Eli aroor walba waxa uu diraa fariimaha asaga oo aan baqdin ka qabin in la qabto, mahadaasna waxaa iska lahaa isgaarsiinta ciidanka ee dariska la ayahay oo isku hoos qariyo, balse maalin baa saaxiibkiis ciidanka ah, laba xiddigle Zahir al Din ugu yimid booqasho kadis ah, Eli wuxuu ku guulaystay in uu qariyo tarasmiterkii, balse xaashiyihii ku haray miiska ayaa waxaa ka buuxay qoraalo kood sir ah,
”waxaana waa maxay?” ayaa Zahir weydiiyay asaga oo raba in uu iska ogaado
”waa iska hal xiraale” ayuu ugu warceliyay.
Markii laga reebo tarnsmiterka uu fariimaha ku diro iyo sanduuqyada domino da ee uu Arjantiin u diro, Eli wuxuu horu marsaday asaga ahaan hab kale oo uu ula xariiro Israa’iil, oo ahaa raadiyaha Dimishiq,
Wuxuu madaxdiisa tel aviv la habaystay, kood erayo iyo weedhooyin ah oo uu dhex galinayo barnaamijyada uu asagu sii daayo, koodkaas oo sirdoonka Mossad kaliya uu fur furi karo, dadaal kale ayuu hadana sii qaaday si uu ku helo sirta sare, waxaa xayndaabka dadka dowlada la isla dhex marayay warar sheegay in Eli uu filladiisa ku qabto xaflado raaxo ama galmo, oo saaxiibadiisa gaarka ah uu ku casuumo, halkaas oo martidu kula kulmaan gabdho qaarkood sharmuutooyin yihiin, qaarna cido wanaagsan ka soo jeedaan, halkaas ayaa lagu qabsadaa galmo waalan, kaliya asaga uun baa daggan oo aan qayb kaga jirin xilligaas, wuxuu kale oo uu raaxo iyo lacag ku soo xera galiyaa xoghayayaaha madaxda meelaha sare, waxaana ka mid ahayn saaxiibta gashaanle sare Salim Xutim, oo ayadu usoo sheegta eray walba oo uu gaashaanluhu yiraahdo.
Kamaal ama Eli wuxuu iska dhigaa nin aad u wadaniya marka laga hadlayo Israa’iil, oo uu ku tilmaamo shaydaanka qarannimada Carabta nacabka la ah, wuxuu madaxda suuriyiinta ku guubaabiyaa in ay badiyaan dacaayada ka dhanka ah Israa’iil iyo meel kale oo aan Suuriya iyo Ciraaq ahayn carqalad soohdimeed looga furo Israa’iil, xataa wuxuu ku eedeeyay madaxdii Suuriyiinta is ayasan si xoog leh aysan wax uga qabanayn cadowtinimada Israa’iil wado, sidaas markii uu samyeeyay higsigiisii waa gaaray oo saxibadiisii ciidanka ahaa waxaa ka go’nayd in ay u caddeeeyaan in uu khaldan yahay oo diyaar u yihiin dagaal cadowga ay la galaan, saddex jeer ayay booqasho ku geeyeen asaga soohdinta ay la wadaagaan Israa’iil, waxay u ogolaadeen in uu arko dhufaysyada iyo meelaha kale, waxay tuseen hubkii meesha yaalay, waxay u faahfaahiyeen qorshahooda, weerarkooda iyo difaacooda, Laba xiddigle Zahir al Diin wuxuu u waday oo geeyay saldhiga ciidamada ee al Hama oo ay ku xaraysanyihiin hub aad u badan oo cusub.
Booqashiidiisii afraad ee ku tago soohdinta Taabit, wuxuu ahaa qofka kaliya ee rayid ah ee ku jiray kooxda saraakiisa sar sare ah ee is kugu dhafnaa Suuriyiin iyo Masaari, waxaana kooxda hoggaaminayay ninka loogu xushmada badan yahay dhamaan hoggaamiyayaasha ciidan ee carabta, janaraal Cabdixakiim Caamir, madaxa hoggaamiyayaasha ciidamada Carabta ”ugu yaraan magac ahaan” oo ka koobnaa, Suuriya, Masar, Iraaq.
Ka dib booqashadii Caamir, Taabit waxaa u yeeray madaxda xisbi al Bcath ka oo ka codsaday in uu dhex dhexaadiyo ayaga iyo Saalax al Bitaar oo ahaa ninkii unkay xisbi al Bacath, waxaana la unkay Misheel Aflaq, waxaana soo banaan bixiyay al Xaafiz markii uu qabsaday xukunka, tan iyo xilligaasna Saalax wuxuu ku noolaa magaalada Ariixa, Taabit wuxuu u duulay dalka urdun oo uu dhowr maalmood la soo joogay ra’iisal wasaarihii hore, howshiisiina waa u soo dhamaatay, markii uu Dishiq ku soo laabtay wuxuu la kulmay al Xaafiz oo daawo u aadaya faransa garoonka ayuuna sii geeyay, markii al Haafiz soo laabtayna waxuu ka mid aha dadkii soo dhaweynayay ee dhabada diyaaradaha joogay.
1963 isbadal ayaa ka dhacay Israa’iil oo madaxa cusub ee Mossad Meir Amit, oo dhowr bilood ka mas’uul ahaa Aman iyo Mossad ba ayaa go’aansaday in la baabi’iyo cutubka 131, inta ka shaqaysa oo dhanna lagu wareejiyo laanta hawl galada ee Mossad, aroor ayuuna ka war helay in meeshii uu ka shaqaynayay laga badalay oo uu hadda yahay Mossad, isla gugaas Naadiya waxay umushay gabadhii labaad, Iris, Nuvebmer 1964, markii uu booqasho ku tagay Israa’iil  Naadiya waxay haysatay ilmihii saddexaad , markaan wiil ayuu ahaa loona bixiyay Sha’ul,  Eli oo aad u faraxsan wuxuu jaalayaashiisii shaqa ku yiri:
”Mar dhow shaqada waan joojin, guga soo socda markaan Israa’iil imaado, qoyskayga ayaan la joogaya”
Dhamaadkii Nuvember Eli waxuu nabad galyeeyay xaaskiisii iyo caruurtiisii, Naadiya ma aysan ogayn in nabad galyantaan ay tahay tii u danbaysay.
La soco
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply