Mordechai Vanunu waxa uu u muuqday in uu sameeyay wax kasta oo uu kari karo si uu noloshiisa sirta ah u sameeyo. Waxa uu farsamayaqaan ka ahaa reactor-ka atomiga Dimona, goobta ugu sirta iyo ilaaliska adag ee Israa’iil. War baahinta shisheeye, iyo dawlado badan, waxay ku qanceen in Israa’iil ay hubka nukliyeerka ka dhisanayso xaruntaas sirta ah.
Qof kasta oo ka codsada shaqo Dimona waa inuu maro hab dheer oo adag oo ah buuxinta foomamka, ka gudbida wyediimaha, , in sirdoonka Shabak iyo xeeldheerayaasha kale ee amniga ay hubiyaan wxuu yahay, aslakiisa, sooyaalka noloshiisa, markii intaas iyo in kale la mariyo, ayaa loo fasaxa qofka inuu galo xarunta sirta ah. Kormeerid ah iyo dabagal ayaa lagu hayaa ilaa inta qofku ka shaqaynayo Dimona.
Vanunu waxa uu ka codsaday shaqo Dimona ka dib markii uu ku arkay xayaysiis joornaal maalinle ah, Waxa uu tagayxafiiska “xarunta cilmi baadhista nukliyeerka” ee ku taal magaalada Beersheba agteeda, waxa lagu sameeyay baadhitaan amni oo caadi ah, waxana uu shaqada ku helay dhibaato la’aan. Sidee tani u suurto gashay?
Waxa uu ahaa xag-jir garabka bidix ah, saaxiibadiis waxay ahaayeen xubno Carab ah oo ka tirsan Xisbiga Shuuciga, uruka shuuciga ee israaiil Rakah; waxa uu ka qayb galay mudaaharaadyo ka dhacay dhinacooda, waxa lagu sawiray isu soo baxyo aad u ba’an oo Falastiiniyiin ah, waxa uu watay boorar, khudbado uu jeediyay, waxa uu waraysiyo siiyay warbaahinta. Waxa kale oo uu ku marti galiyay dableyda Rakah ka tirsan aqalkiisa yar ee Beersheba,
waxana uu ka codsaday in ay ku biiraan uru jaamicada ee ka kooban da’yarta Carabta ee xagjirka ah, si cadna wuxuu uga soo horjeestay dawladda Israa’iil. Jaamacadda Ben-Gurion, halkaas oo uu ka diiwaan gashan yahay arday ahaan, wuxuu caan ku ahaa aragtidiisa xad dhaafka ah. Wuxuu ahaa nin hibo leh laakiin aan degganayn. Ka hor intii aanu noqon taageere Rakah, waxa uu ahaa nin xag-jir ah oo xaq u dirir ah, isla markaana aad ula dhacsan cunsurigii Rabbi Kahane.
Ka dib waxa uu taageeray xisbiga garabka midig ee xagjirka ah ee Hatechiya (Revival), waxa uu u codeeyay Likud, ugu dambayntiina waxa uu ku biiray oo ka mid noqday kooxda garbka bidixda. Wuxuu ku andacoodey in dagaalkii Liban ee 1982 ee muranka dhaliyey uu ka dhigay inuu beddelo fikirkiisa siyaasadeed . wuxuu ahaa Keli joog ah, oo aan saxiibo lahayn, wuxuu si adag u rumaysnaa in la takooray waayo asalkiisa ayaa Morocco ah.
Cuqdadaas waxay ku sii korortay markii uu ku dhacay imtixaanadii ogolaanshaha Akadeemiyada Ciidanka Cirka, waxaana lagu qoray Injineer Corps. Ka dib markii uu ka soo baxay IDF ciidanka israa’iil,, waxa uu ka bilaabay waxbarashada injineernimada TelAviv,waase is badalay oo u guuray Bi’ir Shebac, halkaas oo uu ka bilaabay barashada dhaqaalaha, hadana waa bedelay maankiisa mar kale oo u wareegay barashada falsafada.
Waxa uu noqday khudaar cune kaliya oo hilbaha ka caagan, dabadeedna wuxuu noqday waxa la yiraahdo vegan, oo caanihii iyo ukunti iyo subaggii, wax walba oo xoolo ka yimaada waa joojiyay,
Ardaydii ay isku fasalka ahaayeen ayaa aad ula yaabay damaciisa iyo lacag jacaylkiisa. Waxa uu ku faanay in aanu ku qasbanayn in uu shaqeeyo, kaliya in uu si caqli gal ah u maal gashi ugu sameeyo suuqa saamiyada uun u baahan yahay.
Xusuus-qorkiisa sida qornayd, wuxuu siiyay suuqa saamiyada “mudnaanta ugu sarreysa”, falsafada iyo Ingiriisiga hortood. Waxa uu wadan jiray fatuurad Audi cas ah, waxa uu ka sameeyay xoogaa lacag ah ka shaqaynta moodel qaawanaan isku soo bandhiga. Habka noloshiisu waxay ahayd arrin asaga u gaar ah, dabcan, laakiin dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed ee Rakah iyo taageerida Falastiin waxay ahayd mid indhah laga qarsan karin.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply