayaasha amniga ee wasaaradda iyo Dimona – ayaa ku guuldareystay inay gutaan waajibaadkooda. Vanunu waxa uu sii watay hawlahiisii siyaasadeed oo aan lagu dhibin.
Waxa uu ahaa “shaqaale” Machadka 2, oo ah qaybta ugu sirta ah ee dhismaha Dimona. Shaqaalaha 2,700 ee Dimona, 150 kaliya ayaa loo oggolyahay inay galaan Machadka 2. Vanunu wuxuu lahaa laba kaar: 9567-8 oo ku gelo xarunta Dimona, iyo 320 oo uu ku gelo machadka 2.
Dibadda marka laga arko machadka 2 wuxuu ahaa dhime laba dabaq ah. Dhisme bkhaar oo kale ah, meel wax lagu kaydiyo, balse dadka maskaxda leh waxay is waydyaan markay arkaan wiisha saqfka kore, maxay sar laba dabaq ah wiish uga baahan tahay,
Tanse waxay ahayd sirta ku duugan Machadka 2: oo wiishka in u kor aado dantu mahayn, ee in uu hoos u socdo, lixda dabaq ee dhulka hoostiisa ah oo wiisha loo raaci ayaa si farshaxannimo leh loo qarin jiray. Vanunu wuxuu mas’uul ka ahaa shaqada habeenkii wuxuuna si fiican u yaqaanay dhismaha. Dabaqa koowaad waxa loo qaybiyey dhawr xafiis iyo maqaaxi. Dhowr albaab oo dabaqa hoose ah ayaa loo isticmaalayay kala wareejinta uranium ta loo isticmaalo reactor-ka; Isla dabaqa waxa ahaa xafiisyo kale iyo qolala shaybaadhka loo adeegsado. Dabaqa koowaad ee dhulka hoostiisa ayaa ahaa halka tubooyinka lagu kaydiyo.
Kan labaad, qolka xarunta dhexe, waxaa kale oo ku yaalay meel rako ah oo loogu yeero “Go Ida’s balcony.” Oo ah meel ay dadka muhiimka ah ee soo booqda ay ka daawadaan wax soosaarka howsha ka socota rakada hoosteesta ah, dabaqa saddexaad ee hoos , waxaa looga shaqeeya yuuraanimaum-ta,
Dabaqa afraad wuxuu leeyahay meel hoose oo ilaa saddex dabaq dhiriri le’eg, waana du’da wax soo saarka iyo waana halka plutonium looga saaro uuraanimuta, dabaqa shanaaq waxa ku yaal shaybaarkii, waana goobta lagu sameeto cadadka bambada, dabaqa lixaad ee dhulka hoostiisu waa halka lagu suntan lagu shubo haamo ama contaynaro
Maalin asaga oo an wax gaara ula jeedin ayuu kaamira u qaatay shaqada mahadka 2, boorsa uu watay ayay ugu jirtay ayada iyo bug oo doonayay in hadhoow uu keeyo jaamicada ben gurion, wuxuuna go’aansaday hadii ilaalada dimina ay weydiiyaan muxuu kaamirada u sitaa, in uu ku yiraahdo, filin ayuu laga soo cadaynayay, boorsada ayuuna ku dhex hilaamay.
Baalse cid boorsadii baartay malahayn, cid wax weydiisay malahayn, kaamiradiina wuxuu galiyay armaajadisii, xilliga qadada iyo casirkii xilliga fasaxa shaa cabida, wuxuu dhex meeraa dabaqyada hoose oo uu sawiro ka qaadaa, shaybaaraka, qalabka meesha yaal, barxadaha gudaha, gacanta sawiro ku sawiraa, xafiisyada aan la joogin gala, wauxuu raadiyaa khaanada furan ee dukumentiyo ku jiraan,
Qof arkayna ma jirin, qof qof ka shakiyayn ama jirin, sidii aan meeshaba ilaaladii ka miriqday, madaxdiisu wax wara kama hayan hobigiisa halista ah, waxay ogaayeen uu in yahay nin shaqdiisa qabsada oo nin dagan ah, ugu danbayn 1985 ayaa shaqadii laga ruqseeyay, sagaal ku ka dib markuu shaqaynayay, shaqada laga ruqseeyayana wax shaqo ah kuma lahayn siyaasad ee xagga dhaqaalaha machadka ayay ahayd.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply